March 9, 2010
Wasiirka Hawlaha Guud Oo Soo Kormeeray Hawsha Dib u Dhiska Khasaarihii Roobabka Ee Jidka Isku Xidha Sheekh iyo Berbera.
Berbera, (Harowo)- Wasiirka Wasaarada Hawlaha guud iyo guryaynta Somaliland Md. Siciid Sulub Maxamed ayaa Maanta kormeer ku soo maray wadada isku xidha Magaalada Berbera iyo Degmada Sheekh oo wasaaradiisu ka wado hawl dib u hagaajin iyo nadiifin ah, taas oo ka danbaysay waxyeelo Roobabku u gaysteen. Wasiirka Hawlaha guud Md. Sulu boo ay weheliyaan masuuliyiinta heer Gobol iyo heer degmo ee Gobolka Saaxil waxa uu soo indha indheeyay…
goobo dib u dhis ay ka wado wasaarada Hawlaha guud, kuwaas oo ka mid ah meelihii daadadku gooyeen jidkaas, sidoo kale dariiqa buurta sheikh waxa ka socda hawl gal lagu nadiifinayo oo cagaf cagafyo kaga xaadhayaan dhagxaanta ka soo daatay buurta.
Sida wararku sheegeen wasiirku waxa uu kormeerkiisan ku soo maray meelo ka mid ah wadadaas oo daa’dadku waxyeelo u gaysteen, isagoo indhihiisa ku soo arkay buundooyin awdmay iyo kuwo khasaare soo gaadhay, ugu horayn wasiirka waxa baaxada dhibaatada uga waramay Mayerka Degmada Sheekh Cabdi Cartan, Xaaji Abokor waxaanu warbixintiisa ku xusay in Dowga (jidka Buurta Sheekh) inta aanu roobabku Curanin (di’in) laga sii shaqayn jiray balse doorkan iyadoo aan howshaasi qabsoomin ay Roobabku bilowdeen taasina ay keentay.
Waxa Mayerka Degmada Sheekh Sheegay in jidka ay xidheen dhadhaabta iyo dhoobada daadadka roobku buurta kaga soo rogaan waqtiyada roobabku helaan Buurta ay dhexmarto wadadu, gudoomiye k/xigeenka degmadu sheikh waxa uu ka codsaday Wasiirka in wasaaradu ka howl gasho dib usoo noolaynta nidaamkii Awal hore lagaga shaqayn jiray jidka Buurta loona joogtayn lahaa, waxanan ku talo jirna ayuu yidhi in maalmaha jimcaha oo kale sidii caadada ahayd in ay nagala hawlgalaan ardayda dugsiga sare ee sheikh wax ka barata wax tar badana way leedahay in iskla wax u qabso lagu shaqeeyo.
Wasiirka Howlaha Guud oo weli ku guda jira safar howleedka uu ku joogo gobolka ayaa waxa uu isla maanta soo kormeer xarumaha laamaha wasaaradaha Deegaanka iyo horumarinta reer miyiga, beeraha iyo xafiisyadii Wasaarada howlaha guud ay ku lahayd Magaalada Berbera oo iyaga ay weli ku jiraan Dad shacbi ah, Wasiirka ayaa kormeerkiinsan ay ku wehelinayeen Maayirka Berbera Md. Cabdale Maxamed Cali (Sandheere) iyo Gudoomiye ku xigeenka gobolka Saaxil Md. Maxamed Muuse Cabdale (Soobe).

Harowo Desk , Hargeysa, Somaliland
