March 11, 2010
“Haddii Siilaanyo wax ka qaban waayo waxa xisbigiisa ka socda waxa ku adkaan inuu isaga gudbo wadada u dhaxaysa Gurigiisa illaa xafiiskiisa…” Muj Cali Gurey
Xisbiga UDUB, ayaa maanta xaflad ballaadhan ku soo dhaweeyey Keyse Cali Geeddi, oo ka soo baxay xisbiga UCID kuna biiray xisbiga UDUB. Xafladii lagu soo dhaweynayay siyaasiga Keyse Cali Geeddi iyo taageereyaashiisa oo lagu qabtay Huteelka Crown ee magaalada Hargeysa, waxaa ka soo qayb galay Wasiiro, xubno ka tirsan guddida fulinta ee xisbiga UDUB iyo taageereyaasha xisbigaasi. Afhayeenka Xisbiga UDUB Md. Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo ka hadlay xafladaasi wuxuu yidhi:
“Waxaan leeyahay siyaasaddeena ka saarra qabiilka, maalinba Awrkii dhaansami karayana aynu dhaansano, horena waan u sheegay oo waxaan idhi haddii qaybaalad la isku dooranayo Faysal Cali Waraabe, isagoo gurigiisa jooga ayuu madaxweyne noqon lahaa waxaanu uga tagnay dantii ummadda uun baanu u arkaynaa inaanu Faysal ahayn kii xukumi lahaa ee ma xaasidayno. Keyse Cali Geeddi kamuu yimaadeen haddii qaybaalad lagula joogayo.
Maalintii Axmed Siilaanyo ka yimid Maraykanka xanbaa soo baxday odhanaysa UDUB waxay abaabulaysaa inay wadooyinka xidho si ay u carqaladayso soo dhaweyntiisa hadalkaasi dacaayadda ah saxaafadda qaarkood buu ku soo baxay waanad ogeydeen sida UDUB aanay marnaba carqalad ugu samayn. Anagu mar walba waxaanu ilaalinaa xidhiidhka xisbiyada iyo is-ixtiraamka inoo noqdo mid inoo caado ah,” ayuu yidhi Md. Cali Guray waxaanu intaas ku daray “Xoghayaha Guud ee UDUB oo ka yimid gobolada Barri Laascaanood, Caynabo, Burco bari iyo galbeedkeedaba wuu soo maray Hargeysa markii uu ku soo noqonayay waxa loo dhigay shan jidgooyo cidda dhigtay iyo kuwa istaagay maqal iyo muuqaalba waanu ku haynaa.
20-kii Feberwarina munaasibadii lagu qabtay beerta-xoriyada markii dad badani oo soo halgamay hadleen ee uu soo kacay Xoghayaha Guud ee UDUB ciyaal la soo abaabulay oo basas lagu keenay aya lagu yidhi ku qeyliya, maalin dhawayd oo la furey Shirkad Telefoonka ah oo aanan magaceeda karin waxa ka hadlay dad badan markii Xoghayaha guud makarafoonka ka qaatayna markii hore carruur bay ahayde raggii waaweynaa ayaa oohda ku dhawaaqayay dulqaadkii UDUB-na wuu dhammaaday uma dulqaadan doono inay maalin walba Xoghayahayaga ku qayliyaan.
Mana dhici doonto in Axmed Siilaanayana Hargeysa tamashleeyo. Xoghayaha Guud ee UDUB-na basas lagu soo guro caruur yar yar oo kuqaylida. Waanu kari karaynay inaanu maalintii uu Siilaanayo imanayay Hargeysa inaanu waddo walba gaadhi ku goyno. Haddii Siilaanyo wax ka qaban waayo waxa xisbigiisa ka socda waxa ku adkaan inuu iskaga gudbo wadada u dhaxaysa Gurigiisa illaa xafiiskiisa.”

Md. Cali Guray wuxuu sheegay in xisbiyada mucaaridka ah oo uu hore uga tirsanaan jiray ay dhaqan u leeyihiin is-macaashsiis.
“Haddii aanu xafiisyadda UDUB oo dhan shacbiga Somaliland marna ma aqbalayaan in koox yar oo koox diimmeed ahi ay la wareegaan talada dalka Somaliland. Rayaale waxa soo saarayaa waxa weeyaan waxa laga cararayaa balaayo. Kulmiye markii uu soo kaxaystay kooxaha aan sheegayo ayuu la mid noqday Ridii la soo baxday mindidii lagu gawraceyey,” ayuu yidhi Afhayeenku.
Xoghayihii dhaqaalaha ee xisbiga UCID Md. Keyse Cali Geeddi, oo ka hadlay xafladaasi wuxuu si weyn ugu mahad celiyey mas’uuliyiinta xisbiga UDUB ee sidda diiran u soo dhaweeyey, waxaanu yidhi “Anigu hadal baad maanta ma odhanayo ee waxaan doonayaa inaan sheego inaan ka mid ahay xisbiga UDUB. Waxaanan UCID uga baxay aniga aragtiyada waxaanay dadka ii taageeraa igula taliyeen inaan ku biiro xisbiga UDUB.”
Wasiirka Wasaaradda Warshadaha Md. Axmed Cali Ubaxle, oo ka hadlay xafladaasi ayaa soo dhaweeyey Keyse Cali Geeddi.
“Waxaan leeyahay Keysoow waxaad soo gashay xisbul xaakimkii waana xisbi midhihiisii muuqdaan, waanay muuqataa yididiiladu inaynu guul gaadhayno. Dimuqraadiyada ayaa keenaysa in qofku xisbiga uu doonayo ku biiro,” ayuu yidhi Wasiirka Warshaduhu.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cadaalada Md. Yuusuf ciise Ducaale (Talaabo) oo ka hadlay madashaasi ayaa soo dhaweeyey siyaasigan ka soo baxay xisbiga UCID, waxaanu taageerayaasha xisbiga UDUB ugu baaqay in ay u diyaar-garoobaan doorashada madaxtinimada ee fooda inagu soo haysa.
Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB Md. Jaamac Yaasiin Faarax, oo xafladaasi soo gaboogabeeyey ayaa si balaadhan u soo dhaweeyey Keyse Cali Geeddi, waxaanu xusay in xisbiga UDUB aanay ka jirin wax kale sheegasho ah, balse xubnuhu ku kala horeeyaan siday u kala karti badan yihiin.
Waxaanu sheegay in xisbiga UDUB diyaar u yahay doorashada waxaanu u soo jeediyay taageereyaashooda inay guntiga dhiisha iskaga dhigaan.



