March 11, 2010

Xisbiga UDUB Oo Xaflad Wayn ku Soo Dhaweeyay Xog. Maaliyada iyo Gud. Waqooyiga Ameerica Ee Xisbiga UCID oo ku Soo Biiray

keyse-small Hargeysa (Harowo) - Xisbiga talada dalka Haya ee UDUB ayaa maanta Xaflad aad u balaadhan si wayna loo soo agaasimay Magaalada Hargeysa ugu qabtay Xoghayihii maaliyadda ee Xisbiga UCID isla markaana ahaa Gudoomiyaha Waqooyiga America u qaabilsanaan jiray xisbiga Mucaaridka ah ee UCID oo dhawaan ka diga rogtay xisbigaas, maantana si rasmi ah u cadeeyay in isaga iyo taageerayaashiisu ay ku biireen Xisbiga UDUB.

Xaflad oo ka qabsoontay Hotel Crown waxa ka soo qayb galay, Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB Md. Jaamac Yaasiin Faarax, Afhayeenka Xisbiga UDUB, Md. Cali Maxamed Yuusuf (Cali guray), Gudomiyaha Kaambaynka ee xisbiga Md. Cismaan C/laahi Cigaal (Hindi), masuuliyiinta sarsare ee xisbiga, Wasiirada Warshadaha, Macdanta iyo Biyaha, wasiir ku xigeeno, taageerayaasha cusub oo aad u tira badnaa.

Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB Md. Jaamac Yaasiin Faarax oo isagu munaasibadaa hadal dheer ka soo jeediyay ayaa sheegay in xisbiga UDUB yahay mid dadka ka dhexeeya, waxa lagu kala horeeyaana ay tahay qof walba sida uu uga shaqaysto, xoghayuhu waxa uu sheegay in Keyse Cali Geedi uu xisbiga ku soo biiray iyadoo gacmo furan lagu soo dhawaynayo.

Xoghayuhu waxa uu Xoghayihii maaliyada ee hore ugu qaabilsanaa xisbiga UCID iyo taageerayaashiisa ku soo dhaweeyay xisbiga waxaanu sheegay in xisbigu yahay mid aan laga lahayn lagana sheegan doonin, isagoo sheegay inuu rajaynayo in Keyse iyo taageerayaashiisu dar dar cusub kula soo biiri doonaan xisbiga.

Afhayeenka Xisbiga UDUB Md. Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo isna ka hadlay xafladaa ayaa ka waramay siyaasada xiligan ee xisbiyada waxaanu si wayn u dhaliilay qaabka xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye u hawl galo oo uu ku tilmaamay mid ku salaysan abuurid xumaan iyo sidii dhibaato u dhici lahayd.

Md. Cali Maxamed Yuusuf [Cali Guray] oo marka hore ka hadlaya sida aanay xisbiyadu qabyaalada u ahayn ayaa tusaale u soo qaatay Keyse Cali Geedi oo uu sheegay in hadii qabyaalada lagu wada shaqaynayo aanu UCID ka soo baxeen. “Waxaan leeyahay siyaasaddeena ka saara qabiilka, maalinba Awrkii dhaansami karayana aynu dhaansano, horena waan u sheegay oo waxaan idhi haddii qaybaalad la isku dooranayo Faysal Cali Waraabe, isagoo gurigiisa joogga ayuu madaxweyne noqon lahaa waxaanu uga tagnay dantii ummadda uun baanu u arkaynaa in aanu Faysal ahayn kii xukumi lahaa ee ma xaasidayno. Keyse Cali Geeddi kamuu yimaadeen haddii qaybaalad lagula joogayo.”

Md. Cali Guray waxa uu sheegay in Xisbigooda UDUB ilaaliyo wada dhaqanka iyo is ixtiraamka ka dhexeeya xisbiyada balse xisbiga Kulmiye si kale u dhaqmayo waxaanu is barbar dhig ku sameeyay wakhtiyadii la soo dhawaynayay gudoomiyaha Kulmiye iyo Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB sidii labada xisbi u kala dhaqmeen oo ahayd kaaf iyo kala dheeri sida ka muuqatay hadalkiisa “Maalintii Axmed Siilaanyo ka yimi Maraykanka xanbaa soo baxday odhanaysa UDUB waxay abaabulaysaa inay wadooyinka xidho si ay u carqaladayso soo dhaweyntiisa.

