April 25, 2010
Ma U Fiirsatay Logada Ama Sumadda Iyo Magaca Xisbiga Kulmiye?
Waxaan runtii mudo badan aan baadhayey waxa ay ka soo jeedan calaamadahan iyo magacyadda xusbiyadan wadanka ka jira,maanta waxaan lafa gureyna waxa uu xanbaarsan yahay magacan xusbigga kulmiye iyo astaantan labada qof ee is gacan qaadaya. Magacan Kulmiye maxay Somalidu u taqaana? waxaa loo yaqaana calinkii buluuga ahaa ee cirka u eekaa iyo xidigtii shanta gees lahayd ee ay odhan jireen waa shantii Somalia, waxaad wadaniyoow u fiirsataa gabayadan iyo heesahan:
Waa kii aynu rabnee - Kifaaxiisa gelnee
Soomaalaay kulligaa - KULMIYAA la sudhee.
Kaddabaa dhaha eey - Kaddabaa-kaddabaa.
Waar bal kaalay kaalay - Kaalay aan kali soconee.
Oo bal kaalay bal kaalay - KULMIYE daawanee.
Bil-khayr iyo weeye ciid bilatoo - Ban-dhiggii calankeena weeyaaneey.
Runtii boqolaal gabey iyo heeso ayaa inoo cadeynaya in kulmiye uu yahay calankii buluuga ahaa ee cirka u eeka se ma rabo in aan dadka xasuusiyo kulankii ay Soomaalidii konfurta la kulmeen iyo il-duufkii xoriyadooda iyo dhibaatadii,cidhib tirkii, gumaadkii, burburkii, qaxii, darxumaddii iyo waliba cunsuriyadii,bahdilkii,gunamaddii.
Hadaba waxaan la yaabey dadkan kulmiye la baxay xusbigoodii, waxaana xaqiiqa kolkaan baadhey dad qaar ayaa yidhaa.
1- waa Gudoomiyaha Ahmed Siraanyo inankiisa ayaa la yidhaa.
2- waxa iyana jirta in la yidhaa madaxa kulmiye ayaa aamin Soomaali weyn oo waa xusbi kulminaya Soomaalia iyo Somaliland waana waxay heesahaasi sheegayaan.
Guntu waxa weeye kulmiye magac ahaan waa calinkii aynu eedney,ee ilaa iminka dhibtiisu ina haysato markaa in dadka lagu soo qaado mey ahayn in xusbi qarana loo bixiyo mey ahayn.
Sumadan ama LOGADA xusbiga kulmiye ee ay labada qof isa salaamayaan ee midna uu cad yahay midna uu madow yahay, in badan ayaan is weydiiyey waayo ayo cidan is gacan qaadaysa toloow ma south africa meeshu oo cadaankii iyo modowgii is gacan qaadaya waa maya ee meeshu waa Somaliland, haddaa ma Bariga iyo galbeedka Somaliland ayaa is gacan qaadeysa waa maya,oo hore ayey huwan u ahayeen, haddaba toloow ma SNM iyo NSS ayaa is gacan qaadaya waa maya oo SNM waaweyneed ayaaba xusbigga kulmiye ka tagey sida LABA TOLLE, M. M. O. XAASHI, CIISE CURAATE, DHAGA-WEYNE, CALI GUREY, M. AAR iyo BOQOLAAL KALE.
Hadal iyo dhamaan waxaa is gacan qaadaya waa SOMALILAND IYO SOMALIA gacantan madoobi waa Soomaalia tan cadina waa Somaliland,HURYO ilahay how naxariistee ayaa 1960 leysku darsadey ayuu shaqo tagey wuxuu arkey niman aad u san-weyn oo madmadoow oo africada kale u eeg oo meesha idaacadda jooga kolkaasi ayuu yudhi waayo dadkani kolkaasi ayaa lagu yidhi waa shaqaalihii miisigga tumayey oo xamar laga soo badeley kolkaasi ayuu yidhi MAXAA LOO ODHAN WAAYEY KONGO AYAAD ISKU DARSATEEN ILEEN DADKANI SOMALI UMA EE KEE. (waa diifow,caweys iyo omer shooli iiyo qaar kale).

Waxaa inoo sii cadeynaya magaca KULMIYE sida runta ah magacu wuxuu ka yimid KULAN,isaguna wuxuu yahay KULMIYE oo ah kii laba ruux ama laba dal kulminayey.
Horta QOF AAN GARAN WAXA JOOGA MA GARTO WAXA SOO SOCDA dad weynaha somaliland ha ogaadam waxa uu aaminsan yahay xusiga kulmiye,waa jiraan dad badan oo Somaliland aaminsan oo xusbiga kulmiye ah sida muse biixi se taladdu waxay hadhow ka go’daa AHMED SIRAANYO IYO SAYLICI,waxan kale ee daba socda sidii cigaal ayaa la dareerinaya waa hubaal hadeyba xukanka qabsadaan. Waxaad mooda in dadkii Somaliland aaney kala garaneyn XUSBI iyo WADANIYAD, maanta labadaa ayaa isku qasan,inta badan ee wadanigi way og yihiin waxa uu wado xusbiga kulmiye ama xalku ku socdo oo ah Somali weyn iyo saxariirkii.
