March 13, 2010
Jaamacadda Burco: Xafladii Dufcadii Ugu Horaysay Ee Ka Qalin Jabisay Oo La Isku Arkay.
Harowo (Burco) - Waxa Maanta Magaalada Burco lagu qabtay Xaflad aad u balaadhan oo lagu maamuusayay dufcadii ugu horaysay ee Ka Qalin Jabisa Jaamacadda Burco, Tan iyo markii la aasaasay sanadkii 2004-tii. Xarunta Jaamacadda Burco ayaa saaka ku waabariisatay fantasiyaha lagu sagootinayay dufcadii ugu horaysay ee ka qalin jabisa, iyo midhihii ugu horeeyay ee ay Jaamacadu soo saarto, kuwaas oo tiradoodu dhamayd 93-Arday, oo gabdho iyo wiilalba ka kooban.
Munaasibada qalin jabinta ardayda waxa ka soo qayb galay, Masuuliyiin ka tirsan Xukuumada, Maamulka Heer degmo iyo heer gobol, aqoonyahano, xubo ka tirsan golayaasha baarlamaanka, masuuliyiin ka socday xisbiyada qaranka, waalidiinta, ardayda, maamulka, macalimiinta jaamacadda iyo dadweyne aad u tira badan oo buux dhaafiyay dhamaan xayn daabka jaamacadda.
Gudoomiyaha Jaamacadda Burco C/raxmaan Jaamac Ducaale, ayaa ka waramay ardayda qalin jabinaysa iyo guud ahaan Jaamacadda “Tirada guud ee Ardayda ka Qalin jabisay Jaamacaddu waa 93 Arday ayna u badan yihiin Haween waxaa maanta ay tahay maalin aad iyo aad u weyn oo Gobolka Togdheer ama Soomaliland ku soo kordheen dad Aqoonleh ayaan runtii ku faraxsanahay inaad nala qayb qaadataan farxadan iyada ah oo aanu doonayno inay Caalamku arkaan.
Gudoomiyaha Gudiga Jaamacadda Maxamuud Aadan Dhari, oo isna hadal kooban xaflada ka jeediyay ayaa waxa uu tilmaamay sida ay ugu faraxsan yihiin guud ahaan reer Togdheer ubaxa iyo aqoonyahanada u soo baxay “Hadaanu nahay Reer Burco, farxad wayn bay noo tahay ubaxa cusub iyo aqoonyahankaa noo qalin jabiyay,ee aad nagala soo qayb gasheen Sharaf wayn bay inoo tahay anagu hadaan Reer Burco nahay Sharaf wayn bay noo tahay.”
Hadaba bal hada in yar dhagta jalaq ii siiya sawaxankana daaya 1928 kii een tolow saaxiibkeyga Siilaanyo mafadhiyaa isagaa isku Da ahayn yaan Maxamuud Axmed Cali Illaahay ha u naxariistee isaga iyo Waalidiinteenba iyo Umadda Nabimuxamed uu Nin Ingisiisi keenay Burco Tacliintuu doonayay in Burco laga bilaabo waa la shiiday oo waxa layidhi waa nalagaalaynayaa intaaseey soo dhaaftay intaasaa kadanbaysay maantana waa 2010 kii Alaahu Akbar Burcooy ma’maalin taasaa Qaldanaydeen mise maantaa Qaldantihiin ayuu yidhi Gudoomiyaha Guddida Jaamacadda Burco
Maayerka Burco Md. Maxamuud Axmed Xasan, oo isna ka hadlay xaflada ayaa sheegay in Sadexda Arday ee ugu saraysa ay dirayaan oo Madaxweynaha u gaynayaan si uu u diro sidii kuwii Jaamacada Camuud loogu diray, balana lagaga qaadayo inay soo noqdaan oo jaamacadda macalimiin ka noqdaan sida kuwii Jaamacadda Camuudba ay u soo noqdeen ee ay jaamacadda uga hawl galeen, “Waxaa la doonayaa sida reer Camuud 3-daxda Arday ee la diraya Jaamacadoodu iyagu Macalin dib uga noqda anaguna 3-sadax Arday, waanu kaxaynaynaa Madaxweynahana waanu u gaynaynaa waana la dhaarinayaa heshiisna waanu lagalaynaa sida kuwii Jaamacadda Camuud markay soo noqdaan tan Macalin ka noqda umadoodu u faa ideeyaan ayaanu doonaynaa.” Ayuu yidhi Maayerku.
