March 14, 2010
Muj: Cali Guray Oo Sheegay In Xisbiga Kulmiye Aanu Afeef Hore Iyo Adkaysi Danbe Midna Lahayn.
“Waxaan Ku Celinayaa maantana Waan Arkayoo, Way Idinla Xumaatay Aynu Is Ixtiraano, hadaad dan u aragteen inaynaan is ixtiraamin waanu idinla qaadan.” Muj: Cali Guray.
Hargeysa (Harowo) - Afhayeenka Xisbiga UDUB Md. Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa sheegay in hadal u dhawaan xisbiga Kulmiye u jeediyay si khaldan ay turjunteen, balse ujeedadiisu ahayd in wax la iskaga ogaado sida labada xisbiga ee UDUB iyo Kulmiye Madaxdooda u ixtiraamayaan ama loo wada macaamilayo.
Cali Guray waxa uu tilmaamay in aanay suura gal noqonayn in Madaxda kulmiyana ay tixgaliyaan, kuwa UDUB-na kooxo ku foodhya loo sameeyo, hasa yeeshee uu ka dalbanayo in xisbiga Kulmiye laba mid soo galo, in foodhida iyo buuqa loo rogo siyaasada iyo tartanka iyo in sida waajibku yahay la isku ixtiraamo. Md. Cali Guray ugu danbayntii waxa uu been cad ku tilmaamay hadalo odhanaya taageero kuma haysto xisbiga UDUB hadaba dhegayso hadalkii Cali Guray.
Get Flash to see this player.