Hadalkaa dacaayadda ahi saxaafadda qaarkood buu ku soo baxay waanad ogeydeen sida UDUB aanay marnaba carqalad ugu samayn. Anagu mar walba waxaanu ilaalinaa xidhiidhka xisbiyada iyo is-ixtiraamka inoo noqdo mid inoo caado ah, Xoghayaha Guud ee UDUB oo ka yimid gobolada Barri Laascaanood, Caynabo, Burco bari iyo galbeedkeedaba wuu soo maray Hargeysa markii uu ku soo noqonayay waxa loo dhigay shan jidgooyo cidda dhigtay iyo kuwa istaagay maqal iyo muuqaalba waanu ku haynaa.”

Sidoo kale Mr. Cali Guray waxa uu ka hadlay dhacdadii maalintii dhagax tuurka ka dhacday beerta xoriyada iyo furitaankii Somtel oo labadaba kooxo dhalinyaro u badani ku foodhyeen xoghahaya guud ee xisbiga UDUB “20-kii February  munaasibadii lagu qabtay beerta-xoriyada markii dad badan oo soo halgamay hadleen ee uu soo kacay Xoghayaha Guud ee UDUB ciyaal la soo abaabulay oo basas lagu keenay ayaa lagu yidhi ku qeyliya, maalin dhawayd oo la furayey Shirkad Telefoonka ah oo aanan magaceeda karin waxa ka hadlay dad badan markii Xoghayaha guud makarafoonka qaatayna markii hore carruur bay ahayde raggii waaweynaa ayaa oohda ku dhawaaqayay dulqaadkii UDUB-na wuu dhammaaday uma dulqaadan doono inay maalin walba Xoghayahayaga ku qayliyaan.

keyse

Cali Guray waxa uu ka digay in hadii abaabulka xoghayaha guud ee UDUB lagu hayo iyo foodhida la dayn waayo in Gud. Kulmiye Axmed Siilaanyana ixtiraamka la siinayo waayi doono “Mana dhici doonto in Axmed Siilaan-yana Hargeysa tamashleeyo. Xoghayaha Guud ee UDUB-na uu geed uu istaago Hargeysa ka waayo. Waanu kari karaynay in aanu maalintii uu Siilaanyo imanayay Hargeysa, in aanu waddo walba gaadhi ku goyno. Haddii Siilaanyo wax ka qaban waayo waxa xisbigiisa ka socda waxa ku adkaan inuu isaga gudbo waddada u dhaxaysa Gurigiisa illaa xafiiskiisa.”

Xoghayihii Maaliyada ahaana Gudoomiyaha waqooyiga America ee XIsbiga UCID Md. Keyse Cali Geeddi, oo hadal kooban xaflada ka yidhi ayaa ka mahad celiyey sida diiran ee loogu soo dhaweeyay Xisbiga UDUB iyo masuuliyiinta kala duwan ee xaflada soo dhawayntiisa u yimi.

Md. Keyse Cali Geedi waxa hadalkiisi ka mid ahaa “Anigu hadal badad maanta ma odhanayo ee waxaan doonayaa inaan sheego inaan ka mid ahay xisbiga UDUB. Waxaanan UCID uga baxay aniga aragtiyada waxaanay dadka ii taageeraa igula taliyeen inaan ku biiro xisbiga UDUB.”

Wasiirrada Warshadaha, Macdanta iyo Biyaha iyo Wasiir ku xigeenka Cadaaladda Md. Axmed Cali Ubaxle, Md. Cismaan Sh. Cumar iyo Yuusuf Ciise Ducaale (Talaabo) oo iyaguna xafladaa ka hadlay ayaa si wayn uga waramay miisaanka Keyse Cali Geedi leeyahay iyo sida uu uga qayb qaatay horumarinta iyo wax tarka dalka, waxaanay sheegeen inuu xisbiga wax wayn ku soo kordhin doono

xisbiga-udub-1

Harowo Desk, Hargeysa, Somaliland

Login