March 11, 2010

Madaxweyne Sh. Shariif iyo wafdigii uu hoggaaminayey oo xalay lagu qabtay Tiyaatar ku yaalla badhtamaha London.

madaxweyne-sherif-smallQabanqaabada: Xaflad aad loo soo agaasimay ayaa xalay lagu soo dhaweeyey Madaxweynaha xilligan ee Somaliya iyo wafdi uu hoggaaminayey oo dhawaan booqasho ku yimid dalkan Ingiriiska. Waxana xafladdan gacan weyn ka geystay TVga Universal iyo shakhsiyaad ay hagayeen Dawladda Fidiraalka ah ee Somaliya. Dad badanina waxa ay la yaabbanaayeen, sida qarsoodiga ah ee hawshan loo diyaariyey. Waxana dadka badankiisu xafladdan ogaaday maalin amma saacado ka hor intii aan la qaban. Laakiin in ay hawsha u diyaargarowga xafladda Madaxweynaha iyo wafdigiisu muddo socotay, isla markaana kharash badan la geliyey waxa si qaawan masraxa uga sheegay Wasiirka Jahliyadaha oo wafdiga xubin ka ahaa.

Wakhtiga ballanta la qabtay ee madashu furmeysey waxa ay ahayd 5ta galabnimo ee wakhtiga Ingiriiska, dadka badidiisuna waxa ay tegeen xilligii ballantu ahayd ammaba ka hor. Haseyeeshee, Madaxweynaha, xubnaha wafdigiisa iyo qabanqaabiyasha xafladdu waxa ay qorsheeyeen in xafladda la bilaabo salaadda cishaha ka dib. Sidii ayeyna u dhacday, xafladdiina waxa la bilaabay cabbaaro siddeeddii iyo afartan miridh. Xilligaasi oo ay dad badani raagsadeen, dhinaca kale marka laga eegana ay ku faraxsanaayeen madasha la gogley iyo dadka tirada badan ee daafaha Ingiriiska iyo Londonba isaga kala yimid ee ay madashu kulmisay. Isla markaana ay dad badan oo aan muddo dheer is arag ammaba is maqlini ay ku kulmeen xafladdaasi, oo ay si xiiso leh ugu sheekaysteen. Iyada oo laga yaabo in ay qaar kalena kuba ballameen madashaasi. Waxa kale oo Tiyaatarkaa ka socotay hadallo iyo maaweelo dadka lagu sugsiinayey Wafdiga uu Madaxweyne Shariif uu horsocdo.

Ka qaybgalayaashii

Dabcan waxa mudan in aan magacaabo Raage Oomaar oo caan ka ah saxaafadda dunida oo daadihinayey barnaamijka. Waxa isna culayskiisa lahaa Injeer Ahmed Abuurkar, oo hoggaaminayey  ciidanka TVga Universal. Ahmed Naaji oo ku suntan waddaniga koowaad ee u qiirooda dadka Somalida ah ee balaayadu dishootay ayaa isna wacdaro ka muujiyey madashaasi soona bandhigay hees la yaab leh. Faynuustii fanka Faadumo Qaasim ayaa iyana dhankeeda gil-=gishay masrixii.

Anigu kama mid ahayn dadka ka qayb galay xafladdaasi, waanse jeclaa in aan ka qayb galo. Mana lihi, ‘la iguma casuumin oo sidaasi ayaan u tegi waayey’, waayo Tiyaatarka ay xafladdu ka dhacaysey laguma geleyn kaadhadh casuumadeed. Sidoo kale ma lihi, ‘ Somaliland ayaan ka soo jeedaa oo kama qayb geli karo kulan Somalida kale ay UK ku yeelanayso’.  Balse waxan u tegi waayey, oo aan ka biyo diiday sida ay dad gaar ahi ugu xilsaarraayeen hawshan lagu soo dhaweynayey  Wafdiga Somaliiyeed, ee looga qariyey dadka amma loo shaacin waayey. Dad badan oo kalena sidaasi ayey ii sheegeen, oo ay u tegi waayeen. Weliba waxa ay iigu dareen in dadka qaar qabiil ahaan looga soo casuumay waddammo kale, halka kuwa London u qaabilsanaana ay ahaayeen shakhsiyaad dawladda ula shaqeeya si aan toos ahayn. Oo weliba aad ugu xidhan Wasiirka Jahliyadaha dawladda Fidiraalka ah. Laakiin waxa iyana jira dadka qaar oo mabda’ ahaan uga soo horjeeda dawladda Federaalka ah, lagana yaabo in ay la safan yihiin mucaaridka. Sidaasi darteedna aan uga soo qayb gelin.

