March 12, 2010

Axmed Siilaanyo iyo Muuse Biixi oo Mar Kale Khilaaf Ku Dhex maray Talada Xisbiga Kulmiye

muuse-biixi siilaanyoGuddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ayaa shalay ku gacan saydhay codsi uu Guddoomiye ku xigeenkiisa Muse Biixi ku dalbaday in laga saaro Xisbiga Kooxdii kaga soo biirtay Urur Siyaasadeedkii Qaran gaar ahaan Sadexda masuul eek ala ah Dr: Gaboose,Maxamed Xaashi iyo Baashe Cabdi Gaboobe oo laba kamid ahi haatan yihiin Guddoomiyayaasha Xisbiga ee Ololaha Doorashada Madaxtooyada oo uu magacaabay Siilaanyo.

Arrintan ayaa shalay ka dhacday Guriga Guddoomiyaha oo ay shir   ku lahaayeen Hogaanka sare ee Xisbigu oo kala ahaa Guddoomiyaha Xisbiga Siilaanyo iyo ku xigeenadiisa Muuse Biixi, C/raxmaan Maxamed Talyanle, C/raxmaan Saylici iyo Xoghayaha Guud Keyse Xasan Cige kuwaasoo ujeeddada Shirkoodu ku saabsanayd sidii dibu-habayn loogu samayn lahaa dhismaha Xisbiga oo in badan ay dhibaato ka taagnayd taasoo dhalisay inay isku dhacaan Axmed Siilaanyo iyo Muuse Biixi kadib markii sida la sheegay uu Muuse Biixi ka codsaday Guddoomiyaha inaanu ogolayn talada Xisbiga inay ku jiraan Masuuliyiinta Qaran ee uu Siilaanyo magacaabay isagoo ku eedeeyay inaanay wadin dan uu isagu leeyahay ee ay u shaqaynayaan uun Siilaanyo

Arrintan ayaa la sheegay inay si weyn uga cadhaysiisay Siilaanyo kuna tiraabay inaanay ka tagaynin xilkaas uu u magacaabay cida Xisbiga u sharaxan ee ay u shaqaynayaana ay tahay isaga sidaasi daraadeed aanu marnaba ka ogolaanayn Muuse iyo cid kale toona inuu ka aqbalo xilka qaadista nimankaasi, isagoo la sheegay markay intaa isdhaafsadeen inay arrintu cirka isku sii shareertay isla markaana ay sababtay inuu Muse Biixi Albaabka ka baxo.

Dhacdadan ayaa sababtay inuu halkaa ku burburo shirkii ay hogaanku iskugu yimaadeen iyadoo raga qaarkii dibada u soo baxeen si ay ugu kala ergeeyaan labada Oday balse talaabasadaasi may noqon mid lagu guuleysto, waxaanay aarintu maraysaa meel xaasaasi ah oo sababi karta inay ku wiiqanto talada Xisbigu iyadoo uu khilaaf weyn ka dhex aloosnaa tan iyo markii uu Xisbigu qabsaday Shirweynihiisii Labaad ee Hargeysa oo ay dhamaan ragii ugu cad-cadaa Xisbigu iskaga baxeen markii la isku qabtay Hogaaminta Xisbiga.

Source: Waaheen.com

Login