April 26, 2010
Jaamac Faarax Xareed Afhayeenka Gudida Beesha Jibriil Yoonis oo Ka Waramay Sidii Xalka Looga Gaadhay Colaada Ka Jirtay Dooxada Harowo.
Washington DC (Harowo) - Waxa dhawaan magaalada Dambal oo ku taal badhtamaha Dooxada Harowo lagu qabtay xaflad balaadhan oo si weyn loo soo agaasimay, taas oo ay ka soo qayb galeen madaxda maamulada degmooyinka Dambal iyo Awbare, (Odayaasha, waxgaradka iyo Abaan duulayaasha meleeshiyo beeleedka labada beelood ee Bahbar Cabdale iyo Makayl Dheere, kuwaas oo isku haya qaybo ka mid ah degaanka Harowo), xafladdaas oo ay soo qabanqaabiyeen xubo ka mid ah Gudida Beesha Jibriil Yoonis, kuwaas oo mudaba ku hawlanaa sidii nabad waarta looga dhalin lahaa laba beelood ee Bahabar Cabdla iyo Makayl Dheere oo colaad soo jireen ahi dib uga dhex qaraxday ku dhawaad 3 sano.
Hadaba waxa noo suurto gashay inaan waraysi xiiso badan oo dhinacyo badan taabanaaya la yeelanay Jaamac Faarax Xareed oo ah Afhayeenka Gudida Beesha Jibriil Yoonis. Waraysiga ayaa wuxuu Jaamac Faarax Xareed ka hadlayaa dadaalkii dheeraa ee ay u soo galeen nabadaynta labada beelood ee walaalaha ah. Fadlan Hoos Ka Dhegeyso Waraysigii oo tifaftiran.
Get Flash to see this player.
