March 27, 2010
Xusuus: Dadaalka Iyo Waxtarkii Allaha u Naxariistee Marxuum Maxamed Xasan Mataan.
Inta aanan hoos uga daadagin dulucda maqaalkayga waxaan marka hore tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Qoyskii iyo Eheledii uu ka baxay gaar ahaan Xaaskiisii Khadra Cawaale Bustaale iyo caruurtiisii sidoo kale dhamaan Reer Xasan Mataan meelkasta oo ay joogaanba ALLAAH samir iyo iimaan ha idinka Marxuum MAXAMED XASAN MATAAN. Sidoo kale waxaan iyana ka tacsiyadaynayaa bulsho waynta Somaliland gaar ahaan Awdal/Salal. Ilaahay naxariistii jano ha ka waraabiyee Marxuumka ma soo koobi karo taariikhdiisii qalinkana umaan qaadan inaan halakan ku soo koobo, waxaanse xasuusinayaa dadwaynaha Somaliland gaar ahaan Awdal wax yar iyo in si wadajira Marxuumka loogu duceeyo loo akhriyo Quraanka taasi oon filaayo maalmaha soo socda IN SHA ALLAHU TACAALAA aaskiisu ka dhici doono magaalada Boorame.
Marxuumka oo ku noolaa mudooyinkii danbe wadanka UK waxaan wax idinka xasuusinayaa dadaaladisii faraha badnaa ee xanbaarsanaa danta guud iyo horumarkeeda waxaa tusaale qurux badan arintaas u ah inuu Marxuumku dib ugu laabtay wadankii markii ay socdeen DIIWAN GALINTII GOBOLODA isagoo ay u jeedadiisu ahayd inuu wax ka qabto cabashooyin si isdaba jooga uga imanaayay aqoonyahanka reer AWDAL ee ku nool qurbaha hadaba akhristow waxaa aad iyo aad arin u yaab badan ah Marxuumku wakhtigaas ayuu tagay wadankii waxa uu hormood ka ahaa intii garatay in la saxo qaladaadkii diiwaan galinta ee dhacay iyo in dib loo diiwaan galiyo dadkii aan fahamsanayn ujeedada diiwaan galinta.
Marxuumku isagoon hayn xil iyo mansab uu arintaas wax kaga qabto wuxuu adeegsaday shaqsiyadiisa, kartidiisa iyo aqoontiisa oo qof waliba u soo joogsanayay mid xil haya iyo mid aan xil haynba, habeeno badan iyo maalmo badan buu u soo jeeday wacyigalinta dadkiisa si uu uga dhaadhiciyo muhiimada ay arintani u lee dahay reer Awdal, waxaa uu dhex socday dadka isagoo u adkaystay duruufihii adkaa maalmahaas dadkiisana la qabay cadceed iyo dabayl banaanka loo taagnaa.
ILAAHAY wuu ku garab qabtay waxaana diiwaan galintii lagu celiyay ay u dhacday si qurux badan cabashooyinkii jiray iyo dadka badankiisa oo u baahnaa in arimahan loo jilciyo la wacyi galiyo waxa uu u noqoday halyay u damqaday dadkiisa kana samata bixiyay madmadaw jiray gaadhsiiyayna natiijo wax ku oola oon habyaraatee cabasho danbe laga maqal dibad iyo gudaba. Akhriste waxa inaga baxay shaqsi halgamaaya oo ilaa xadkaas dadaalkiisu gaadhsiisan yahay danteena guud baa u dhantaalantay.
UK iyo bulshowaynta reer Somaliland Marxuumku kaalintii uu kaga jiray hadaan iyana wax ka taabto waxa uu ahaa shaqsi ka dhexmuuqda bulshadiisa sida dayaxa, wuxuu ku marti qaadi jiray dadka si danta guud looga wada tashado waxaana uu had iyo jeer hormood ka ahaa dhaqdhaqaaq kasta oo jira oo saldhigiisu yahay horumar iyo danta guud waxa uu ka shaqayn jiray isku xidhka bulshada iyo isu soo dhawaynta dadkiisa kala afkaartaa waxa uu ahaa nin run sheeg badan oo xaqa taageeraa sidoo kale nin cibaado badan oo salaad xaafida.
Dhanka kale waxa uu hormood ka ahaa barnaamijyada samofalka ha ahaato Jaamacad la furayo amaba cusbitaal dib loo casriyaynaye waxaanu xidhiidh joogta ah la lahaa masuuliyiinta dawlada, salaadiinta, Cuqaasha, aqoonyahanka iyo dhalinyaradaba si uu ula socdo duruufaha ku gadaaman bulshadiisa, waxa uu ahaa nin xil iska saaray inuu u ordo danta guud, codkar buu ahaa shirarka samofalkaa dadka ka dhaadhiciya faaiidada ay lee dahay wax wada qabsiga iyo is dhexgalka dadkaba, Arimhaas aan kor ku soo xusay waxay astaan u yihiin tilmaanta wanaagsan ee Nabigeenii Suubanaa (SCW) uu ka bixiyay dadkiisa wanaagsan ee ku nagaan doona janooyinka Rabi.
Waxaan ku soo gabogabaynayaa KULU NAFSIN DAAIQATUL MAWT waa wado qof kasta oo nooli uu mari doono maalin maalmaha ka mida loona baahan yahay inaan isaga dayano afcaasha wanaagsan ee If iyo Aakhiroba u roon.
Salaamu Allaikum.
Axmed Muse Axmed - London
Email: axmed_c@hotmail.com
