April 25, 2010
Warbaahinta Oo Madal Dhinacyada Doorashada Ku Lugta leh iyo Kuwa Ka Tageeraa Goob-joog Ka Yihiin Ku Saxeexday Xeerka Anshaxa War Tabinta Doorashada.
Hargaysa (Harowo) - Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyi galinta Somaliland ayaa maanta soo gunaanaday kulan warbaahinta qaybaheeda kala duwan ku saxeexeen xeerka anshaxa baahinta iyo tabinta wararka ee xiliga doorashaada. Kulankan ay Madaxda Hay’adaha kala duwan ee Warbaahinta Somaliland, xeerka anshaxa qalinka ugu duugayeen ayaa munaasibad aad u balaadhan loogu qabtay Hutel Ambasador ee Magaalada Hargeysa, waxa hab maamuseed sharafeed loogu casuumay, Masuuliyiin ka socday Xisbiyada…
siyaasadda iyo Masuuliyiin ka socday Xukuumadda oo uu horkacayay Wasiirka Warfaafinta Axmed Xaaji Daahir Cilmi.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Axmed Xaaji Daahir oo Xafladdaas ka hadlay, ayaa waxa uu Hay’adaha Warbaahinta ku ammaanay heshiiska ay ka gaadheen xeerkan, kaasoo uu ku tilmaamay inuu siinayo Warbaahinta doorka ay ku leeyihiin doorashada, Xukuumad ahaanna ay diyaar u yihiin inay ka qaataan kaalinta kaga aaddan.
“Qolada Xisbiyada waxaan leeyahay waxaad ku andacootaan Warbaahinta dawladda waxba nalagama siiyo ee Xukuumadda iyo Xisbigeeda ayaa loogu adeegaa. Waxaan maanta idiin sheegayaa in loo siman yahay oo aannu idinku soo dhawaynayno Weji furan iyo Gacmo furan. Komishanka doorashooyinkana waxaan leeyahay waa inaad hawsha hab-dhaqankaa maanta.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Somalialnd Axmed X. Daahir Cilmi. Isaga oo Suxufiyiintana ugu baaqay inay dalkooda iyo dadkoodaba u tudhaan, doorka ugu habboonna ka qaataan suurtagalnimada sidii ay doorasho xor iyo xalaal ahi u qabsoomi lahayd.
Afhayeenka Guddiga doorashooyinka Maxamed Axmed Xirsi (Geelle), oo sidoo kale Munaasibaddaa heshiiska lagu saxeexayay ka hadlay, ayaa sheegayin Komishan ahaan dedaal weyn u galeen in heshiiska maanta Suxufiyiintu saxeexeen la helo. Waxaanu tilmaamay in Xeerkan anshaxu yahay mid ay u madax-bannaanaayeen Saxaafaddu samayntiisa iyo soo diyaarintiisii hore. Isla markaana waxa uu Afhayeenka Komishanka doorashooyinku ballan-qaaday inay Komishan ahaan fulinayaan waajibaadka uu Xeerkani farayo.
“Komishan ahaan waxaannu diyaar u nahay inaannu fulinno waajibaadka aad na saarteen, Annagoo ogsoon doorka iyo muhiimadda ay Saxaafaddu u ku leedahay hirgelinta doorasho xor iyo xalaal ah oo Somaliland ka dhacda.” Ayuu yidhi Afhayeenka, oo isla markaana ah Wakiilkii Komishanka doorashooyinka u fadhiyey madashii ay Warbaahintu ku lafa gureen Xeerka anshaxa ee maanta la saxeexay.
Sidoo kale, Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ku hadlayay magaca Warbaahinta, ayaa u mahadnaqay Hay’adaha Inter Peace, Akaadamiga horumarka iyo nabadda iyo Komishanka doorashooyinka, gaar ahaanna Wasiirka Warfaafinta Axmed X. Daahir oo uu sheegay inuu gacan wayn ka gaystay isu soo dhawaynta Warbaahinta. Waxaanu Cabdillaahi xusay inay Hay’adaha kalena gacan ka gaysteen hirgelinta hawsha xeerka anshaxa ee maanta la saxeexay. Cabdillaahi-Cukuse waxa uu ka waramay dedaalkii ay Saxaafaddu u gashay in laysla gaadho heshiiskan.
Sexeexidda Xeerkani waxay ka dambaysay markii labadii maalmood ee u dambeeyey kulan uga socday Huteelka Ambasador ee Caasimadda Hargeysa Suxufiyiinta Hay’adaha Warbaahinta Somaliland oo tiradoodu gaadhaysay 50 xubnood ay ku lafa-gurayeen Xeerkan oo ay qodobbadiisii hore wax ka beddal iyo kaabis ku sameeyeen, kaasoo ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen. Waxaanu dhaqangalkiisu ka bilaabmi doona maanta oo la saxeexay illaa maalinta natiijada doorashada lagu dhawaaqayo.
Qodobbada xeerkan ku jira waxa ka mid ah, in la magacaabo Guddi ka kooban sagaal xubnood oo ka kala socda Komishanka doorashada iyo Hay’adaha Warbaahinta oo u kala baxaya kuwa dawliga ah iyo kuwa gaarka ah, Guddigaasna waxa la filayaa in maalmaha soo socda lagu dhawaaqo.


Harowo Desk, Hargeysa, Somaliland.
