March 11, 2010
Jaab: Waano Ku Socota Dhamaan Reer Awdal Meel Kasta oo ay Joogaanba.
Salaan kaddib, waxan akhristay maqaalka ku soo baxay Harawo.com, ee magaciisu ahaa: Waano Ku Socota Dhamaan Reer Awdal Meel Kasta oo ay Joogaanba. Waxanan ka biyo diiday in dhalliilaha tolkay lagu soo dhigo shabakadda ummadda u dhaxaysa, waxanan u arkaa in ay weedhaha qaar sawir xun ka bixinayaan mujtamaca reer Awdal, Salal amma Gebilay….wiilka da’da yarina waa uu ku deg degey in uu qoraakan soo qoro. fikirka uu maskaxdiisa ka helay may ahayn in uu kula degdego shabakadaha, waxana u habboonayd in uu la tashi ka sameeyo.
Sidoo kale, waxan maamulaha shabakadda( oo saaxiibkay Ahmed ah ) u soo jeedinayaa in uu qoraallada noocan oo kale ah uu aad u akhriyo inta aanu soo qorin. Waayo shabakadda Hararo, waxa maalintii daawata 10,000 oo qof oo dunida dacalladeeda ah, halka ay Jamhuuriya ka daawato 500 oo kaliya maalintii.
Si kastaba ha ahaatee, waxa aan wiilkan qoray maqaalka kula talin lahaa, in aanu mar dambe ku deg degin wax ka sheegidda negetive ka ah ee ummaddiisa….haddii uu wax ka qorana uu wanaaggooda uun ku ekaado. Haddiise ay jirto shakhsiyaad uu dhalliilayaa in uu kuwaa u diro dhalliishooda.
Midda kale reer Awdal guud ahaan meel ay ku nool yihiinba kuma dhaqmaan qabyaalad, ismana qabyaaladeeyaan, dantooda gaar ayaanay u badan yihiin, laakiin fikirad iyo mabda’ way ku kala geddisnaan karaan. Qabiilooyinka kale ee Somalida ayaa lagu sheegi karaa in ay qabiil isku dhibaateeyaan, amma wax ku qaybsadaan.
Markaa dib uga joogso, in aad reer Awdal ku sheegto wax dhalliil ah.
A. Goth
Email: shueebi@hotmail.com
