April 24, 2010
Roob Culus oo Ka Da’ay Magaalada Hargeysa Oo Khasaare Naf iyo Maalba Leh Gaystay.
Hargeysa (Harowo) - Laba qof ayaa ku dhintay inta la hubo roob culus oo magaaladda Hargeysa maanta ka da’ay halka tiro todobo qof gaadhaysaana dhaawac kala duwani ka soo gaadhay, waxa kale oo roobabkani ay khasaare u gaysteen guryo tiro badan iyo inta badan jidadka magaalada. Sida wararka laga helayo ilaha caafimaadku shaaca ka qaadeen laba ruux oo kala ah haweenay hooyo ah iyo wiil yar oo caruur ah ayaa ku geeriyooday ka dib markii roobkii maanta ka da’ay magaaladda Hargeysa oo aad u cuslaa ku haleelay xaafaddaha dhinaca koonfureed ee magaalada….
labadan ruux oo siyaabo kala duwan u geeriyooday ayaa la xaqiijiyay in hooyada ku naf wayday roobkaasi uu haleelay mid ka mid ah xadhkaha laydhka qaada oo ku dul habsaday kaas oo sababay dhimashadeeda.
Sidoo kale wiilka yare e caruurta ah ayaa dhintay ka dib markii gurigooda oo ka samaysnaa jiingad ay dabayl roobku watay qaaday, halkaasna laga helay maydkiisa. Sidoo kale wararka aanu ka helnay ilaha caafimaadka ayaa sheegaya in ugu yaraan todoba qof ku dhaawacmeen roobkii maanta kuwaas oo dhaawacooda lagu kala dawaynayo cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa iyo cusbitaalka Manhal oo ah mid gaar loo leeyahay.
Dhismayaal tira badan oo lagu qiyaasay ilaa 45-guri ayaa roobkaasi khasaare kala duwan u gaystay kuwaas oo intooda badani ku yaala xaafadaha koonfureed ee magaaladda gaar ahaan xaafaddaha oktobar iyo guryo samo. Sida wararka hor dhaca ah ee la helayaa sheegeen khasaaraha guryahan soo gaadhay ayaa isugu jira kuwa uu dhulka la simay iyo kuwo uu jiingada ka qaaday oo qaybo ka mid ahii bur buray.
Geesta kale roobabka maalmihii u danbeeyay ka da’ayay dalka ayaa keenay khasaare naf iyo maalba leh, waxaana daa’dad soo rogmaday ay shalay dooxa way nee degmada Dacar budhuq ku qaaday hal gaadhi oo Toyota taxi ah kaas oo sadex qof oo rakaabkii saarnaa ah maydkooda la helay waxyar ka dib markii uu la tagay kuwaas oo maanta dhamaantood lagu aasay magaaladda Hargeysa.
Roobabka gu’ga oo si wayn loogu doogsaday isla markaana abaar ba’an oo Somaliland ka jirtay lagaga qabowsaday ayaa hadana keenay khasaare naf iyo dhimasho leh, halka inta badan jidadka magaaladu noqdeen kuwo ku burburay roobabkan culsaa daadka ay soo rogeen, waxaaana maanta wixii ka danbeeyay salaadii casar magaalada Hargeysi isu rogtay mid jidadkeedu saxmad iyo cidhiidhi la buux dhaafeen halka jidadka qaarkoodna laga celinayay baabuurta maridoodana loo diidayay.

Harowo Desk, Hargeysa, Somaliland.
