May 9, 2010
Ceerigaabo: Beesha Urursuge oo Boqor Cusub dooratay
Ceerigaabo (Harowo) - Beesha Maxamed Muuse (Urursuge) oo ka mid ah beelaha Muuse Ismaaciil ee gobolka Sanaag ayaa sida uu kusoo warramay weriyaha wargeyska Maalmaha ee gobolka Sanaag C/laahi Xuseen Darwiish waxay magaalada Ceerigaabo ku doorteen boqor cusub oo magaciisu yahay Boqor-Feysal Cismaan Faarax.
Munaasibadda lagu soo bandhigay boqorkan oo maanta axaddii lagu qabtay halkaas ayaa waxa ka soo qayb galay madax-dhaqameedyada beelaha Sanaag iyo dadweyne kale oo tiro badan� halkaas oo beesha boqorkani ka soo jeedo ay ka sheegeen boqorkan in ay soo doorteen oo dhowaan si rasmi ah u caleemo-saairi doonaan, iyagoo beelaha kale ee degaanka gobolka Sanaag-na ka codsanaday in ay aqoonsadaan boqorkan� taasoo maaddaama beeshani aanay hore u lahayn uldaan iyo boqor isaga ka horreeyey ay ballan qaadeen in ay u aqoonsan doonaan boqornimadiisa lana shaqayn doonaan.

Harowo Desk, Ceerigaabo, Somaliland
