March 2010

March 27, 2010

New Book: The Offspring of a Lion - By Jaffar M. Sh. Jama.pdf

the-offspring-of-a-lion-by-jaffar-m-sh-jama1 A new book written by Jaafar Mohamed Sheikh Jama chronicles the history of his grandfather, who lived with lions for a period of two and half years. The book also illuminates the history of his family in a nomadic setting.  The book contains one of the finest collections of oral history available in writing at this time. There are many interesting side stories intertwining segments of colonial history, sample documents of the time (such as receipts of party membership), descriptions of colorful personalities, and some aspects of Somali national history.  This new volume also includes excellent original photographs of people, animals, handicraft; local flora and fauna, included various food crops and nomads with their camels; religious texts of itinerant clergy men and some of their reading material.

More

March 26, 2010

Dadweynoow Yaa Qancinaaya Kulmiye Iyo Ucid Hadii Lagaga Guulayto Doorashada Soo Socota

Ugu horayn salaam aad u qaaliya ayaan u tabinayaa dhamaan shacbi-weynaha reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan. Waxyaabaha aan jeclay inaan qurba jooga la socodsiiyaa way fara badan yihiin laakiin waxaan doorbidaa inaan hadba sida ay u kala miisaan roon yihiin inaan iidiinku soo gudbiyo. Manta maqaalkani waa mid khuseeya oo ku fadhiya Rajada Qabsoomida Doorashada Madaxtooyada ee inagu soo fool leh. Waxa jirta in Xalkii khilaafkii u dambeeyay laga gaadhay ee sadex-geesoodka ahaa uu keenay nasasho iyo rayrayn laga dareemay dalka dabadiisa iyo gudahiisaba.

More

FOA oo Kawaan Casri ah Ka Bilawday Borama iyo Kulan Dhexmaray Duqa Borama.

Awdalpress (Harowo) - Hayada FOA ee cuntada iyo Beeraha wefti ka socda oo yimid magaalada Borama ayaa soo kormeeray Kawaanka Cusub ee ay Hayada FOA ka dhisayso duleedka daray macaane ee Borama, weftigan oo ay wehelinayeen duqa borama c/raxmaan Shide iyo xubno ka mida xildhibaanada golaha deegaanka ee Borama, ayaa soo kormeeray Kawaanka hada wax lagu qalo iyo midka cusub ee dhismihiisii socdo, waftigaas kormeerka samaynayay oo ay saxaafaduna la socotay, waxay la soo kulmeen nadaafad xumada ka jirta kwaanka hada xoolaha lagu qalo iyo shaqada ka socota kwaanka cusub.

More

Maxkamadda Gobolka Saaxil Oo Budhcad Badeed Soomali ah Xabsi Dheer Ku Xukuntay

bucadbadeed-small Berbera (Harowo) - Maxkammadda Gobolka Saaxil, ayaa xukun xadhig ah maanta ku riday koox Budhcad badeed ah oo bishii hore ciidamada ilaalada Somaliland qabqabteen wakhti ay wadeen isku dayo ay bada Somaliland ku doonayeen inay afduub kaga fuliyaan. Maxkamada oo saaka la wada keenay xubnaha budhcad badeeda ah oo tiradoodu ahayd 8-qof isla markaana ay goob joog ka ahaayeen, eheladoodi iyo qareenadii difaacayay waxa uu garsoorihii dacwada qaadayay cadeeyay in la soo gaba gabeeyay dhagaysiga iyo guud ahaan kiiskooda maxkamaduna xukun ridayso.

