March 28, 2010

Wafti Ka Socda Somaliland oo Waayadanba Ku Sugnaa Caasimadda Dalka Maraykan ee Washington DC Ayaa Caawo La Kulmay Jaaliyadda Somaliland ee Ku Nool Washington DC, Virgina Iyo Maryland.

wafti-somaliland-small2 Washington DC ( Harowo) - Wafti ka socda Somaliland isugu jira 3 xubnood ee ay ka kooban tahay dawladda Somaliland, kuwaas oo ka ah waaxda fulinta (Exexutive) iyo Labada gole ee sharci dejinta sida (Golaha Guurtida Iyo Golaha Wakiilada) ayaa caawa huteel ku yaal duleedka magaalada Washington kula kulmay dadweyne fara badan oo ka mid ah jaaliyadda Somaliland ee (Mero Washington), halkaas oo ay ka dhacaday xaflad balaadhan oo la isku arkay. Waftiga ayaa jaaliyadda siiyey xog waran qoto dheer oo dhinacyo badan taabanaya, halka xubno jaaliyadda ka tirsanina ay su’aal ka weydiiyeen waftiga xaaladda dadlka marayo iyada oo gooni gooniya wasiirada ka socda xukuumadda loo weydiinayey su’aalo la xidhiidha xilka ay shacabka Somaliland u hayaan.

Waxa xafladan soo agaasimay, isla markaana si qurux badan u daadahaynayey wakiilaka Somaliland u Fadhiya Magaalada Washington DC DR. Sacad Sh. Cismaan Nuur. Hadaba Hoos Ka Dhegeyso Qaybo ka MId ah Hadaladii qaar Ka Mid ah Xubnaha Waftiga.

Soo Dhaweyntii Waftiga ee Wakiilka Somaliland Sacad Sh. Cismaan Nuur

Get Flash to see this player.

Login