March 31, 2010
Marxuum Maxamed Xassan Mataan Oo Maanta Si Heer Qaran ah Loogu Aasay Magaalada Boorama.
Boorama (Harowo) - Allaha u naxariistee waxa maanta si heer qaran ah Magaaladda Boorama loogu aasay Marxuum Maxamed Xassan Mataan oo dhawaan ku geeriyooday dalka Ingiriiska, kaas oo Maydkiisa lagu keenay diyaarad khaas ah, oo ka soo qaaday Dalka Ingiriiska, halkaas oo la bud dhigay Qabuuraha Seeraha ee Magaaladda Boorama. Aaska Marxuumka oo si wayn looga soo qayb galay waxa aan u kala hadhin dhamaan qaybaha kala duwan ee Siyaasada iyo bulshada Somaliland oo dhamaantood ku sugnaa Aaska Marxuumka. Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, Marwada koowaad Huda Barkhad Aadan, Xubno Wasiiro ah, Masuuliyiin sar sare oo ka socda golayaasha Baarlamaanka (Wakiiladda iyo Guurtidda)..
Masuuliyiinta Axsaabta Qaranka, Culimaa’udiin, madax dhaqameedyo, Aqoon yahano iyo dadwayne aad u tira badan oo ka kala yimi dhamaan gobolada dalka iyo wadamada dibada ayaa iyaguna ka soo qayb galay Janaasada Marxuumka.
Marxuum Maxamed Xassan Mataan oo ahaa qof dadka dhexdooda aad looga yaqaano waxa todobaadkii u danbeeyayba diyaar garowga aaskiisu ka socday magaaladda Boorama, halkaas oo boqolaal dad ah oo janaasada marxuumka doonaya inay ka qayb galaan ku sii sugnaayeen, isla markaana aad moodaysay in dadka intooda badani quudaraynayeen in iyagoo bad qaba ay ka qayb galaan galbiska ugu danbeeya ee Marxuumka.
Abaaro 2:15- Duhurnimo markii ay saacadu ahayd ayaa diyaaradii siday marxuumku soo caga dhigatay dhabaha diyaaraduhu ka haadaan ee magaalada Boorame halkaas oo mudo saacado ah ay ku sii sugayeen masuuliyiinta qaranka qaybahooda kala duwan iyo eheladii Marxuumku, markii laga soo dajiyay diyaaradda ayaa Maydka Marxuumka la dhigay barxad aad u balaadhan oo garoonka diyaaradaha gudihiisa ah, halkaas oo salaadii janaasada ay ku tukadeen kumanaan qof oo Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ka mid yahay, waxaana salaada janaasada Marxuum Maxamed Xassan Mataan tukinayay sheekhul baladka Sh. C/laahi Sh. Cali Jawhar.

Markii Salaadii Janaasada lagu tukaday isla markaana loo duceeyay Marxuumka ayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin waxa uu si gaar ah u qaabilay xubno qoyska Marxuumka ka tirsan oo qaarkooda dibada ka soo raaceen diyaarada Maydka Marxuumku saarnaana ay la socdeen, iyo xubno kale oo ku sii sugnaa dalka, Madaxweynaha ayaa uga tacsiyadeeyay Illaahayna ugu baryay inuu Marxuumka naxariistii jano ka waraabiyo, qoyskii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.
Kumaanaan gaadiid ah oo tubnaa Barxada garoonka ayaana Marxuumka u soo galbiyay daartiisi rasmiga ahayd oo looga sii diyaariyay xabaalaha Seeraha ee magaalada Boorama, halkaas oo marxuumka lagu bud-dhigay isla markaana kumaanaan qof oo ku sugnaa Illaahay uga baryeen inuu janadii Fardowsa ka waraabiyo.
Wakhti kooban ka hor intaan Maydka Marxuumka diyaaradii siday soo caga dhigan dhabaha diyaaraduhu ka hadaan ee magaaladda Boorama ayaa waxa maasheeyay guud ahaan magaaladda iyo madaarkaba roob si wayn loogu qabowsaday oo kulaylkii iyo huurkii daruuraha roobku hawadda ku reebeen lagaga qabowsaday. sidoo kale dadkii Janaasada Marxuumka ku sugnaa ee Maydka sugayay ayaa intooda badani tilmaameen in raxmada iyo samada furan iyo kumanaanka qof ee u Alla baryayaa muujinayaan shaqsiyadii wanaagsanayd ee Marxuumka.
Guud ahaan magaalada Boorama ayaa ahayd maalmihii ugu danbeeyay mid la ceeryoomaysay Gaadiid iyo marti kala duwan oo dhamaantood u yimi ka qayb galka Aaska Marxuumka, kuwaas oo dhamaantood ay suura gal u noqotay inay si nabad galyo ah uga qayb galaan galbinta Marxuumka iyagoo waxa isku keenayna ay ahayd uun wanaaga iyo Jacaylka ay u qabeen Marxuumka.
Marxuum Maxamed Xassan Mataan oo maanta lagu galbiyay laguna bud dhigay, Aas heer qaran ah, ayaa masuuliyiintii iyo qaybihii bulshada ee kala duwanaa ee aaskiisa ka soo qayb galay ay ka warameen shaqsiyadiisi qof walba intuu ka yaqaanay iyo sidii uu ahaa muwaadin dalkiisa iyo dadkiisa ugu shaqeeya si hiil iyo hooba leh oo aan hagrasho iyo waabasho midna lahayn, isla markaana aanu uga daali jirin wixii bulshadda horumar iyo wanaag u soo jiidaya.
Hadii aanu nahay dhamaan bahda shabakadda wararka Ee Harowo.com waxaanu anagoo ka tiiraanyaysan tacsi u diraynaa dhamaan qoyskii, qaraabadii iyo bulshadda Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Maxamed Xassan Mataan oo maanta si heer qaran ah loogu aasay magaalada Boorame, samir iyo iimaan ka siiyo, Marxuumkana Alle uga baryayna inuu naxariistiisi Jano ka waraabiyo, Inaa Li laahi wa Inaa Ilayhi Raajicuun.




Faysal Maxamed Xassan
Reporter Harowo.com Somaliland
Email: daralla066@gmail.com