Iyada oo ay sidaasi jirtay ayaan haddana xafladdaasi  kala socday amma aan ka daawanayey TViga Universal oo si toos ah uga soo gudbinayey madasha kulanka. Waxanan arkayey, dad aad u fara badan oo Tiyaatarka kor iyo hoosba buuxiyey. Muuqaal ahaanna aad u labbisnaa, oo aan qurux mooyee daranyo ka muuqannin. Bulshada madashani ay kulmisayna waxa ay iila muuqdeen kuwo qiiraysan, oo baahi weyni ay ka muuqato. Una harraaddan in ay mar uun la kulmaan dad matalaya dawlad Somaliyeed oo dunidu u xiiso qabto. Habeenkii xalay ayaana ay nasiib u heleen in ay hor fadhiistaan, dhageystaan oo u heesaan Madaxweyne Somaliyeed oo wafdi ballaadhan wata, si fiicanna loogu soo dhaweeyey dalkan Ingiriiska.

Inkasta oo aanu Sheekh Shariif ahayn Madaxweynihii Somaliyeed ee sannaddadan soo booqda dalka Ingiriiska, oo ay ka horreeyeen Madaxweyne Abdillaahi Yuusuf iyo Madaxweyne Daahir Riyaale. Ayaad mooddaa in soo dhaweeyenta Shariifku ay ka geddisan tahay tii Madaxweynayaashaasi hore. Taasina ay ka dhalatay dareenka ay dawladda Ingiriisku maanta u hayso dadka Somalida ah ee dalkan ku nool amma baahida ka muuqata in wax lagala qabto dhibta ka taagan dalkooda.

madaxweyne-sherif

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Shariif waxa uu la kulmay soo dhaweyn qiimo badan, oo aanay u kala hadhin madaxda Ingiriiska ugu sarraysaa. Isaga iyo wafdigiisuna  waxa ay muujiyey sida ay uga go’an tahay in ay u heellan yihiin wada shaqayn ay la yeeshaan dawladda Ingiriiska. Kulannadii ugu horreeyeyna waxa ay dawladda Ingiriisku guddoonsiisay malafyo ay ku qoran yihiin deeq malaayiin lacagta adage e Ingiriiska ah, oo ay ku sheegeen in wax lagaga qabanayo nabadgelyada iyo baahiyaha kale ee aasaasiga ah. Wararkii dhex marayna waxa aad uga faallooday saxaafadda dalkan Ingiriiiska iyo kuwa Somalida. Welina waxa wafdiga u Madaxweyne Shariif hoggaaminayo u socda booqashadii uu ku joogay dalkan Ingiriiska. Dhinaca Somalida dalkan deggenna sidii habeenkii xalay ka dhacday London oo kale ayaa lagu wadaa in ay Birmingham-na caawa ka dhacdo.

Bilowgii Madasha

Sagaalkii fiidnimo mar ay ku dhaweyd ayaa wafdiga madaxiisii soo galay madasha Tiyaatarka,  markii uu soo galay  Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa mar kaliya Tiyaatarkii la isla sara kacay iyda oo la heesayo heestii SOOMAALIYEY TOOSA. Kaddibna waxa magarafoonkii qabsaday Rage Omar oo lagu sharfay xidhiidhinta barnaamajka. Sida xafladaha Somalida u caadiga ahna waxa lagu furay Qur’aan uu akhriyey wiil yar oo Somaliyeed, si fiican ayaanu u akhriyey in aan ku qiyaasay Maqro oo weliba ahayd suuradaha Awalka ee dhaadheer. Kaddinba, waxa hadal ka jeediyey nin ka mid ah raggii abaabulay xafladdan iskuna tilmaamay in uu ku hadlayo codka qurba joogga amma Jahliyadda Somaliyeed ee  Ingiriiska.

Ahmed Naaji oo walwaalaya Cuudkii lagu yiqiinnay iyo koox uu isagu hoggaaminayo ayaa si masraxaysan u soo gashay golihii, waxana ay ka tumeen hees, kaddibna Ahmed Naaji ayaa wiil iyo gabadh yar oo aan ka weyneyn 12 jir ku soo dhaweeyey madashii, waxanay ka akhriyeen gabaygii qiimaha badnaa ee DUGSI MA LEH QABYAALADI WAX AY DUMISO MOOYAANE ee uu tiriyey Abwaankii Timacadde…mashxarad iyo qiiro ayaa Tiyaatarkii cammirtay, sacab kala joogsan la’ ayaana muddo socday. Ahmed Naajina waxa uu dadkii faray oo ku dardaaray in ay carruurtooda baraan Afka Somaliga, oo uu tusaale uga dhigay gabadha iyo wiilka  madasha ka akhriyey gabayga.

Qaybta labaad la soco.

A. Goth

Email: shueebi@hotmail.com

Login