May 8, 2010

Arday Dugsiga Sh. Cali Jawhar Oo Jabiyay Rikoodhkii Qaadhaan Ururinta Wadada Isku Xidha Borama Iyo Dilla.

dugsiga-sh-cali-jawhar-small Boorama (Harowo) - Ololihii qaadhan ururinta ee dib u dhiska wadooyinka Awdal Iyo Selel oo mudooyinkii u danbeeyay masuuliyiinta Hay’adda wadooyinka ee Awdal Iyo Selel (ASARDA) ka wadeen magaaladda Boorame gaar ahaan dugsiyada Sare ayaa manta lagu soo gaba gabeeyay dugsiga sare ee Sh. Cali Jawhar oo ahaa dugsigii sare ee Magaaladda Boorama Lahaan Jirtay marka laga reebo Dugsiga Camuud wakhtigii hore.

Hadaba, munaasibad aad loo soo agaasimay oo manta lagu qabtay dugsiga Sh. Cali Jawhar barxadiisa, hore ayna u dhamaayeen, ardayda, Macalimiinta iyo maamulka dugsiga ayaa si diiran subaxnimadii hore loogu soo dhaweeya masuuliyiinta Hay’adda wadooyinka labada gobol ee Awdal iyo Selel.

Soo dhawayn xamaasadi ku dheehan tahay ka dib waxa la guda galay hawshii la isugu yimi oo ahayd qaadhaan u ururinta wadooyinka ee dhawaanahanba ka socday gobolka, hadaba ardayda dugsiga Sh. Cali Jawhar iyo macalimiintooda oo sida muuqatay aad u abaabulnaa, lagana dareemayay inay si wayn isugu sii wacy galiyeen ayaa badka soo dhigay deeq lacageed oo noqotay markii la isku geeyay rikoodhkii ugu sareeyay ee dugsiyada sare ee Borama.

Hadii aynu macalimiinta ku hor marno, dhamaan macalimiinta dugsiga Sh. Cali Jawhar ayaa ku deeqay musharadooda laba bilood oo marka la isku cel celiyo noqonaysa lacag dhawr kun oo dollar ah, halka ardayduna ku baratantay kaalmaha hore isla markaana isku qoreen boqolaal dollar, hadaba inanta lagu magacaabo Carafo C/raxmaan Cismaan, ayaa iyadu jabisay rikoodhkii deeq bixinta ardayda iyadoo qaadhanka dugsigoodu bixiyay ku darsatay boqol iyo konton dollar $150.

Guud ahaan ardayda dugsiga Sare ee Sh. Cali Jawhar may kala laa laadin waxaanay u baratameen dhinaca deeq bixinta hawsha ugu dhibta badan aadna loo dareemo goboladdaas oo ah jidadka, waxaana la odhan karaa dugsigaasi waxa uu muujiyay kaalinta uu kaga jiro goboladaas oo marka laga yimaado ardayda ka aflaxday uu hadana qayb libaax ka qaadan karo dib u dhiska iyo horumarinta goboladda Awdal iyo Selel.

Intii xafladaasi socotay waxa hadalo ka jeediyay Gudoomiyaha Hay’adda (ASARDA) ee dib u dhiska jidadka Awdal Iyo Selel Proff. Xassan Cismaan Cali oo ardayda iyo macalimiinta dugsiga sare ee Sh. Cali Jawhar uga waramay halka ay wax u marayaan iyo baahiyaha jira, hasa yeeshee waxa uu Professor Cismaan carabka ku dhejiyay in isla todobaadka soo socda si rasmi ah loo bilaabi doono jidka isku xidha Boorama iyo Dilla.

Masuuliyiinta Hay’adda Wadooyinka Awdal iyo Selel (ASARDA) waxay muujiyeen sida rajadda in jidadka goboladaas oo ah kuwa ugu hooseeya dalka ay suura gal u noqon karto in dhamaantood la dhiso, lagana dhigo kuwo si dhib yar gaadiidku u isticmaalo, hadii gacmaha la is qabsado oo hiil iyo hooba lala garab istaago hay’adoodan.

Goboladda Awdal iyo Selel ee ay hay’addani isu xil saartay wax ka qabashadda wadooyinkooda ayaa ah kuwa ugu liita dalka, waxaana cad in goboladaas dhamaan maamuladii kala danbeeyay ee dadka Somaalida ah soo xukumay ku guul daraysteen wax ka qabashadooda, hasa yeeshee dedaalka ay hay’addani bilowday ayaa loo arkaa inuu yahay mid si habsami leh ku bilaabmay, hadii si buuxda loo taageerana midho dhal noqon kara.

dugsiga-sh-cali-jawhar-4

dugsiga-sh-cali-jawhar-3

dugsiga-sh-cali-jawhar-2

dugsiga-sh-cali-jawhar-1

Harowo Desk, Boorama, Somaliland.

Login