More

Odhaahda Akhristaha: Cali Aareeye Kumuu hadlin Afka Gobolka Salal iyo UDUB Toona balse Afkii Ina Boore Ayuu Ku Hadlay

Aniga oo ah C/shakuur Muxumed Muuse, kana soo jeeda Deegaanka Goboladda Salal iyo Awdalba, islamarkaana ah Xubin ka tirsan Xisbiga UDUB Waxaan Jawaab ka bixinayaa hadal kasoo yeedhay Cali Aareeye kana mid ah Xildhibaanada Golaha wakiiladda hadalkaasi oo ku soo baxay Wargeysyadda dalka. Waxaa Ayaan darro ah in Nin ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada gaar ahaan kuwa Xisbiga UDUB inuu maanta ku hadlo wax aan loo fadhiyin oo uu aflagaadooyin u jeediyo Madaxweynaha jabuuti iyo Xisbiga uu ka tirsanyahay ee UDUB .

More

Inaa Lilaa Wa Inaa Raajacuun:  Aniga oo ah Cabdulqadir Ciise Cabdiraxmaan(Kontonle) iyo Xaaskayga Ikraan Maxamed Faarax waxan ka codsanaynaa websiteke Harowe inuu nagaa gaadhsiiyo tacsi ehelkii,qaraabadii iyo dhamaan umada reer awdal.Waxanan ilaah uga baryeynaa ilaahay inuu u naxariisti janadii fardasana ka waraabiyo inagana samir iyo iimaan inaga siiyo wuxu Maxamed ahaa nin saciim ah oo inaga wada baxay.

More

March 25, 2010

Ogaysiis: Jaaliyadda Somaliland ee Washington DC, Virginia Iyo Maryland

somaliland-flyer-small1

Waxa la ogaysiinayaa dhamaan jaaliyadda Somaliland ee ku nool (Metropolititan Washington Area) inay ka Soo Qayb Galaan kulan balaadhan oo ay ka soo qayb geli doonaan waftiga Somaliland ee haatan ku sugan caasimadda dalka Maraykanka ee Washington. Fadlan guji PDF fileka hoos ku yaala si aad u heshid tafaasiil dheeraad ah. pdf1

OGEYSIIS: Jaaliyadda Somaliland ee Ku Nool Minneaplis ( Minnesota - USA)

flag Waxa dhammaan la ogeysiinayaa Jaaliyadda reer Somaliland ee deggan Labada magaalo  ee Mataanaha ah ( Minneapolis & St Paul) iyo nawaaxigeeda in uu ku soo fool leeyahay wafdi  culus  oo hadda ku sugan magaalada Washington, DC, kana kooban Xukuumadda iyo labada Shirguddoon ee Somaliland. Waxa ay jaaliyaddu nasiib u heshay inay la kulanto wafdigaas  maalinta Axadda ee 28ka  bishan March. Wafdigu wuxuu inooga xog-warrami doonaa wixii ay kala kulmeen socdaalkoodii Washington, DC, iyo guud ahaan  xaaladda dalkii.

More

Somaliland: America’s Underestimated Friend - By Bashir Goth

friendship1  Think about Somalia and all that jumps to mind is the image of a lawless country where extremist forces have turned it into killing fields, where people are butchered, maimed and their dignities and human rights are trampled on in the name of a mangled Islam, where piracy is a lucrative business that brings brides and undreamed of wealth and luxuries to hapless maritime scarecrows. It is a place where the President of the internationally-backed Transitional Federal Government (TFG) hides in a foxhole called Villa Somalia with the protection of African Forces but gets red-carpet treatment in western countries. A place where corruption is so rife that government officials as well as clan militias and unscrupulous local contractors get hefty bribes in order to allow world donated food supplies to reach the displaced and the needy sheltered in make-shift camps.

More

Can Dahabshiil Be Considered A Somaliland Company Anymore?

dhabshiil It has been extensively reported in all the Somaliland media that Dahabshiil Financial Services have inaugurated a bank in Djibouti . Whilst this news seems to be a new step in the banking sector in the Horn of Africa, a deeper analysis reveals a far more negative effect on the Somaliland economy. There is no doubt that Dahabshiil has played a significant role in the development of Somaliland’s economy and development as a conduit for the remittance sent by the Somaliland Diaspora, but Dahabshiil’s share of this market has been steadily shrinking. So, it makes sound financial sense for Dahabshiil to expand its market. However, by deciding to base itself in Djibouti rather than Somaliland , Dahabshiil Financial Services have a made a decision to will in the long term do more harm to the company.

