March 11, 2010
Xusbiga Udub Ha Iska Jiro Xafladaha Dhagareysan ee Gaangistarada Loogu Soo Dhex Qarinayo
Baryahan dembe waxa magaalada Hargeysa ku soo badanayey wax loogu yeedho xaflado. Xafladahaasi badankooda ama magac suugaaneed ha loogu yeedho, ama magac mashruuc ha loogu yeedho waxay noqdeen kuwo dhagareysan oo xusbiga Kulmiye ugu soo gabado madaxda xusbiga talada haya ee Udub si ay karaamadooda wax u yeelaan. Baadhitaano la sameeyey waxa lagu ogaaday in gudoomiyaha xusbiga Kulmiye Axmed Siilaanyo magaalada Hargeysa ka dhex sameeyey kooxo gaangistaro ah. Kooxahaas oo kireysanayaal ah waxa Siilaanyo ugu tala galay in lagu dhex yaaciyo xafladaha si ay ugu qeyliyaan oo karaamada uga qaadaan madaxda xusbiga Udub.
Axmed Siilaanyo iyo kooxdaas la soo kireystay waxa qorshahoodu yahay inay si gaar ah u bartilmaameydsadaan xoghayaha guud ee Xusbiga mudane Jamac Yaasiin iyo gudoomiyaxusbigha ololaha doorashooyinka a mudane Cismaan Hindi.
Sababta Axmed Siilaanyo u bartilmaameedsanayo 2 daas mas`uul waxay tahay isagoo u arka mishiinada uu ku socdo Xusbiga Udub iyo inay yihiin hogaamiyayaal culculus oo khatar ku ah jiritaanka xusbigiisa markay ay timaado doorasho xor ah oo xalaal ah.
Xilka iyo howsha kooxahaasi waa inay arbushaan, ku qeyliyaan, dabagalaan isla markaasna hadidaan masuuliyiinta xusbiga Udub, waxase dhici doonta in arrintu halkaas sii dhaafto oo barrina loo adeegsan doono kharbudaada iyo aragagax galinta dhammaan dadka lagu tuhmo inaanay taageerin siyaasadda qabyaaladeysan ee seef la boodsan ee Kulmiye.
Xisbiga Udub guushiisu waxay ku jirtaa soomaliland oo nabad ah, Kulmiyana somaliland oo nabad la´aan ah. Waana sababtaas sababta mar kasta kulmiye uga dhex qeylinayo magaalooyinka waaweyn si ay caalamka u tusaan in nabadgelyo darro ka jirto somaliland, taas cagsigeeda xusbiga Udubn wuxuu door biday inuu ka gaabsado oo aanu la wadin daandaansiga iyo abaabulada ka dhan ah masuuliyiinta sar sare ee xusbiga iyo dowladaba.
Shirkii jaraaid ee Muj Cali Gurey, waxa ka muuqatay in hadda samirkii iyo dulqaadkii ka soo dhamaanayo masuuliyiinta xusbiga talada haya ee udub, kadib markii arrintii soo gaadhay meel aan laga aamusi karin.
* Axmed Siilaanyo waa u doqoniimo hadduu ku fakaro inuu dhagxaan ku soo tuuro guryo shub ah isagoo ku jira guri wada muraayad ah.
* Axmed Siilaanyo waa u doqoniimo hadduu ku fakaro in uu Hargeysa meel kasta isbaaro dhigto, isaguna ku dhex tamashleeyo.
* Axmed Siilaanyo waa u garaad la´aan hadduu dantiisa u arkay deganaansho la´aan ku timaada Somaliland.
Shirkadii habeenkii dhaweyd tidhi waxaan furayaa mashruuc ma la socotaa ceebihii meeshaas ay ka sameeyeen kooxihii Axmed Siilaanyo soo kireystay mise raali bay ka ahayd oo waa la dhacsantay.
* Ma la socotaan in koox gaangistaris ah oo tiro yar lagu soo dhex daray dadweynihii sharafta lahaa ee martiqaadkiina soo ajiibay si ay ugu qeyliyaan oo karaamada uga qaadaan masuuliyiinta xusbiga Udub uuna ugu horeeyo mudane jaamac Yaasiin.
* Ma la socotaan in Faysal Cali Waraabe dadkii sharafta lahaa ee madasha soo camiray isagoo is qal-qalloocinaya ku yidhi waxaad soo doonateen mobiilo.
* Ma la socotaan in Madaxda Udub ee kooxihii la soo kireystay ku qeylinayeen ay idinka marti idiin ahaayeen oo wixii xumaan meeshaas uga yimid aad mas´uuliyadeeda qaadeys
Ugu dembeyntii mas´uuliyiinta xusbiga Udub waxaanan kula talinayaa inay iska hubiyaan xafladaha dhagareysan ee loogu soo gabanaayo si karaamadiina iyo sharaftiina wax loo yeelo. Kulmiyana waxaan leeyahay dulqaad kastaa xuduud buu leeyahay.
Xusbiga talada haya waxaan leeyahay dulqaadka ha la ogaado oo yaan lala wadin xumaanta reer kulmiye wadaan. Waxaad ogaataan mas´uulliyada dalka oo kulmiye ku jiro idinkay idin saarantay,
Kulmiye waxba kama mas´uul aha kolay ku tahay naftiisa.
Naaleeye Nuur
Email: naaleeye111@hotmail.com

