May 8, 2010
Wafdi Ka Socda Komishanka Doorashooyinka Oo Ceerigaabo U Tagay Xalinta Khilaafka Hawl Wadeenadda Diiwaan Galinta.
Ceerigaabo (Harowo) - Wafdi ka socda Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa gaadhay Magaaladda Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag si ay uga qayb qaataan xal u helista muran ka dhashay hawl wadeenada loo xulay hawlaha sixida diiwaan galinta oo maalmihii u danbeeyay muran wayni ka taagnaa.
Wafdigan ka socda Komishanka doorashooyinka Somaliland oo ka kooban laba xubnood oo ka mid ah todobadda xubnood ee komishanka doorashooyinka Somaliland asal ahaan ka kooban yahay, hadaba xubnahan labadda ah oo kala ah Md. C/raxmaan Dixood iyo Md Raabi Shariif, waxa sida wararka ka imanaya Ceerigaabo ku sheegeen ay isla markay gaadheen magaaladaas ay kulan la yeesheen xubnaha komishanka heer gobol, taas oo ujeedada kulankoodu ahaa sidii loo sixi lahaa wixii khaladaad soo dhex gala liiska xubnaha hawl wadeenadda.
Arinta muranka hawl wadeenadda loo xulay komishanka gobolka Sanaag inay kala hawl galaan arimaha dib u sixida diiwaan galinta ayaa ahaa muranka ugu balaadhan ee ka taagnaa magaaladda Ceerigaabo, taas oo gaadhay heer Gudoomiyaha Golaha degaanka Ceerigaabo ahna Mayarka Ceerigaabo inuu ka soo saaro, hadal uu komishanka doorashooyinka qaranka dusha uga tuurayo, rabshadaha iyo muranka ka dhashay.
Md. Ismaaciil Xaaji Nuur Maayerka Ceerigaabo waxa hadal uu todobaadkii hore siiyay warbaahinta ku sheegay in komishanka gobolka Sanaag ay shaqaalaysiiyeen, rag xamaaliin iyo dirawalo u badan, halka ay raggii mutacalimiinta iyo jaamiciyiinta ahaa ee la doonayay inay shaqaalaysiiyaan ay dhas-biinka ku rideen C-V-yadoodi, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Hadaba arintan oo ahayd mid si wayn gobolkaas xasaasiyadeedu uga jirtay waxa muuqata in gudida doorashooyinka Somaliland go’aansadeen sidii ay xal uga gaadhi lahaayeen si aanay caqabad ugu keenin hawsha bilaabista badalaada kaadhadhkii diiwaan galinta la qaatay oo kuwo cusub lagu badalayo.
Ma jiraan ilaa wali war rasmi ah oo komishanka doorashooyinka Somaliland ka soo saaray talaabadan ay gobolka Sanaag u qaadeen, sidoo kalana ma jiraan wax ilaa wali ka soo baxay kulankii komishanka wafdigii ka socday iyo komishanka gobolka ee manta, hasa yeeshee waxa arintan sii xoogeeyay markii ay soo baxeen warar sheegaya in mudo sadex cisho gaadhaysa komishanku dib u dhigay bixinta kaadhadhkii cusbaa oo sida qorshuhu ahaa loo mudeeyay in tobanka bishan la bixiyo laakiin sababo farsamo dib loogu dhigay.

Harowo Desk, Ceerigaabo, Somaliland