More

Taariikh Noleedkii Allah U Naxariistee Marxuum Maxamed Xasan Mataan

maxamed-xasan-mataan MARXUUMKU: Wuxuu Curad u ahaa Aabihi Xasan Mataan Axmed, Isagoo la dhashay 9 Wiil iyo 9 Sagaal Gabdhood. Dhalashada: 26th October, 1959 . Goobta Dhalashada: Magaaladda Lafaciise - Degmadda Aw. Bare Magaca Hooyadda: Xaliimo Aw. Elmi Aare & Faadumo C/laahi Suldan

Taariikhda Waxbarashada:

1968- 1976: Waxa uu ka baxay Dugsiya Hoose Dhexe ee  Wajaale.

More

Tacsiyo Kla Duwan oo Ku Socda Eheladii Iyo Qaraabadii uu Ka Baxay Marxuum Maxamed Xasan Mataan

Inaa Lilaa Wa Inaa Ilayhi Raajacuun: It is with great regret and deep sorrow that we have learnt of the most untimely passing away of Mohamed Hassan Mattaan, may Allah rest his sole in peace.  We offer our condolences to his family, relations and friends and colleagues and pray for all of us that Allah may give us the strength to bear this irreparable loss with grace and Islamic faith.

More

Tacsiyo Kala Duwan oo Ku Socota Eheladii Iyo Qaraabadii Marxuum Maxamed Xasan Mataan

INAANILAAHI WA INAANILAAHI RAAJUCUUN: anigoo ah maxamed Cumar Cali ( sanca ) iyo xaaskayga Zeinab Hassan Cawaale waxaan halka tacsi uga dirayaa dhamaan qoysaska reer xasan mataan iyo reer cige mataan, waxaan ilaahay uga baryayaa in janadii farduusa ka waraabiyo walaalkeen maxamed xasan dhamaanteena samir iyo iimaan inaga siiyo ooridiisii iyo dhamaan caruurtana waxaa eebeheen uga baryayaa samir iyo iimaan ka siiyo aamiin,aamiin.

More

Inaa Lilaa Wa Inaa Ilay Raajacuun: Jaaliyadda Samaroon ee degan Magaalada Tuinis ee dalka Tunisia oo ay ka mid yihiin Mohamed Jibriil, Cabdirazaaq Aadan Cawaale, Maxamed Tani, DR. Bayleh, Mr. Kaahiye, Khayre, ayaa waxay tacsi tiiraanyole u dirayaan dhamaan eheladii iyo qoyskii uu ka baxay maxamed Xasan Mataan oo dhwaan ku geeryooday magaalada London ee dalka Ingriiska. Waxay Ilaahay uga Baryeynaa Marxuumka inuu ka waraabiyo Janadii Fardoosa, Inaga Samir iyo iimaan inaga siiyo. Aaaaaaaamiiin

More

Sweden: INAA LILAAHI WAA INAA ILAHI RAAJICUUN :  Dhammaan Qurbo jooga Kasoo Kala Jeeda Gobolada Harawo Salal iyo Awdal Ee Ku Dhaqan Dalka Sweden Waxay Tacsi Tiiraanyo le U Dirayaan Qoyskii iyo Qaraabadii Uu Ka Baxay MAXAMED XASAN MATAAN  Oo Ku geeriyooday Magaalada London.Dadkani Waxay Si Gaara U Tacsiyeynayaan Xaaskii Xaaskiisii KHADRA CAWAALE BUSTAALE IYO CARUURTII UU KA TEGAY.  Waxay Ilaahay Uga Baryayaan Marxuumka inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo,Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo……AAMIIN

More

March 24, 2010

Love Memories Remain Alive: Have You Ever Chosen Hatred Over Love….???

love Men and women make different relationships of love in their courtship years and throughout their live time. This is done because of unconscious desire to exercise all the dimensions of love. Affection, jealousy, and hatred are the prominent feelings that humans yearn during romantic relationships. Like the ordinary people, I did not encounter all the dimensions of love in one relationship with only one girl. It was a foggy morning. Humid air covered the entire horizon. Tinny droplets of water were on the green leaves of the trees. Behind the chains of mountains, the sun was partly appearing at the eastern side of the city. There were few clouds in the sky. The clouds were black in the center and reddish brown at the corners.

