March 14, 2010

Ceerigaabo: Taageerayaal Kulmiye Ka Baxay Oo Ku Biiray Xisbiga Uudb

ceerigaabo-taageerayaasha-ku-soo-biiray-udub-small Ceerigaabo (Harowo) -Xaflad ballaadhan oo lagu soo dhowaynayey taageerayaal hore uga tirsanaan jirey Xisbiga Kulmiye oo u soo diga rogtay Xisbiga talada dalka haya ee UDUB ayaa maanta lagu qabtay Xarunta dhexe Xisbiga UDUB ee magaalada Ceerigaabo Xarunta Gobolka Sanaag. Munaasibaddan oo ay ka soo qayb galeen Masuuliyiinta, Xisbiga iyo taageerayaashiisa faraha badan ee Xisbiga UDUB ayaa guud ahaan waxay ahayd mid si weyn loo soo agaasimey, isla markaana laga muujiyey shucuurta iyo dareenka ku waajahan soo dhowaynta taageerayaalkan cusub ee Xisbiga UDUB ku soo biiray.

Xubnaha ka tirsan taageerayaalkan cusub ee ka soo diga rogtey Xisbiga Kulmiye oo ay hoggaaminaysey Faadumo Ismaaciil Ibraahin (Milgo Hiinbool) ee iyagu fagaarahaas ka hadlay ayaa halkaas waxay ka sheegeen in ay Xisbiga Kulmiye muddo laba sano ah naf iyo maalba taageerayaalkiisa ahaayeen, haseyeeshee kalsoonidooda ay ku go’aansadeen in ay taageeradooda kula soo biiraan Xisbigan UDUB, waxayna xubnahaasi halkaas kusoo ban dhigay qoraallo ay ku qeexan yihiin cabashooyinka iyo sababaha ku kallifey in ay Xisbiga Kumliye taageeradoodii kala noqdeen.

Guddoomiyaha Xisbiga UDUB ee Gobolka Sanaag Md. Cali Ismaaciil Barre oo fagaarahaas ay ugu gudbiyeen Calammada Xisbiga Kulmiye iyo boodhadhka ay ku qoran yihiin halku-dhegyada muujinayey taageerada Xisbiga Kulmiye ee xilligii ay ka tirsanaayeen. Qalabkaas oo guddoomiyaha UDUB ee Gobolka Sanaag amray maaddaama ay yihiin astaamo xisbi-qaran in lagu xereeyo qolka kaydka ee Xisbigan UDUB.

“Haddii aannu nahay taageerayaalkan iyo madaxdooda manta kusoo biiray xisbigan talada haya ee UDUB waxannu halkan ku caddaynaynaa si buuxda taageeradayada iyo kalsooniddayada naf iyo maalba in aannu kula soo biirnay Xisbiga UDUB, iyadoo sababaha nagu kallifey in kalsoonidayada iyo taageeradayada aannu kala noqonnay xisbiga Kulmiye-na waxa ka mid ah:-

* Iyadoo nalakula dhaqmay takoorid kusalaysan qabiilnimo (hartinnimo).

* Iyadoo nalaku yidhi hadallo aan loo dulqaadan karin sida “Codka Harti yaa huba”

* Iyadoo Xisbigu(Kulmiye) aanu Gobolka Sanaag ku lahayn maammul dhisan oo hagaagsan oo lala shaqayn karo.

* Iyadoo ballanqaadyadii nalala galay waxba nalooka qaban waayey.

*  Iyadoo muddadii labada sano ee xisbiga aannu ka tirsanayn ay nagala kulantay tixgelin la’aan badani.

Iyadoo xisbiga oo aannu u qabney xisbi-qaran uu noqday xisbi-qabiil”.

ceerigaabo-taageerayaasha-ku-soo-biiray-udub

Sidaas waxa lagu sheegay qoraal ay halkaas ka akhriyeen taageerayaalkan kusoo biiray Xisbiga UDUB.

Guddoomiyaha UDUB Gobolka Sanaag Cali Ismaaciil Barre oo isaguna fagaarahan ka hadlay ayaa ugu horrayn isagoo si weyn usoo dhoweeyey taageerayaalkan xisbigiisa ku soo biiray, waxa hadalladiisii ka mid ahaa “Waxannu si weyn oo qalbi furan iyo niyad sami idiinku soo dhowaynaynaa Xisbigan UDUB ee aad nagula soo biirteen oo ah xisbiga Ummadda bahowdey oo halkaas aad ka garan karaysaan in uu yahay xisbigiinnii oo idinka iyo kuwa hore usii joogeyba aad xuquuq ahaan iyo si kastaba isku mid u tihiin taageerada xisbigiinnan, annagoo idiin aragnaa taageerayaal qaali ah oo nagu soo biiray”. Isagoo intaas kusii daray “Hadda laga bilaabo oo aad ka mid tihiin taageerayaalka Xisbiga talada haya ee UDUB calaamadaha iyo boodhadhka aad halkan la timaaddeen ee Xisbiga Kulmiye aad ku ahaan jirteen iyagana soo wareejiya waxannuna idiinku beddelaynaa calaamadaha Xisbiga UDUB ee aad kusoo biirteen”.

Gudoomiyaha Xisbiga UDUB ee Gobolka Sanaag ugu danbayntii waxa uu sheegay in calaamadaha iyo astaamaha ay ku wareejiyeen iyagoo u xaq dhawraya xuquuqda xisbigaas sharcigu siiyay ay qolka kaydka dhigayaan “Calammada iyo boodhadhka iyaguna maaddaama ay yihiin astaamo xisbi-qaran waa in aan la dayicin waxana lagu xeraynayaa istoodhka xaruntan UDUB ee aynu joogno”.

Taageerayaashan cusub ee ku soo biiray xisbiga UDUB ee gobolka Sanaag ayaa sida muuqata ahaa kuwo miisaan culus xisbiga Kulmiye ku lahaa intii ay ka mid ahaayeen, hasa yeeshee tabashooyin xisbigu wax ka qaban waayay ay sababtay inay maanta si rasmi ah ugu biiraan xisbiga UDUB, taas oo xoog iyo quwad kula soo biiri doona.

Warkan oo aanu ka helnay wariyaha wargeyska Maalmaha ee Ceerigaabo Wariye Darwiish waxa uu intaa ku daray in taageerayaashani muujinayeen shucuur riyaaq iyo farxadi ku dheehan tahay, kalsooni badana ay ku qabeen go’aankooda iyo ku biiristooda xisbiga UDUB. Xisbiga UDUB ee gobolka Sanaag ayaa iyaguna soo dhawayn aad u saraysa ku qaabilay.

Harowo Desk Hargeysa Somaliland

Login