March 31, 2010
Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin Oo Kulamo La Yeeshay Masuuliyiinta Laamaha Dawlada Iyo Madaxda Dhaqanka Ee Awdal.
Boorama (Harowo)- Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo wafdigii uu hogaaminayay oo wali ku sugan magaalo madaxda gobolka Awdal ee Boorama ayaa kulamo gooni gooni ah la kala yeeshay masuuliyiinta laamaha dawlada ee gobolka Awdal iyo Hogaamiyayaasha Dhaqanka. Kulamadan oo sida Madaxweyne Rayaale Sheegay ahaa kuwo uu ku ogaanayo xogta dhabta ah ee laamaha dawlada sida ay u shaqeeyaan, waxyaabaha u qabsoomay, kuwa ka qabyada ah iyo sii horumarintooda waxa ka soo qayb galay dhamaan masuuliyiinta laamaha dawladda ee kala duwan.
Maamulka Gobolka iyo ka degmada Boorama halkaas oo masuuliyiintii kala duwanaa ay warbixin mid mid uga bixiyeen wasaaradaha iyo laamaha kala duwan ee ay ka hawl galaan.
Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin oo maalintii salaasadii todobaadkii hore tagay magaalada Boorama waxa kale oo uu kulan balaadhan la qaatay Madaxda Dhaqanka ee Gobolka Awdal iyo waliba Selel kuwaas oo tiradoodu ka badnayd 80- hogaamiye dhaqameed, kulankaas ayaa la iskula naaqishay sidii loo adkayn lahaa wada shaqaynta fiican ee u dhaxaysa hogaamiyayaasha dhaqanka iyo Dawladda taas oo wax wayn ka tartay adkaynta nabad galyada iyo horumarinteeda.
Guud ahaan kulamadaas oo ahaa kuwo si saaraaxad leh loo wada hadlay ayaa ku dhamaaday guul iyo is af garad dhinac kastana ku soo gudbiyay aragtidooda iyo sida ay hawlaha ay qabtaan u socdaan, madaxweyne Rayaalana aad uga riyaaqay, si wayna ugu booriyay inay wixii hawl qabad ah sii kordhiyaan, wixii gal daloolooyin jirana awdaan.
Madaxweynaha Somaliland waxa kale oo intii uu Magaalada Boorama ku sugnaa uu soo kormeeray Jaamacadda Camuud, Cusbitaalka Guud ee Boorama iyo Cusbitaalka Alxayaat, kuwaas oo dhamaantood uu soo maray qaybahooda kala duwan, warbixinana ka dhagaystay masuuliyiinta goobahaas.
Madaxweyne Rayaale waxa uu maalintii shalay sidoo kale booqasho ku tagay magaalada Qul-u jeed oo uu soo maray dugsiyada magaaladaas, isla markaana warfidiyeenada tusay fasalkii uu wax ku baran jiray isagoo ka waramay halka miiskii uu fadhiisan jiray ahaa, waxa halkaa si diiran ugu soo dhaweeyay dadweynaha ku dhaqan magaalada Qulujeed.

Faysal Maxamed Xassan
Reporter Harowo.com Somaliland
Email: daralla066@gmail.com