More

Quudhsiga Siilaanyo & Qaadasho La’aanta Muuse Biixi……..!

snake  ”Nin kastoo is qaadqaada oo qoorta kor u taaga iyo kii qab weyn lehba ragbaa qaaqda kaga siine — Qooq iyo aftaagaygii baa haabta ii qodayoo — Anigaa is qisaasaye duquba ima qaniineene — Qunyar socod hadaan noqon lahaa, qaata amarkiisa, qamauunyada ilkaha iyo dibnuhu qac isma siiyeenoo — Qoomamada intaan qalad ku falay lama qandhoodeene — Qudha oo lagaa jaro Cabdoow waad ku qanacdaaye — Iyadoon qabriga laygu ridin lay qulquladeeyoo — Siday nimanku ii quudhsadeen qaadan kari waayey.”

More

Xusbiga Cunsuriga ah ee Siilaanyo Muxuu Ka Yidhi Hadalkii Muj. Cali Gurey.

Muj. Cali Gurey afhayeenka xusbiga Udub ayaa mar uu hadlay wuxuu yidhi ” Ma dhacayso in uu Axmed Siilaanyo Hargeysa tamashleeyo, xoghayaha guud ee Udubna uu geed uu istaago Hargeysa ka waayo”.  Muj. Cali Gurey wuxuu kaloo intaas ku daray ” Anagu waxaan leenahay siyaasadeena aan ka saarno qabiilka oo maalinba awrkii dhaamin kara ha la dhaansado”. Xusbiga Siilaanyo Gulufkii colaadeed, af xumadii iyo isu-habar wacashadii ay bilaabeen maalintaas Mujaahidku hadlay illaa maanta waa wadaan, waxayna hadalkaas mujaahidka ka dhigteen sabab xaalad abuur.  Waxaa ka mid ah hadalada ay ku hadleen:

More

PRESS RELEASE: Washington, DC.

waftiga-somaliland-small Weftigii Xukuumadda Somaliland iyo Golayaasha ee booqashada ku joogay magaalada Washington DC, ayaa bilaabay shaqo hawleedkoodii; iyada oo weftigu la kulmay maanta (23/3/2010) madax sare oo ka tirsan hay’adda USAID ee dalka Maraykanka u qaabilsan Deeqaha Caalamiga ah.  Weftiga Somaliland waxa ay madaxda hay’adda USAID kala xaajoodeen muhiimadda iyo ka wada tashiga sidii hay’addu gacan uga geysan lahayd horumarinta dhaqaalaha Somaliland. Weftiga Somaliland waxa ay madaxda hay’adda USAID u bandhigeen baahida guud ee dalka Somaliland u qabo xagga horumarinta dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha. 

More

Madaxweyne Rayaale, Ayaa Dhambaal Tacsi ah u Diraya qoyskii Iyo Qaraabadii uu Ka Baxay Alla U Naxariiste Marxuum Maxamed Xasan Mataan.

Inaa Lilaa Wa Inaa Ilayhi Raajacuun:  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu dhambaal Tacsi ah u diray Marxuum Maxamed Xasan Mataan oo maanta ku geeriyooday Magaalada London ee Cariga UK. Madaxweynuhu, waxa uu ilaahay uga baryay inuu Naxariistii jano ka waraabiyo, Marxuum Maxamed Xasan Mataan, Samir iyo iimaana ka siiyo, Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka baxay. Allaa Mahad Leh,

Siciid Cadaani Mooge - Afhayeenka Madaxtooyada JSL

Login