May 9, 2010

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayale Kaahin iyo waftigii uu hogaaminayay oo ka dhoofay France.

national_emblem Paris Weftigii uu hogaaminayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir  rayale Kaahin ayaa maanta galinkii danbe saacadu markey aheyd 3h45 pm ka dhoofay magalada Paris ee caasimada dalka France una sii jeeda Dalkii Hooyo  Soomaliland, waxeyna ku sii yara hakan doonaan  Dubai.  

Madaxweynaha iyo waftigiisuba  booqashadan ay ku yimaadeen dalkan France oo aheyd mid rasmi ah kulana  kulmeen saraakiil sar sare kanaa mid ahaayeen la taliyaha Madaxweynaha Fransiiska MR NICOLAS SARKOZY Arrimaha siyaasadda Africa, Mudane Andre Parant iyo saraakiil ka socotay  Madaxtooyada Fransiiska, Kullamadaas labada dhinac oo ay iska xoog waraysteen arrimaha labada dal sida  Siyaasadda, dhaqaalaha iyo Nabadgelyada taas oo ay muhiim u tahey arrimaha ka taagan, mandaqadda Geeska Africa si gaar ahna  Dawladda Fransiisku aad xogogaal ugu yihiin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Daahir Rayaale Kaahin iyo weftigii uu hogaaminayey waxa kalooy la kulmeen Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Fransiiska Mudane, Bernard Kouchner, kullankaas oo ka dhacey Xarunta Wasaarada Arrimaha Debedda ee looyaqaan Quai d’Orsay halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay Madaxweynaha iyo Weftigiisaba.

Waxaa isna aad u sahley imaanshahan uu madaxweyane Daahir Rayaale Kaahin iyo waftigiisuba ku yimaadeen dalkan, xafiiska somaliland ay ku leedahey dalka France oo isagu in mudda ah ba ka shaqeynayay sidii ay dawlada fransiisku ugu fidin laheyd martiqaad rasmi ah oo buuxa taas oo ay ka wada shaqeeyen Wakiilka somaliland u fadhiya France mudane Cali I Ismaaciil  Xasan iyo wakiil kuxigeenka Mudane Maxamed Cabdi Aadan iyo Safiirka dawlada Faransiiska u fadhiya dalka Djibouti uguna geeyey maritqaadkaas madaxweynaha Hargeysa markii uu booqashada ku tagey bshii hore ee sanadkan.

Dalkan France hadaba waa dal ka kooban 26 gobol dadkiisuna waxaa lagu qiyaasey  tirakoobkii ugu danbeeyey bishii January 2009 65,1 milyan, farnsiisku waxa uu kamidyahey wadamada ugu dhaqaalah waa weyn dunida waxa uuna ka mid aha aas aasayashii midawga yurub,  dhanka milatariga  fransiisku waa wadanka ugu ciidamo badan yurub  taas oo miisaniyada ku baxda wasarada gaashandhiga oo kaliya ay tahey 65 bilyon euros kana dhigeysa awooda seddexaad ee caalamka marka laga yimaado Mareykan ka (USA) iyo (CHINA) Shiinaha.

Caasimadiisa Paris oo ah magaalada loogu  dalxiis tagis badanyahey caalamka in kabadan 45 milyan oo qofno booqasho ku yimadaan sanadkiiba.

Mohamed Abdi Aden  - Ku-Xigeenka Wakiilka Somaliland Ee Dalka Fransiiska

Deputy Head of the Somaliland

liaison Office in France
Mobile (33) 6 1908 4383
Email:   Wakiil_sl_fr@hotmail.com
Login