Maayerka Burco waxa kale oo uu sheegay in isagu ka maamul dawlad hoose ahaan uu aad ugu faraxsan yahay in ardayda ugu horaysay ee jaamacadda Burco ka qalin jabisay 7- ka mid ahii yihiin shaqaalaha dawlada hoose taasina ay farxad gaar ah u tahay, sidoo kalana uu ardayda qalin jabinaysa guud ahaan aad ugu faraxsan yahay in markii ugu horaysay Magaalada Burco ay ka qalin jabiyaan ardaydii ugu horaysay ee Digrii qaadata.
Gudoomiyaha Jaamacadda Camuud Professor Saleebaan Axmed Guuleed, ahna Madaxa Jamacadaha Soomaliland oo isna Madashaa ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxaan Hanbalyo iyo Bogaadin halkan uga soo jeedinayaa sidaa Jaamacaddaha Soomaliland inta halkan joogta iyo inta aanjooginba iyo Fariin la’isoo faray oo leh Sadaxda Golle ee Gobolka,iyo Jaamacadda Camuud anagoo idiinku hanbalyaynena dhacdadan muhiimka ah ee maanta Burco ugu dabaaldagayno.”
“Runtii Xaflado waa la qabtaa laakiin Beer kuu go’day Beertii kuu soo go’day tanaa ugu Khayr badan markii Jaamacadani la’aasaasayay ee Camuud ay noogu yimaadeen waxaanu nidhi taageerada koowaad baanu idin siinaynaa sababtoo ah waxaanu u arkaynay in ay ahayd Albaabkii Bariga Burco waa halka igu muhiimsan Ganacsigga, xaga Xoolaha waa meel runtii noqonkarta hab Aqoonyahan oo lagu barbaarinkaro in ay tahay runtii iyadaana isku xidha Bari iyo Galbeed oo dhan Jaamacaduhu inagaa leh markaa waa inaynu joogteyno Jaamacadahaani iyo Jaamacadihii kaleba Gobolka ay joogaan guud ahaan Dalka ayna hogaamiyaan Aqoonta iyo horumarka Dalka anagu Siyaasad shaqo kuma lihin 42-sanadood ayaan shaqaynayay waligay siyaasad kuma hadal dareenkii siyaasadeed waxaan ku cabiraa Doorashada cidaan siinayo laakiin inaga howl ka badan ayaa inoo taala runtii cidii ku shaqada leh ha ka doodo howlaha Qaranka.”

Professor Saleebaan Axmed Guuleed waxa uu ugu danbayntii dardaaran u jeediyay ardayda qalin jabisay, “Waxaa kaloo oo ay Ardaydii ka Qalinjabisay Jamacadda Burco aan kula dar daarmayaa inay sii wataan waxbarashadooda oo aqoon badan sii korodhsadaan horumarka dalkoodana ka shaqeeyaan.” Ayuu Professor Saleebaan Axmed Guuleed ku soo gaba gabeeyay hadalkiisa.
Wasiiru dawlaha wasaaradda waxbarashada Somaliland Md. Maxamuud Garaad Maxamuud oo isagu shahaadooyinka gudoonsiiyay ardaydii xaflada ka qalin jabisay ayaa hadal kooban oo uu halkaa ka jeediyay waxa uu sheegay in horumarka waxbarashada dalka ay wasaarada waxbarashadu aabo ka tahay, suura galisayna in tiro intaa lee goo aqoon lihii u soo baxaan dalka gobol kasta iyo jaamacad kastaba ha ka soo baxaanee.
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. C/raxmaan Maxamed (Ciro), Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Kulmiye Muusa Biixi Cabdi iyo xoghayaha guud ee Xisbiga UDUB Md. Jaamac Yaasiin Faarax ayaa iyaguna hadalo halkaa ka soo jeediyay.
Intii xafladu socotay ayaa waxa halkaa lagaga dhawaaqay deeqo jaamacadda Burco lagu caawinayo, waxaana ka mid ahaa Gudoomiyaha Shirkadda Dahabshiil oo sheegay inuu kaalmo wayn siin doono jaamacaddda Burco horana wax ula qaban jiray, waxa kale oo halkaa Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB uu ugu deeqay Jaamacadda Gaadhi Serve- ah oo jaamacadu ku shaqaysan doonaan, mudanayaal ka tirsan golaha wakiilada ayaa iyaguna deeqo lacageed oo ilaa sadax kun gaadhaysa halkaa kaga dhawaaqay.
Gabagabadii 93-ka Arday ee ka qalin jabiyay jaamacadda Burco ayaa iyagoo xidhan dharka hidaha iyo dhaqanka iyo koofiyada qalin jabinta jaamacaddaha waxa shahaadooyinkii gudoonsiiyay wasiiru dawlaha wasaarada waxbarashada Somaliland iyo maamulka jaamacadda Burco.


Harowo Desk, Hargeysa, Somaliland
