April 25, 2010

Xukuumadda Somaliland oo Gurmad Kala Duwan Gaadhsiisay Dadkii Khasaaruhu ka Soo Gaadhay Roobkii Shalay Iyo Tirada Khasaaraha Naf Iyo Maal Oo Sii korodhay.

xukuumadda-small Hargeysa (Harowo) - Masuuliyiin ka tirsan xukuumada Somaliland iyo golaha degaanka Magaalada Hargeysa oo isugu jira wasiiro iyo masuuliyiinta golaha degaanka oo maanta kormeer ay ugu kuur galayaan baaxadda khasaare ee ka dhalatay roobabkii mahiigaanka ahaa ee magaaladda Hargeysa xaafado ka mid ah khasaaraha ka geystay ku soo maray degaanadii khasaaruhu haleelay. Xubnahan oo kala ahaa Wasiiradda Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Md. C/laahi Ismaaciil Cali (Ciro), wasiirka dibu-dajinta, Md. Maxamed Yuusuf, Wasiirka Hawlaha Guud, Md. Siciid Sulub Maxamed, Maayarka….

Caasimada Md. Xuseen Maxamuud Jiciir, Maayer ku xigeenka Md. Maxamed C/laahi Uur cade, xoghayaha fulinta dowlada hoose ee Hargeysa Maxamed Aw Aadan iyo madaxda Xisbiga UDUB ayaa ayaa kormeerkooda ka dib waxay deeqdii ugu horaysay ee gurmad ah gaadhsiiyeen 200 oo qoys oo ka mid ah dadkii khasaaruhu ka soo gaadhay Roobkii shalay ka da’ay magaaladda Hargeysa.

Deeqdan dadka dhibaatadu ka soo gaadhay roobka loo fidiyay oo ka koobnayd Jiingado, Shiraacyo iyo Marakaneecooyin ayaa ah tii ugu horaysay ee ilaa wali dadkaa loo fidiyo, waxaana sida la sheegay ay ka danbaysay qiimayn ay ku soo sameeyeen khasaaraha dadkaasi gaadhay oo dhimasho iyo guryo burburay isugu jiray, waxaanay kulan ay arrintaasi ku qiimeeyeen ka dib gaadhsiiyeen qalabkaasi iyagoo sheegay inay hor-dhac u tahay kaalmo ay xukuumaddu ugu talagashay inay kaga qayb qaadato sidii ay dadkaasi uga soo kaban lahaayeen khasaarahaasi.

Dhinaca kalena madaxda labada Xisbi Mucaarad ayaa iyaguna booqday dadkii iyo dhismayaashii ay Roobabku soo gaadhsiiyeen khasaaraha, waxaanay uga tacsiyadeeyeen dhibaatada gaadhay iyagoo balan qaaday inay u keeni doonaan wixii karaankooda ah ee ay ku tari karaan.

Labada xisbi Mucaarad booqashada kadib waxa ay xarumahooda kaga hadleen khasarahaasi baaxada leh ee ay roobabku keeneen, waxaanay Xukuumadda Somaliland ku eedeeyeen inay ka gaabisay hawl galo loo baahnaa dadkaasi in loogu gar-gaaro markii dhibaatada Roobku socotay iyo kadiba, iyagoo ku dhaliilay inaanay kaalintii kaga aadanayd gabeen.

Khasaaraha Roobabku geysteen ayaa soo badanaya wixii habeen hore ka danbeeyay, waxaanay illaa hadatirada sida la xaqiijiyay ku geeriyooday roobabkaasi dad tiradooda lagu qiyaasay 7-ruux kuwaas oo xadhkaha laydhka oo ku soo go’ay, daad qaaday iyo guryo dumay ku kala dhintay, halka ilaa tobaneeyo kalana cusbitaalada magaalada Hargeysa lagaga dawaynayo dhaawacyo ka soo gaadhay roobabkaas. Sidoo kale tiro lagu qiyaasay ilaa 175-guri ayaa khasaare ka soo gaadhay roobkaas kuwaas oo isugu jira daaro, sandaqado iyo aqal soomaliyo.

xukuumadda-1

Harowo Desk, Hargeysa, Somaliland.

Login