April 25, 2010
Madaxda Saddexda Xisbi Iyo Sida Caalamku u Arko Ka ku Haboon Madaxtinimada Dalka
Masuuliyiin ka tirsan KULMIYE oo lagu Eedeeyey inay Xidhiidh la leeyihiin kooxaha Xagjirka ah…!
Hargeysa (Defense & Foreign Affairs Daily) - Wargeyska Defense & Foreign Affairs Daily oo ka faalooda arimaha Gaashaandhiga iyo A/Dibada kana soo baxa Maraykanka ayaa warbixin dheer ka qoray Doorashada la filayo inay ka dhacdo Somaliland iyo siyaasada xisbiyada ku tartamaya taasoo uu cinwaan uga dhigay “Somaliland’s Presidential Election Assumes Growing Priority as Major Powers Sense Strategic Urgency” waxa uu ku bilaabay sidan:
“Doorashada madaxtinimada Somaliland ee soo soocota waxa sii gaar ah indhaha ugu haya beesha caalamka oo dhan. Iyadoo la eegayo istaatijiyada juqraafi ahaaneed ee dalka Somaliland leedahay iyo degaanka ay dhacdo ee ay gobolka kaga taalo, maadama oo ay kaabiga u saaran tahay badda cas iyo goobaha qalalaasaha ugu wayni ka taagan yahay ee geeska Africa oo ah Somalia. Arintani waxay keentay in dawlada Maraykanku qaado talaabo aan hore loo arag, bishii March ee ina dhaaftay iyadoo marti qaaday wafdi culus oo maqaamkiisu sareeyo kana socda wasaaradda arimaha dibada iyo golayaasha qaranka, si ay wada xaajood ugala yeelato mustaqbalka Somaliland, talaabaddaas oo la filayo inay u horseedo ictiraaf ay Somaliland beesha caalamka ka hesho.
Taas oo ay haatan u soo dabcayaan jaamacadda carabta, midowga Africa iyo dawladda Masar oo iyadu si wayn uga soo hor jeeday aqoonsiga Somaliland. Sidoo kale waxa haatan, madaxbanaanida Somaliland ogolaatay dawlada Yemen oo iyaduna hore u diidanayd gooni- isu taga Somaliland, iyadoo haatan ergo dublamaasiyadeed oo wakiil uga noqda Somaliland Hargeysa u soo dirsaday.
Dhaq dhaqaaqan waxa kale oo ka muuqata dawladda Iraan oo sida Masar ku baraarugtay hadal haynta in Somaliland aqoonsi ka helayso Israel, taas oo loo arko dacaayad la doonayo in lagu go’doomiyo Somaliland meeshana looga saaro deganaanshaha ka hirgalay.
Doorashooyinka madaxtinimada ayaa la filayaa in aanay mar dambe dib u dhicin, iyadoo caalamku cadaadis ku saaray xukuumada iyo komishanka inay dar dar galiyaan hawlaha doorashadda. Laakiin waxa muuqata in caalamku aanu fahamsanayn khatarta ka iman karta doorashadan oo ay ku tar tamayaan sadex xisbi oo aad u kala aragti duwan, isla markaana leh waayo aragnimo kala gadisan. Xisbiga taladda haya ee UDUB oo uu aasaasay Madaxweynihii hore ee geeriyooday Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, xiligan uu hogaamiyo ku xigeenkiisi wakhtigaa Daahir Rayaale Kaahin, oo la doortay 2003-dii, xisbiga UDUB ayaa lagu yaqaana, furfurnaan aad ugu janjeedha siyaasada dallalka reer Galbeedka, sidaa darteed waxa loo arkaa inuu yahay xisbiga kaliya ee leh, khibrad hogaamineed iyo waayo aragnimo lagu kalsoonaan karo, siina wadi kara, deganaanshaha iyo horumarka dalkaas ka hana qaaday.
