April 25, 2010

Warsaxaafadeed, Weftiga Madaxweynaha JSL ee Addis Ababa, Ethiopia

ryaale-iyo-addis-small Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Daahir Rayaale Kaahin iyo wefitigii uu hogaaminayey ayaa maanta soo gaadhay Magaalo Madaxda Dalka Ethiopia ee Addis Ababa, iyadoo Madaaarka ay si diirran ugu soo dhaweeyeen, madax sar sare oo ka socotay Dawladda Ethiopia oo uu horkacayey, Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Debedda, Mudane, Dr. Tekeda Alemu iyo Madax Sare oo ka socday Dawladda Somaliland oo uu horkacayey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debedda, Mudane, Cabdillaahi Maxamed Ducaale oo weftiga halkan ku sii sugayey.

Madaxweynuhu maanta intaanu ka soo ambabixin Dalka Djibouti, wuxuu kulan la yeeshay, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Mudane, Ismaaciil Cumar Geelle, kullankaasi oo labada Madaxweyne ay iskaga waraysteen xaaladda Gobolka Geeska Africa gaar ahaanna ka labada dal ee walaalaha ah Somaliland iyo Djibouti.

Madaxweynaha iyo weftigiisa waxa immaantinkoodii Djibouti ku soo dhaweeyay gegida diyaaradaha  ee magaalada Djibouti, Raiisal Wasaaraha Dalka Djibouti, Mudane Dileita Mohamed Dileita,  Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,  Mudane, Cali  Cabdi Faarax iyo Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda, Mudane Siciid Barkhad.

Madaxweynaha iyo weftigiisu waxay maalinta berri ah guda gali doonaan  hawlahoodii shaqo ee Dalkan Ethiopoia, hadduu eebe idmo.

ryaale-iyo-addis-11

ryaale-iyo-addis-2

ryaale-iyo-addis-4

ryaale-iyo-addis-4

Allaa Mahad Leh

Axmed Maxamed Ciise - Xog-hayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL.

Login