April 25, 2010
Ceerigaabo: Aqoon-isweydaarsi Muran Ka Dhex Dhaliyey Hay’adda SMAC iyo Madaxda Ciidanka Qaranka
Ceerigaabo (Harowo) - Wararka laga helayo magaaladda Ceeri-gaabo ee xarunta gobolka Sanaag ayaa sheegaya in siminaar Hay’adda SMAC lagu magacaabaa ka qabanaysay degaankaas uu muran ka dhashay waxyar ka dib markii uu si rasmi ah u furmay, murankan oo ahaa mid xoogan ayaana dhex maray Masuuliyiintii, dadkii tababarka bixinayay iyo Ciidanka qaranka MAsuuuliyiintiisa Gobolka Sanaag. Hadaba, warkan oo aanu ka soo xiganay wargeyska Maalmaha gaar ahaana wariyahooda uga soo warama magaalada…..
Ceerigaabo ayaa isagoo dhamaystiran waxa inoo faah faahinaya wariye Darwiish Subaxnimadii Sabtida ayay ahayd markii Hay’adda SMAC dad tiro yar oo ka kala socda hay’adaha caddaaladda iyo bulshada rayadka ah ay ku ururisay hoolka ku yaalla xarunta maammulka gobolka Sanaag, halkaas oo dadkaas loogu qabanayey aqoon-isweydaarsi kusaabsan Xeerka Mamnuucidda Miinada Lidka Dadka.
Furitaanka aqoon isweydaarsigaas waxaa goob joog ka ahaa oo furay badhasaabka gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurre, Sidoo kalena waxa halkaan ka hadlay Dr-Amxed Cali Maax oo ay hadalladiisii kamid ahaayeen.
“Siminnaarkan oo hal maalin ah ayaa loogu talo galay qaybaha fulinta in lagu fahamsiiyo qodobbada ka hor inta aanay fulin, kaddibna dadweynaha cid kastaba halkiisa lagu gaadhsiin doono iyadoo loo adeegsanayo ilaha war baahineed (Mass media)”.
Waxoogey kaddib furitaanka aqoon-isweydaarsigan waxa gobtaas yimid taliyaha ciidanka qaranka gobolka Sanaag Suld-Muuse Jaamac Maxamed, waxana halkaas ka bilawday muran xooggan oo gaadhey heer badhasaabka laysula tegey oo kusaabsan sababta ciidammada qaranka oo iyagu halkaas ka maqnaa looga qayb gelin waayey aqoon-isweydaarsigan, maaddaama ay yihiin kaalin muhiim u ah hawsha miinada lidka dadka ee la ga hadlayo.
Sikastaba ha ahaatee wakiilkii kasocdey hay’adda SMAC Dr-Amxed Cali Maax ayaa ka garaabay arrintaas, waxana khasab noqotay in askarta madaxdeeda qaarkeed laga qayb geliyo aqoon-isweydaarsigan maalinta keliya soconaya.
Ma cadda sababta markii horeba ciidanka qaranka looga qayb gelin waayey aqoon-isweydaarsigan marka danbe lagu darayo, haseyeeshee taasi waxa jawaab looga dhigi karaa kharashka aqoon-isweydaarsiyada lagu bixiyo oo laga yareeyo inta hay’adaha lagasoo qaaday, lagana dhimo mid ahaan xagga waqtiga ama xagga tirada shakhsiyaadka.
Dhinaca kalena waxa beryahanba magaalada Ceerigaabo ka soconayey aqoon-isweydaarsiyo kala duwan oo xataa saxaafadda aan loo oggolayn, kuwaas oo intooda badan ay qabanayaan hay’adaha caalammiga ah iyo qaar kale oo tuurkuqaad ahi. waxyaabahaas oo marag u noqon kara in ay jiraan waxuun la qarinayo.

Harowo Desk, Ceerigaabo, Somaliland