Xisbiga Kulmiye oo ah xisbiga ugu muhiimsan mucaaridka waxa la aasaasay markii doorashada dawladaha hoose la guda galayay mudo kooban ka hor, waxa xisbigaa hogaamiya Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ku guul daraystay doorashadii madaxtinimada ee dalkaas laga qabtay 2003-dii, xisbiga Kulmiye waxa uu taageerada ugu badan ka helaa, beesha Isaaq oo iyadu ah beesha ugu badan dadka ku dhaqan arligaas, isagoo dedaal wayna ugu jira sidii uu u kasban lahaa beelaha darifyada dega, hadaba si uu taageero badan u kasbado wuxuu xisbigaasi qaaday talaabo kasta oo taas u suura galin karta, gaar ahaan inuu helo taageero dhaqaale, sidaa darteed waxa uu soo jiitay oo ku jira shakhsiyaad xubno ka ah kooxaha xag jir ka ah oo lagu tiriyo inay yihiin Islaamiyiin oo qayb ku yeeshay hogaanka sare ee xisbiga, shakhsiyaadkan farta lagu godayo oo isugu jira kuwo siyaasada ku dhex jiray mudooyinkii danbe isla markaana qaarkood ku guul daraysteen tartanadii nidaamka asxaabta ee dalkaas markii la hir galinayay, ayaa looga tuhun qabaa inay ka mid yihiin kuwo looga shakisan yahay inay xidhiidh dhow la leeyihiin ururada xag jirka ah ee Somaliya ka dagaalama sida ururka Alshabaab. Xubnahaana waxa ugu horeeya;
1- Cabdicasiis Maxamed Samaale- Gudoomiye ku xigeenka golaha Wakiilada
2- Dr. Maxamed Cabdi Gaboose – la taliye u ah Axmed Siilaanyo
3- Eng. Maxamed Xaashi Cili - la taliye u ah Axmed Siilaanyo
Arintaas oo dadka arimaha siyaasada odorasaa ka baqa qabaan in arintaasi horseedi karto kala fogaansho ku yimaad xidhiidhka dalkaasi curdinka ahii la yeelan karo dunidda reer galbeedka, halka qaar kalana aaminsan yihiin in kooxahani marar kala duwan muujiyeen siday u rabaan in dastuurka Somaliland wax ka badal ku sameeyaan, kana dhigaan dawladaas mid u shaqaysa sida ururada xag jirka oo kale ah, waxay shakhsiyaadkan lagu tuhunsan yahay inay xidhiidh la leeyihiin kooxaha xag jirka Islaamiyiinta ahii aminsan yihiin in dumuqraadiyada iyo hanaanka reer galbeedka oo la raacaa tahay wax aan wanaagsanayn oo Somaliland-na ka dhigaysa mid ku hoos jirta cagta hoose ee reer galbeedka.
Runtii arintani waa mid leh wer warkeeda, waana mid keenaysa in mugdi ay galiso jiritaanka dalkaas, waxa kale oo dadka arimaha dublamaasiyada faaqidaa ka cabsi qabaan saamaynta ururada xag jirka ah ee Somaliya ka dagaalama ku yeelan karaan siyaasada Somaliland hadii riyada xubnahani u dhabawdo, sidoo kale hadii ay taladda qabtaan ayaan la saadaalin Karin mustaqbalka jamhuuriyadan lagu barta fur furnaanta iyo deganaanshaha oo ay u dheer tahay in xidhiidh wanaagsan ay la yeelato dalalka jaarkeeda ah, sida Ethiopia oo ay deganaansho iyo xidhiidh wanaagsan kula caano maashay Somaliland.
Xisbiga UCID oo isagu ah xisbiga sadexaad ee ka jira dalkaas, waa xisbi siyaasadiisu ku dhisan tahay, inta badan aragtida ka soo maaxata hogaamiyahooda Faysal Cali Waraabe, oo isagu waxa ugu badan ee uu qabtaa tahay inuu soo ururiyo qaadhaanka taageerayaasha xisbiga ee gudaha iyo dibada, mana laha siyaasad cad oo laga dheehan karo kartida xisbigaasi u leeyahay qabashada hogaanka dalka.
Xisbigan ayaa aasaaskiisu ka horeeyay Kulmiye lamana filayo inuu Doorashadan ku Guulaysto.”