Ma lihi anigu ninka kulmiye ku jiraa wuxuu aaminsan yahay Somali weyn,ee waxaan xalkan ku cadeynaya in Gudoomiyaha kulmiye Ahmed Siranyo,Saylici iyo dhor kale oo madaxdii ay aaminsan yihiin Somali weyn.se ay shicibka u qaldayaan oo aaney hore ugu cadeysan se maanta waa cadeysteen, ee taageerayaasha kulmiye iyaguna mowqif cad ha istaagan oo ha cadeeyaan iney yihiin SOMALILAND mise SOMALIWEYN.
MADAXA KULMIYE WUXUU AAMINSAN YAHAY FEDERAL
Gudoomiyaha kulmiye markii la waydiiyey arintii uu sheegey Abdilahi yusuf SNM waligeedba rabtey iney somaliland dib u soo caliso oo ay somalia ka gooyso,wuxuu ku jawaabey wax aad looga naxo oo wuxuu yidhi WALIGEYBA WAXAAN AAMINSANEYN FEDERAL EE GO’OONI ISKU TAAG MAAN AAMINSANEYN.
Wuxuu u tagey ninkii MR DOLAND PAY ee Somaliland gooni isku taageeda ugu necbaa,meel walba ka lahaa Somali ma kala tagi karto,ee waa mid.
CADOWGAAGA MR.DALAND PAY SAXIIBKII WAA CADOWGAAGA.
Maanta kulmiye wuxuu qarsado Somali-weynimada ilaah baa ka shifey,kol haduu cadowgii ugu weyna Somalilan ee XILDHIBAN DOLAND PAYuu Gudoomihii kulmiye dayeerad u goostey oo uu la kulmey, markaasi ayuu sidii uu caruur la hadlayo Gudoomiye Ahmed wuxuu yidhi Xildhiban Doland Pay wuxuu inoo dhisayaa biyo,beero, iscoolo, wadooyin iyo leydh,muxuu wax inoo his jiritaankeenaba ma ogolo oo wuxuu meel dad weynuhu buuxo ka dhex yidhaa HADAANAN SOMALILAND CAGAHA SOMALIA SOO HOOS GALIN IYO SOMALIA WAA MID.
Maanta dad weynaha Somaliland waa iney is weydiiyaan,hogaanka kulmiye ma aamin san yahay jiritaanka,aqoonsiga iyo aayo talinta Somaliland.
KULMIYE OO CADEEYEY INUU CAAWIMADDA LAGA JARO SOMALILAND.
Xogeeyaha arimaha dibada ee xusbiga kulmiye MR.MAHD /LAHI OMAR wuxuu si cad ugu qory dhamaan mareegaha Somaliland in aan WARAAQO U QORI DOONO CAALAMKA IN LAGA JARO CAAWIMADDA,SIDU SHEEGEY
QAAR WAABA LAGA JAREY AYUU DHIDHI.
Waxaad xalkaa ka garaneysa waa fartii wasirkii arimaha dibada Somalia ee MR OOMAR uu lahaa waa in jimciyadda qurumaha ka dhaxeysaa ka jartaa Somalilnd caawimadda iyo tababerka booliska. Waxaan u soo tagnaa Ahmed siraanyo oo leh MAAHA AFTIDA DISTOORKA IN LA QABTO,OO WALIBA DADKA SOOL IYO SANAAG LA QASBO.wey ku duuban tahay BBC. si cad oo cadowtanimo ayuu u diidey aftidii distoorka ee uu suurta galiyey BIRTA SOMALILAND EE JABIN MR.C/QAADIR JIRDE.
Waxaa jira xubno waaweyn oo xusbiga kulmiye ah sida SIFIR iyo MAHD A/OOMAR iyo rag badan oo lacagta u ururin jirey oo gudida dhexe ee xusbiga kulmiye ahaa ay u tageen dowlada sheekh shariif. Wali lama hayo xusbigoo canbaareeyey ama ka saarey golihii dhexe.
Waxa uu Gudoomiyaha kulmiye Ahmed Siraanyo shirkii Burco geed dheer iyo geed gaabanba uu u fuuley inaanu ku xigeen ka dhigan C/RAHMAN LABA-TOLE sababta iyo sirta miyaad haysaa?waxaa weeye sirtu wuu og yahay haduu LABA-TOLE uu ku xigeen ka dhigto inaanu tab ka rogeen Somali-weyna aanu soo hadal qaadi karin, kolkaa waa in uu Saylici oon habayeraatee aan aaminsaneyn Somaliland waa inuu ku xigeen ka dhigtaa.
Bal is waydii mujaahidka SNM ay ku wada jireen muxuu saylici oo ay isku xidhan yihiin ilma samater uu uga doortey waa Somali-weyn ayuu siraanyo wadaa.
TALLO:
Waxan odhan lahaa xusbiga kulmiye waa in magaca laga badala oo ay xukunka kulmiye qabtaan dad aaminsan jiritaanka iyo gooni isku taaga Somaliland,waxaana jirta SOMALILAND JIRITAANKEEDU WAA MUQADIS. ILAHOOW KASHIF MUNAAFIQIINTA, LABA WAJIILAHA,DHANXIIRADDA IYO WAJI XUSBIGA QALBI XAMARKA LEH AMIIN…AMIIN….AMIIN
MAXAMUD CALI CAWAALE - LONDON, UK
Email: mccawale@yahoo.com
