March 27, 2010

Shirka Mineapolis (Minnesota, USA) Waxa Iska Kaashanaya Somaliweyn Iyo Kulmiye

Waxan la isla dhexmarayaa in odayaasha Samaroonka ee Mineapolis degani ay qaadaceen Shirka lagu tilmaamey TOL-CONVACTION. Markii an u kuur galay arintaas waxaan ugaanay in ayna odayadu diidin shirka ee ay ka biya diideen sida loo maamulaayo. Shirka waxa markii hore loogu tala galay in lagu habeeyo arimaha Samroonka hase yeeshe waxa afdoobay dad is bidaayaa in dadka ay ka aqoon badanyihiin, ka siyaasisan yihiin, ka maskax fiican yihiin, ka aragti dheeri yihiin.

Waxa taas u raacsan in ay naceb yihiin Somaliland oo ay u ololeeyaan Somalia iyaga oo isla markaas la ug yahay in ay xidhiidh la leeyihiin madaxda Somalia ee Muqdisho. Dadka ku soo socda shirka waxay u badan dad taageersan siyaasada Siilaanyo ee Kulmiye.

Waxa kale oo la og yahay in dadka maamulaaya shirku ayna isku mabda’ ahayn oo ay kaaf iyo dheeri yihiin. Waxay isku bahasyteen maaha arin u danna Samaroon iyo Somalilandtoona.

Waxa ku jiraa qabanqaabada shirka dad horey caam ugu ahaa dafiraada qabiiladooda oo dadka ku qaldaayaa maanta in ay yihiin Samaroon. Waxa ku jira dad degree ku qaatay cayda Riyaale iyo UDUB. Waxa ku jira dad ka xanaaqa Somaliland. Qofka kasta oo Samaroon ihi uu og yahay wixii maanta u roon Samaroonka iyo sida u Samaroon uga dhex mooqan lahaa Somalida gudaheeda. Uma baahna danaystayaal isku qarinaaya dan Samaroon baan u socona.

Samroonku wuxu ka mid yahay Somaliland, aayihiisuna ku jiraa. Uma baahna dadka indheer garadka isku tilmaama ee hindisohoogu yahay in ay Somalia wax ka noqdaan. Dad dadkaas ka mid ah waxaad moodaa in ay shahaadaha ku qaateen oo ay ku xeeldheer yihiin sidii loo kala jabin lahaa Samaroonka.

Dadka maanta ku murmaaya danta guud ee Samaroon ee ku eedaynaaya odayada indheer garadka ah ee waligoodba ka shaqaynaayay danta good ee Samaroon in ay u gooyeen shirka ujeeda iyaga u gaar ah. Sida warku nagu soo gaadhaayo waxay odayadu sheegayaan in shirka la afdoobay oo laga dheereeyey dariiqii loogu tala galay bilowgii.

Waxan akhristayaasha u sheegaynaa in shirkaasi uuna Samaroon u dan ahayn. Shirka dadka ka soo qayb galayi waa afar nooc.

1. Qayba Kulmiya ah
2.  Qayb magaca Somaaliland neceb
3.  Qayb Dowlada Muqdisho u ololaysa
4.  Qayb Riyaale neceb

Waxa hadda xoog badan inta Kulmiye u ololaynaysa ee ka soo qayb galysa shirka. Qarjafkuna uu badan yahay. Kuwa khatarta gelinaaya wada jirka Samaroonka waa taageerayasha Kulmiye ee soo huwanaaya danta Samaroon.

Waxan ka digaayaa in danteenii good iyo wadajirkeeni gabaasiga ahaa lagu soo duulay. Waxa kuwa Kulmiye ka sii daran indheegaradka la is lahaa Samaroonbay badbaadinyaan ee ku sii wada cidhiidiga.

Goox kasta waa u xor ra’yigooda iyo mabda’ooga hase yeeshe waxa xaraan ah oo reeban oo qofna laga aqbalai karin in magac reerka la huwadoo iyada oo lagu qarinaayo dano gaar ah.

Ramaada Xaamud

Email ramadaan555@hotmail.com

Login