May 9, 2010

Xaafadi Waxaay Xaafad Ugu Wareegtaa Waa Xasarad

Marka hor waxaan tacsi u dirayanaa dhamaan qaraabaddii shaqaaqaddii ka dhacdey ceerigaabo  ee uu ku geeriyoodey inan ku marxuum: Cabdirisaaq Maxamed Casoowe in ilaahey samir iyo iimaan ka siiyo qoyskii u ka dhashey isna naxariistii jannno Ilaaheyka waraabiyo, dadkii ku dhaawaccmeyna uu ilaahey cafimaad sareecan  ah siiyo a m iin . Marka labaad haddii aan u soo noqdo arintani waxay ahayd mid fool xun abaabulkeedda ciddii lahayd na ay abeelkeedda heli doonto, waxaase aan la ilaabi Karin inaan gobolku la mid ahayn goboladda kale xagga nabad-gelyo, shuucuurta dadka iyo gobolka oo cadow baddan leh oo la jaar ah.

Waxaase dadku had  iyo jeer u mahad naqayaan maamulka gobolka ugu horeyn mayor Ismail Xaaaji Nour oo goboka ka bad baadiyey isku dhacyo badan dhibaatooyinku keenni lahaa, isagoon iskaashi waayn ka helin maamulka guud.

Hadaba goboku waxaa uu ka mid yahay goboladda daacadda u ah xisbigga Udub, madax weynuhuna uu wax badan u qabtey, una baahan inay celiyaan abaalka marka ay timaaddo doorasho. Inay codkoogga siiyeen ninkii waqtiggii adag la soo dabaashey, mustaqbalkana u diyaara inuu la dabaasho,  inkastoo xaydaankiisii xisbiyo kale iyo dad sheshiisyo qarsoon xanbaarsani ay u soo daba mareen, hadana dadku wuu og yahay kii wax u qabtey iyo kii wax ma tare ahaa iyo mid maanta leh I tijaabiya.

Waxaad ka haddasha waxaad aragtid laakiin lama amini karo waxaadan arag. Siyaasigga aminkiisu ma sahlana, (believing is seen), waxase hadda timid dhagar.

Goboladdu marka ay doorasho timaaddo way kala calaamad san yihiin, xisbigga Udub wuxuu leeyahay dadweyne u daacad ah, oo been ma sheegayaal ah oo kala ah: lughaya, sanaag, awdal, salal, sool, togdheer, maroodijeex, saaxil, gabiley, hawd.

Kuwaas oo aan marnaba inay markale doortaan mooye aaney u ahayn sheeko kale in  afar sanno oo kale diyaar u ah Mudane Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin.(four more years for Hon: President Daahir Reyaale Kaahin, Give your Vote).

Wax a dad isu haysta aqoon yahano isku sheegga  ayaa ku dhaliila heshisyo ayuu lagalay dawladdo kale haddaba ma mucaaradkaa lageli lahaa!! yuu la geli lahha .. waxayn is weydiin muddan, waa maxay awoodda madaxweynuhu heshiiyadda caalamigga ah, magacaaabista dublamasiyiinta, la tashigga wasiiradiisa.

Waa hayaddo fulimeed (executive branch), magacaabista  maxkamadaha (courts), sharci sameynta iyo wixii kale waxa iska leh paarlaamka, wakiiladda, ama guurtidda, madax weynuhuna marka la ansixiyo ayuu sharci ka dhigaan. Haddii aan wax yar ka iftiimiyo awoodda madaxweynuhu lee yahay:

1. Hoogamiyaha ciidanka (commander –in-chief)awood u leh inuu ciidanka hogaamiyo.

2. Dublamaasiyadda madaxweynayaasha, magacaabista (duplamacy and international relationship)

3. Fulinta sharciyadda (make laws and legislative leader)

4. Mareeynta dhaqaalaha sida bangiyadda(manager of economy)

5. xidhiidhadda heshiisyadda dibbedda.(foreign policy leader).

Hadaba, isagoo intaas oo awoodood leh haddii aad doonaysaan xisbiyadda mucaaradku inaad ka dhigtaan madaweyne shiiqsan waa mid aan suurta gal aheyn. (Dominant presidency).

Waxaa hoostagga madaxweynaha waaxyo badan oo wasaarado ah kuwaa  soo mucaaradku ku tilmaamaan  inaa waxkama jiraan, adiguba caqlaad leedahey ee markaad mamulka qabatid ma yeeli doontid waxaad iminka akhriyeysaan ee huuhaadda iska joojiya yaan shacabka bentaloo sheegin.

Rag waaweeyn oo qamaamuur ah oo xisbiyadda mucaaradka ah ayaa ku eede ya musuqmaasuq, waxaaney fahansaneyn musuqmaasuqa ay iyaggu ka kow yihiin marka laga soo bilaabo sanadkii 1993-1995 lacagtii hore ee somaliya markii laga xereeyeyee shillinikii somaliga ahaa (giibaartii) hargeysa eeSomaliland shillinka lagu bedeley lacagtii lama gubin lambarkeeddina lama qorin ee xagey tagtey.

Hadabba, rag mucaaradka ka mid ahaa ayaa qaatey oo ku iibsadey beerro geedeebleh ku yaalla iyo hanta kale oo maguuraan ah. Ma iminkuu kaasi musuqmaasuq dad kumaagikaraa? Waa maya jawaabtu, waa berinna sidii hore iyo si ka daran ayuu yeeli donna.

Waxaan ku soo gunaanadayaa aragtidda maqaakana xaafaddi waxay  xaafadd ugu wareegtaa waa xasaradde goboladda waa laka lee yahay ee ha laga waan toobbo daba marteynta iyadoo kampaynkii doorashaddu aaney bilaabmin.

Gobolku hore waxba ugamuu helin nimankan mucaaradka ilaa taariikhdii dagaalka lagula jirey faqashta dibin daabyo iyo taakuleynta oo ka xaniibaan iyo shirqoolo ayey laba socdeen ,tusaale u soo qaaddo cabdi fayr oo 1990, isagoo cadowgii faqshta ladagaaalamayey dad iminka kulmiye ahi qori suug ah rasaas ku fureen oo baxsadeen.

Waa bilaahi toowfiiq.

Cabdiraxman mecaad tamreyse. (USA)

Email: ahussein1182@gmail.com

Login