March 9, 2010
Waxan La Yaabay 3 Arimood oo Caasimadda SL Ku Soo Kordhay ee Bal Ila Eega
Arimaha layaabka leh ee kusoo kordhay caasimada somaliland!!!!!!! Salaan qaaliya hayga gudoomo dhamaan shacabka sharafta leh ee somaliland gude iyo dibadba. mar labaad waxaan si kalgacal ku dheeryay aan u salaamayaa hadhwanaagnews iyo oodweyne intaas hadaan ka gudbo,waxaan jeclay in maqaaladaydan ay dhadhansadaan dadka aad ugu fiirsada xarakaadka dalka ka jira haday tahay tartanka ganacsiga iyo haday tahay gedgadoonka siyaasada sadexda xisbi qaran. intii aan caasimada hargaysa ku sugnaa waxaan la yaabay oo jirta 3 shay kuwaasoo ah:
1- Abwaan doonaya inuu xisbi gaara u ololeeyo!
2- Nin waligiiba sheekh lagu yaqaanay oo doonaya inuu siyaasi noqdo!
3- Caruur lagu siiyo laaluush inay munaasibadaa madaxdu ka hadlayso ku foodhyaan!
Inkastoo qofkasta ay kasoo maaxdo wixii ku jira Garaadkiisa hadana waxaan la yaabay Abwaan caan ah oo doonaya inuu Xukumadii iyo Xisbiga Talada haya ee UDUB ka dhigo kuwo laajiya oon haba yaraatee aan dalka u dhalan. Abwaankani wuxuu in yar u jiraa inuu noo gabyo sidii Siyaad Bare aynu hilfaha ugu laabnay inagoo adeegsanayna Suugaan iyo Gacan iyo Dacaayad intaba.
Hadaba su’aashu waxay tahay: Maanta Somaliland oo ay maamulayaan rag dalka u dhashay siday kusooroobi kartaa in Abwaan ku dhiiradu inuu is yidhaa u Gabay ama Hees u tiri! mida kale waxkastuu yidhaa ma u dhadhamayaan sidii wakhtigii halganka ee aynu qiiraysnayn!?
Jawaabtu waa maya sidaan u arko ama dadka reer somaliland u arkaan. Hadaba waxa iga talo ah oo iga nasteexo ah in aanay Abwaaniintu ku dhaqmin Qof jeclaysi oonay xisbi soo raacin iyagaanay u dantay oo dee anaguba waanu haynaa kuwo nagu difaaca Aftahannamada Suugaaneed ee ilaahay siiyay halkaasna waxa ka bilaabmi kara Dagaal Suugaaneed laysku weeraro Gabayo iyo Heesaba. Taas intaas hay joogto.
Takaleen la yaabay ayaa ah, iyadoo Culimada somliland ay tahay mid had iyo jeer ka dhawrsata inay siyaasada ku milanto ayaa waxa jira Sheekh iska jecel inuu yimaado Saaxada Siyaasada laakiinse waxbadani aanay u saamaxayn marka la eego halka uu bulshada kaga jiro iyo sida uu ugu caan baxay dhigista ama barashada Diinteena Islaamka ah.
Sheekhan waxa u wanaagsan inuu qaato mabda’a ama mowqifka culimda kale sida Sheekha Wayn,Ilaahaybaa wayne,ee Sh Maxamed SH Cumar Dirir oo la yidha ka waran siyaasada dalka? Wuxuu ku jawaabay kama hadli karo oo waa cilmi la barto aadbaan ula dhacay jawaabta Sheekh Dirir. Taasna intaas ayaan kaga baxay.
Tan u dambaysa ayaa ah wax iska faashila,oo soomalidu waxay tidhaa nin aad taqaan waad la joogtaa waxaan u jeedaa Mucaaridkii ayaa talo isugu geeyay in Munaasibadaa iyo Xafladaa lagu foodhyo madaxda Dawlada iyo Madaxda UDUB nuxurkeeduna waa bal in TV-yada uun laga daawado iyadoo lagu foodhyayo Dawlada si loo moodo in Dawladiiba sii burburayso.
Kamay eegin dhinaca waaqica ee maanta ay ku sugantay Xukumadu iyadoo hirgalisay Tartanka Ganacsiga, iyadoo dhistay Ciidamadii Milatariga iyo Police-ka,Nabad Sugida iyo Wixii soo raacaba. Kamay eegin sida maanta aanay dadkuba u doonayn in doorasho la galo taasna ay gayaysiisay Jahawareerka Siyaasada Kulmiye iyo Ucid.
Waxaan kusoo gunaanadayaa, Adeer Cali Samatarna hadaydin iminka Taageerteen(Kulmiye iyo Ucid) dee anagana noo mahadnaqa ilayn waxaanu nahay kuwa hirgaliyay Dacwadiisa Waa Xukumada jirta iyo madaxdeeda Markaa Wanjalka iyo Sida Waxloo Cambaareeyo cidna nagama taqaane Shacbigaanu ixtiraamaynaa.
Fiiro Gaara: Shaqsi uma jawaabo, Afxumana umada uma horseedo, taasaynu isku ognay Akhristayaal.
SANWAA CUMAR YARE
Gudoomiyaa Gudida Siyaasada
UDUB Qatar oo jooga Hargaysa.
E-Mail Address:muwadin01@hotmail.com
