April 28, 2010
Wasiirkii Hore Ee Gaashandhiga Somaliland Oo Khalad Iyo Meel Ka Dhac Ku Tilmamay In Warbaahintu Daabacdo Sirta Iyo Dhaq Dhaqaaqa ciidamada Qaranka
“Ciidanka Qaranka Hubkay haystaan ayaa ku filan, wax taageero ah oo ay cid uga baahan yihiina ma jirto.” Cumar Maxamed Nimcaale
Hargeysa (Harowo) - Wasiirkii hore ee wasaaradda Gaashandhiga Somaliland Md. Cumar Maxamed Nimcaale ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay war lagu baahiyay warbaahinta madaxa banaan ee Somaliland qaarkeed, kaas oo sheegayay in ciidamada Qaranka Somaliland iyagoo kaashanaya saanad hub ah oo dawlada Ethiopia ku caawisay ay weerar ku qaadayaan kooxo ku sugan degaanka Buuro wadaleed oo ka soo hor jeeda gooni-isu taaga Somaliland.
Hadaba Md. Nimcaale isagoo arintan ka hadlaya waxa ugu horayn uu tilmaamay sida warbaahinta wadaniga ah looga baahan yahay in aanay baahin wixii sirta ciidanka qaranka khuseeya, gaar ahaan dhaqdhaqaaqood iyo hawl galada ay fulinayaan si aan cadowga qaranku uga faa’iidaysan, waxa kale oo uu xusay in arintaas sharciga u dagsan dalku mamnuucayo.
Wasiirkii hore ee gaashandhiga Somaliland isagoo ka hadlaya, warkan sheegaya in ciidamada qaranku guluf ku qaadayaan kooxda (SSC) oo si wayn uga soo horjeeda madax-banaanida Somaliland, waxa uu sheegay in aanay arintaasi jirin oo ay been cad tahay, isagoo intaa ku daray in ciidamada Somaliland xaq u leeyihiin wixii amaanka qaranka waxyeelaynaya inay talaabo ka qaadaan, hasa yeeshee markii uu arintan xaqiijinteeda hubsaday si buuxda masuuliyiinta ciidamadu ugu cadeeyeen inaan wax ka jiraa arintaas haba yaraatee aanu jirin.
Md. Cumar Maxamed Nimcaale isagoo ka hadlaya xidhiidhka Somaliland iyo Ethiopia waxa uu sheegay in labada dawladood uu ka dhexeeyo xidhiidh wanaagsan oo dhinaca dublamaasiyada iyo daris wanaaga ahii balse aanu jirin wax taageero dhinaca hubka ah oo dawlada Ethiopia Somaliland ka taageerto, isagoo sababta aanay hub Somaliland ugu taakulayna ku sheegay inay tahay Somaliland oo isku filan hubka iyo saanadeeda ciidan, wax ay dawlad shisheeye ah uga baahan tahayna aanay jirin.
Mar uu Mr. Nimcaale tafaasiil ka bixinayay arimahana waxa hadalkiisi ka mid ahaa, “Waxaan ka hadlayaa war aan warbaahinta qaarkood ku arkay oo sheegaya in ciidamada Somaliland isku urursanayaan sidii ay weerar ugu qaadi lahaayeen meesha la yidhaahdo buuro wadal oo koox ka soo hor jeeda Somaliland oo halkaa ku sugan doonayaan inay weeraraan, waxa kale oo warkaas ku jiray in gobolka Sool lagu sii daad guraynayo hub dawlada Ethiopia ku caawisay Somaliland, labadaa arimoodba waxaan leeyahay waxaad u qorteen khalad buu ahaa, waayo? Waxaynu leenahay cadow badan sidaa daraadeed in warbaahintu baahiso, ciidamada dhaq dhaqaaqooda, hubkooda iyo arimaha sirta ah ee ciidamada waa mamnuuc.”
Isagoo ka hadlaya hubka la sheegay in dawlada Ethiopia ku caawisay ciidamada qaranka oo goboladda bari lagu sii daad guraynayo, si weerar loogu fuliyo, waxa uu yidhi wasiirkii hore ee gaashandhigu Mr. Cumar Maxamed Nimcaale, “Anigu markaan ka hadlo waayo aragnimadayda iyo xogagaalnimadayda ciidanka qaranka, Intii aan wasiirka ka ahaa wasaaraddaas oo laba sanadood iyo dheeraad ahayd may jirin xabad rasaar ah oo dawlada Ethiopia nagu caawisay, intii ka danbaysayna xog ogaal baan u ahay, markaa waxa ay noogu caawin waydayna waa ciidamadeena qaranka oo aan u baahnayn wax hub ah, haday Ethiopia tahay iyo haday dawlad kale tahayba, maxaa yeelay hubka ay haystaan ayaaba ka badan, laakiin xidhiidh kale oo wanaagsan baynu Ethiopia leenahay, warka sheegaya in hub ay bixisay lagu sii dal dalayo goboladaasina waa mid aan waxba ka jirin.”
Gaba gabadii Mr. Cumar Maxamed Nimcaale wasiirkii hore ee gaashandhiga Somaliland waxa uu warbaahinta reer Somaliland ugu baaqay inay iska jiraan wararka aan xaqiiqada ahayn ee meel ka dhaca ku ah ciidamada qaranka iyo sirtooda, isagoo aad ugu dheeraaday in arimaha ciidamadda qalabka sida sida sharciga qaranku u ilaalinayo sirtooda loo xaq dhowro, taas oo ah waajibaad muwaadin walba saaran.
Ciidamadda Qaranka Somaliland ayuu wasiirkii hore ee gaashaandhiga Somaliland ku tilmaamay kuwo qalab ahaan iyo tayo ahaanba dhamaystiran kuna filan difaaca dalka, cid kasta oo faraha la soo gashana dhirbaaxo kulul gaadhsiin doona, isla markaana aan u wax taageero ah oo dawladaha jaarka ah iyo kuwo kale ay xiligan uga baahan yihiin oo hub iyo saanad ahii aanay jirin. Halka uu shacbi waynaha reer Somaliland ugu baaqay inay garab istaagaan ciidamadooda kalsoonidooda iyo hawsha ay u hayaana sidii ay waligoodba ugu kalsoonayaan la garab taagnaadaan.

Harowo Desk, Hargeysa, Somaliland.
