April 24, 2010

Wasiirka Warfaafinta Oo Warbaahinta Kala Duwan u Fulay Kulan Lagu Lafo Gurayo Xeerka Anshaxa Warbaahineed ee Xiliga Doorashadda.

wasiirka-warfwaafinta-small Hargeysa (Harowo) - Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyi galinta Somaliland ayaa maanta qaybaha kala duwan ee saxaafada Somaliland Hudheelka Ambassador ugu furay kulan lagu falan qaynayo xeerka hab dhaqanka doorashadda Somaliland iyo sidii saxaafadu door midaysan uga qaadan lahayd ilaalinta anshaxa iyo adkaynta nabad galyada.  Kulankan oo badi saxaafada Somaliland ka soo wada qayb gashay waxa soo qaban qaabiyay Komishanka doorashooyinka Qaranka waxaana ka soo qayb galay, Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Somaliland, Md. Axmed…

Xaaji Daahir, Agaasimaha Wasaaradaasi Md. Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro), madaxda Komishanka, Saraakiil ka socday Hay’adaha Interpeace iyo Akadamiyada nabada iyo horumarinta, garyaqaano dhinaca sharciga ah, madaxda iyo hawl-wadeenada laamaha kala duwan ee warbaahinta iyo xeel-dheerayaal arrimaha doorashooyinka ee dhinaca doorashooyinka ku takhasuusay oo iyagu casharada bixinayay. Waxaana sida qorshuhu yahay uu socon doona mudo laba maalmood ah.

Ugu horayn Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Somaliland, Md. Axmed Xaaji Daahir oo furitaankii kulankaas ka hadlay ayaa sheegay in wada shaqaynta warbaahinta iyo wasaarada warfaafintu tahay lagama maarmaan, isagoo xusay in wasaaradu warbaahinta kala duwan u tahay sida waalidkoo kale wax wanaagsana la doonayso, goor walbana jeceshahay horumarkooda iyo sidii ay wax ula qaban lahayd.

Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaarad ahaan ay dhiiri galinayaan aadna ugu farxayaan hadii saxaafadu hesho aqoon iyo horumar wax ka taraya hawshooda shaqo ee ay umada ugu adeegayaan. Isagoo intaa ku daray in ay soo dhawaynayaan cid kasta oo wax la qabanaysa Saxaafada Somaliland.

Wasiirka oo ka hadlayay talaabo dhawaan koox suxufiyiin ah loogu diray dalka Ethiopia oo aanay wasaarad ahaan la socon sidii loo maamulay waxa uu sheegay in taasi meel ka dhac ku wada ahayd wasaarada iyo warbaahinta sidii loo maamulayna ay aad u khaldanayd isagoo xusay in sababta kaliya ee wasaaradiisu u doonaysay ahayd uun sidii ay ula socon lahayd saxafiyiinta iyo halka la gaynayo, waxa loo kaxaynayo iyo waxa ay ka soo faa’iidayaan.

Ugu danbayntii Md. Axmed Xaaji Daahir waxa uu saxaafada ku booriyay inay ilaaliyaan kalsoonida iyo tixgalinta hanaanka dawladeed ee umada reer Somalland samaysatay is faham daro keenta in wax la isla fahmi waayana ay ka dedaalaan sidii meesha looga saari lahaa, isagoo dhankiisa balan ku qaaday in cid kasta oo bahda warbaahinta ay si bilaa shuruud ah wax ula qaban doonaan.

Waxa kale isaguna halkaa hadal kooban oo dhiiri galin iyo dardaaran isugu jira ka jeediyay gudoomiyaha komishanka doorashooyinka Somaliland Mr. Ciise Xamari, sidoo kale afhayeenka komishanka doorashooyinka oo isagu goob joog ahaa intii kulankaasi maanta socday ayaa hadal kooban oo uu madasha ka jeediyay tilmaamay sida ay dalka iyo dadkaba ugu fiican tahay in saxaafaddu mawqif midaysan ka yeelato sidii loo taban taabin lahaa doorashooyinka isla markaana sidii loo abuuri lahaa jawi ku haboon doorasho xor oo xalaal ah dalka looga hir galin lahaa.

Masuuliyiinta warbaahinta Somaliland ayuu kulan kani u ahaa mid ay isku beer xaadheen isla markaana wax badan oo talo iyo tusaale ah ay isku waydaarsadeen iyadoo sida muuqatay la isla fahmay in dhibaato ka dhalata doorashada iyo warbaahinta oo dhinacyada is haya kala raacdaa ay keeni karto khatar la mid noqon karta sidii Kenya ka dhacday sanadkii 2006.

Mudada uu socdo kulankani waxa warbaahintu isla qaada dhigi doonta isla markaana qodobo lagu hawl galo ka soo saari doontaa xeerka anshaxa baahinta ee xiliga doorashooyinka, kaas oo qodobadiisu dhigayaan in aanay warbaahintu u kala eexan dhinacyada tartamaya isla markaana filter garayso wixii cay iyo yooyootan ah ee umada Somaliland kala fogayn karta.

Waa markii ugu horaysay ee warbaahinta Somaliland isla garato inaan lagu kala milmin dhinacyada tartamaya isla markaana la ilaaliyo dhex dhexaadnimada iyo sidii warar run ah loo baahin lahaa wakhtiga doorashada, waxa kale oo markii ugu horaysay dhici doonta in meesha laga saaro hadalada xaajiinta leh iyo aflagaadada siyaasiyiintu isticmaalaan, cidii ka dhago adaygtana talaabo loo midaysan yahay laga qaadi doono.

Gudi sadex xubnood ah ayaa kulanka maanta laga dhex doortay kuwaas oo garyaqaano dhinaca sharciga aqoon u leh kala hawl gali doona soo ururinta nuxurkii dooda kulanka isla markaana soo gudbin doona qodobadii wax ka badalka lagu sameeyay ee sharciga anshaxa (Media Code of Conduct).

Qaybaha kala duwan ee saxaafada Somaliland ee dadka ka hawl gala ku sugnaayeen kulankii maanta ayaa ku soo bandhigay dareen muwaadinimo oo ay ka muuqato in jiritaanka dalka iyo midnimada shacabku ka wayn tahay xisbi iyo shaqsi taageeradii. Sidoo kale waxa ka dhacday is beer xaadhasho iyo is saamaxaad dhinacyo iyo rag kala duwan oo warbaahinta ka hawl gala iyadoo kaftan iyo hadal turxaan saar ahna la is dhaafsaday la islana gartay in Wasiirka wasaarada warfaafintu oday ka ahaado dhamaan wixii saxaafada Somaliland ku heshiiso.

wasiirka-warfwaafinta

wasiirka-2

warsiirka-1

warfaafinta-3

warfaafinta-4

Harowo Desk, Hargeysa, Somaliland.

Login