May 9, 2010

Ceerigaabo: Xal Laga Gaadhay Dhibaatadii Shaqaalaha Komishanka Doorashooyinka Iyo Tababbarkii Maanta Si Rasmi ah u Furay.

tababbarka-furmay-small Ceerigaabo (Harowo) - Wararka naga soo gaadhaya magaaladda Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ayaa cadaynaya in tababarkii Shaqaalaha komishanka doorashooyinka Somaliland oo marar dhawr ah dib u dhacay sababo muran iyo xiisad soo dhex gashay ah ayaa maanta ka furmay isla magaaladaas.

Tababbarka waxa ka qayb qaadanaya xubno tiradoodu dhan tahay, 249 qof kuwaas oo ka kala socda macallimiinta (Scott) ardayda jaamacadda Sanaag iyo dadka leh aqoon jaamacadeed ama wax u dhigma ahna shaqaalaha komishanka degmada C/gaabo ee ka hawl gelaya beddelista kaadhadhka diiwaangelinta oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa sida uu kusoo warramay weriyaha wargeyska Maalmaha ee gobolka Sanaag C/laahi Xuseen Darwiish inkastoo uu subaxnimadii hore waxoogey ka dib dhacay xilligiisii haddana wuxu isla duhurnimadii axadda (shalayto) si rasmi ah uga bilawday magaalada Ceerigaabo.

Tababbarkan oo ay ahayd in uu bilawdo salaasadii toddobaadkii hore ayaa kaddib kacdoon hadheeyey oo sababay rabshado buuq iyo dhagaxtuur bulshadu kaga cabanayeen wax is-daba marin lagu sameeyey dadka ku qoran liiskaas waxay sababeen in wefti ka socda komishanka doorashooyinka qaranku tagaan halkaas(Ceerigaabo), weftigaas oo sabtidii gaadhey halkaas, kaddibna shirar kala duwwan oo weftigaas komishnaku la galeen guddiyada doorashooyinka (heer-gobol iyo heer degmo) Ceerigaabo iyo maammulka waxa suurto gal noqotay tababbarkaasi in uu dib u bilawdo.

“Waxad tihiin shaqaalihii loo qoray in aad kaadhadhka diiwaan-gelinta dadka ka beddeshaan, marka sidaas loo eego waa hawl fudud, dhinaca kale haddii laga eegona qof kaadhkiisa oo la siiyo qof aan lahayn waa arrin denbi weyn ah  markaa waxa laydiinka baahan yahay taxaddar iyo mas’uuliyad weyn in aad ka muujisaan qof kastaba kaadhkiisa hadday sawir tahay iyo hadday magic tahay toonna in aan waxba ka qaldamin  sidoo kalena waxan idinku boorrinayaa in aad dhex-dhexaadnimo muujisaan”. Sidaas waxa yidhi Raabbi Cabdi Maxamed(Komishanka doorashooynika qaranka) oo halkaas kala hadlayey dadka tababbarkan loo qabtay.

Waxa iyaguna halkaas ka hadlay C/raxmaan Maxamed Ismaaciil(Dixood) oo katirsan komishanka doorashooyinka qaranka iyo Cali Jaamac-tirike oo ah guddoomiyaha komishanka gobolka Sanaag  kuwaas oo iyaguna dhinacooda ka qaybgalayaasha tababbarkan halkaas uga soo jeediyey hadallo waano iyo talo-bixinba isugu jirey.

Si kastaba ha ahaatee tababbarka shaqaalahan komishanka ee Ceerigaabo ayaa la odhan karaa wuxu meesha ka saarayaa su’aasha dadka intooda badani isweydiiinayeen ee kusaabsan waxyeellada qabsoomidda doorashada Ceerigaabo ay ku yeelan karto haddii arrintu sidaas ku sii socon lahayd.

tababbarka-furmay-2

tababbarka-furmay-1

Harowo Desk, Ceerigaabo, Somaliland

Login