April 28, 2010

Gudida Doorashooyinka Oo Sheegay In Kala Shaandhayntii Server-ku Aanay Wax Tiro ah Ka Dhimin Intii Diiwaangalintu Noqotay Markii Hore.

komishanka-small Hargeysa (Harowo) - Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa maanta shaaca ka qaaday inay dhammeeyeen hawshii kala shaandhaynta codbixiyayaasha doorashada oo sannadkii hore dalka laga diiwaan-geliyey, isla markaana ay u soo baxday tiro aan natiijadeedi wax badan ka duwanayn mid sannadkii hore la soo saaray oo ay Xisbiyada siyaasaddu isku khilaafeen. Toddobada xubnood ee Guddiga doorashooyinka Somaliland, oo maanta si wada jir ah Shir Jaraa’id ugu qabtay Huteel Imperial ee magaalada Hargeysa, waxa ka hadlay Afhayeenka Komishanka Maxamed Axmed Xirsi (Geelle), oo faahfaahin ka bixiyey sababta shirkooda jaraa’id, hawlaha ay qabteen, waxa u hadhay iyo siday ugu kala qorshaysan yihiin.

“Markii Guddi ahaan annaga nala magacaabay xaalad baannu ku nimi. Waxa jiray heshiis lix qodob ah oo beesha caalamku ku dhexdhexaadisay dhinacyada siyaasadda, kaasoo ay ka mid ahaayeen in Komishankii naga horreeyey la beddalo, in khoboro caalamiya loogu yeedho Seerfarka (Mishiinka kala shaandhaynta codbixiyayaasha), isla markaana lagu qanco natiijada ka soo baxda marka dib looga shaqaysiiyo, markaa waxaannu maanta idiin sheegaynaa inaannu dhammaynay hawshii Sifaynta.” Ayuu yidhi Afhayeenka Komishanka doorashooyinka Somaliland.

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi; “Sifaynta codbixiyayaasha la diiwaangeliyey, afar qaybood ayaannu u qorshaynay, in Kumbuyuutarka lagu sifeeyo oo faraha soo saaraya, in Wejiga lagu daro, in Kaadhadh cusub la soo qaado, oo kaadhadkii hore dadweynaha laga bedalo qofkasta oo badsaday iyo mid yaraystayba qof walba hal kaadh oo uu ku codeeyo loogu beddalo kuwii hore. Marka hore waxa lagu talagalay in farta la dhigo, balse Wejiga ayaa lagu daray, waxaannu heshiis la gallay khoboro Ingiriis ah oo aqoon badan u leh hawshan oo caalamka oo dhan ka shaqeeya..”

“Waxa kala shaandhayntii lagu soo saaray oo la helay 70,000 toddobaatan kun oo qalad ah ayay soo saareen oo carruur u badan iyo kuwo ku noqnoqday. Markaas 70,000 kun waa la tuuray. Waxa iyaguna ku imika ku soo noqday 80,000 kun oo markii hore la tuuray iyada oo aan sax iyo qalad loo kala eegin oo ahaa dad xaqoodii la duudsiyey. Markaa tirada guud waxay noqonaysaa hal Milyan iyo siddeed boqol, oo tirade halkeedii hore wax badani iskamay beddalin ee halkeedii ayuunbay taagnaanaysaa. Waxa innoo hadhay in diiwaangelin dambe la galo iyo in doorashada lagu galo natiijadan.” Sidaa ayuu yidhi Afhayeen Geelle.

Maxamed Axmed Xirsi (Geelle), waxa uu sheegay in weli khaladaad jiro, hase ahaatee boqolkiiba sagaashan la saxay natiijada seerfarka. Isaga oo arrintaa ka hadlaayana waxa uu yidhi; “Khalad wuu jiraa, laakiin doorashada waa lagu gali karaaa. Waxaanannu go’aansannay  inaannaan dalka dib ugu celin xaaladdii adkayd ee December taagnayd, qalad badani ma jiro, ee boqolkiiba toban 10%-ba weeye qaladka jiraa. 90% sagaashan boqolkiiba natiijada soo baxday waa sax. Markay sidaa tahay taladi maanta innaga ayay inna joogtaa, ma jiro faranji dambe oo inna dhexdhexaadinayaa, ma jiro caalam innoo soo gurmanayaa. Hawshii sifayntuna way naga dhammaatay waxa hadhay waa in la laalo natiijada, taana ma yeelayno, waxa innoo hadhay in diiwaangelin kale la galo, taana mayeelayno iyo in doorashada diiwaangelin la’aan lagu galo, taana ma yeelayno.”

Afhayeenka Guddiga doorashooyinka Somaliland Maxamed Axmed Xirsi (Geelle), waxa kale oo uu sheegay inay kaadhadka lagu beddalayo kaadhadhkii hore ee toddobaadka soo socda dalka soo gaadhayaan, isla markaana la bilaabayo bisha May ee bilannaysa hawlaha wacyigelinta dadweynaha iyo beddalaadda kaadhadkii hore. Sidaa daraadeed, waxa uu bulshada qaybaheeda kala duwan iyo Xisbiyada siyaasadda u soo jeediyay inay ku qancaan natiijada soo baxday, dadkuna qaataan kaadhadhka cusub, kuwii horena xareeyaan, Xisbiyaduna taageerayaashooda ku wacyigeliyaan inay qaataan kaadhadhka cusub, kuwii horana xareeyaan, si ay suuragal u noqoto in badi dadweynuhu ka qaybgalaan doorashada oo ay codeeyaan. Maadaamoo qofka aan sidanin kaadhka cusub aanu codkiisa dhiiban Karin.

Waxaana Shirkaa Jaraa’id oo ay toddobada xubnood ee Komishanka doorashooyinku goob-joog ka ahaayeen, lagu waydiiyey su’aalo door ah oo la xidhiidha mawduuca ay ka hadleen iyo sidoo kale, inay caddeeyaan wakhtiga rasmiga ah ee ay doorashada Madaxtooyadu ku qabsoomayso. Waxaanay ku doodeen in doorashadu qabsoomayso wakhtigii ay dhawaan shaaciyeen ee bisha June gudaheeda sannadkan 2010-ka.

komishanka-1

komishanka-2

Harowo Desk, Hargeysa, Somaliland.

Login