May 8, 2010
Xisbigayagu Nabad-galyada Ayuu Masuul Ka Yahay Mana Sameeyo Dhibaato, Laakiin Gaboose Iyadoon Doorasho La Gaadhin Buu Olole Bilaabay. Cismaan Hindi
Hargeysa (Harowo) - Guddoomiyaha Ololaha Doorashada ee Xisbiga UDUB Md. Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan-Hinddi), ayaa wax aan sal iyo raad toona lahayn ku tilmaamay eedaymo koox xildhibaano golaha wakiiladda ka tirsan oo intooda badani ka soo jeedaan xisbiga Kulmiye dusha uga tureen xisbiga UDUB, gaar ahaan dhacdadii maalintii shalay Dr. Gaboose iyo wafdigii uu hogaaminayay magaalada Ceerigaabo lagaga mudaharaaday.
Md. Cismaan C/laahi Cigaal (Hindi) oo si ka dis ah warbaahinta ugu waramay ayaa sheegay in xisbiga UDUB yahay xisbul xaakim, amaanka qaranka iyo ilaalintiisuna saran tahay wax dhibaato ahna aanay taageerayaashiisu ku kicin eedaynta xildhibaanadaasina tahay mid aan jirin.
“Xaashaa Lillaa eedaymahaasi waxba kama jiraan, annaguna nabadgalyada ayaanu masuul ka nahay. Xisbi xaakimka iyo taageerayaashiisuna inay nabadgalyo-darro sameeyaan lagama yaabbana, taageerayaashayaduna wax dhib ah may geysan. Guddoomiyaha ololaha gobollada bariga ee Xisbiga KULMIYE Dr Gaboose waxa uu bilaabay ololaha iyada oo aan la gaadhin wakhtigii ololaha doorashada oo saaxiibkay Gaboose wuu ka hordhacay, annaguna sharciga iyo xeerarka dalka ka jira ayaannu u hoggaansanahay, waxaasna nalaguma tilmaami karo.” Sida waxa uu gudoomiyaha kaambaynka xisbiga UDUB sheegay mar uu ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay eedaynta xisbigooda loogu soo jeediyay inuu ku lug lahaa mudaharaadkii Dr. Gaboose iyo wafdigiisa ee Ceerigaabo.
Mar Cismaan-Hinddi la waydiiyey, safarka Goboose waxa uu kaga duwan yahay Safar Hindi laftiisa iyo Wefti uu hoggaaminayo oo UDUB ahi ku soo mareen Gobollada dalka oo dhan, waxa uu yidhi, “Kaayagu olole muu ahayn, ee wuxuu ahaa qiimayn aannu ku samaynaynay Xafiisyada Goboladda iyo Degmooyinka. Laakiin tan KULMIYE waa olole oo aan wakhtigiisii la gaadhin, fagaarayaal bay isugu soo baxeen, waddooyinka ayay mareen, markaa sidaas bay ku kala duwan yihiin safarkayagii iyo safarkani.”
Inkasta oo la ogaa in Weftigaa uu Cismaan-Hinddi hoggaaminayay inuu fagaarayaal dad badani isugu soo baxeen khudbado uga jeedinayeen dadka, isla markaana ahaa ololihii ugu ballaadhnaa ee Xisbi ku dhaqaaqo iyada oo aan wakhti olole la gaadhin, haddana waxa uu ku dooday Guddoomiyaha Ololaha doorashada ee UDUB oo uu meesha ka saaray in safarradoodu ahaayeen kuwo olole. Waxaanu taa bedalkeeda ku eedeeyey in uu Xisbiga KULMIYE rabshadaha abuuray.
Cismaan Cabdillaahi (Hindi) waxa kale oo uu saxaafada uga jawaabay barnaamijka xisbigooda iyo xiliga ay soo bandhigayaan isagoo sheegay in sida ugu dhakhsaha badan ay shacbiga ugu soo gudbin doonaan una soo hor dhigi doonaan barnaamij ku qanciya inay xisbigooda u codeeyaan shacbigu.
Harowo, Desk, Hargeysa Somaliland.
