March 9, 2010
Wasaaradda Arimaha Qoyska Oo Xaflad Balaadhan u Qabatay Xuska Maalinta Haweenka Aduunka Ee 8-March.
Hargeysa (Harowo) - Xuska Maalinta Haween Waynaha dunida ayaa maanta si balaadhan looga xusay guud ahaan Somaliland, gaar ahaan magaalada Hargeysa oo lagu qabtay xaflad aad u balaadhan oo ka dhacday Beerta Xoriyada ee Magaalada Hargeysa. Xaflad xuska Maalinta haweenka Dunida ee 8-da March 8, 2010 oo ay soo qaban qaabisay wasaarada qoyska iyo horumarinta bulshadda, ayaa kooxo haween ah oo si qurux badan u labisan oo ay hor kacayaan kooxda Musikada ee ciidamada Boolisku waxa ay saaka subaxnimadii socod ku soo mareen jidka way nee badhtamaha magaalada iyagoo ugu danbayntii ku xerooday beerta Xoriyada.
Gudaha beerta xoriyada oo ay ku sugnaayeen, masuuliyiin kala duwan oo ka socday xukuumada ayna hor kacaysay wasiiradda arimaha qoyska iyo horumarinta Bulshada Marwo Faadumo Suudi, oo ay waheliyaan wasiirka ciyaaraha, Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha qaranka, gudoomiyaha hay’adda xuquuqal insaanka qaranka, xoghayaha guud ee xisbiga UDUB, masuuliyiin ka kala socday hay’addaha caalamiga ah, ururada bulshada iyo dadweyne aad u tira badan.
Wasiirka wasaarada arimaha qoyska iyo horumarinta bulshada Marwo Faadumo Suudi oo hadalkii Munaasibada iyadu halkaa ka jeedisay ayaa ka warantay doorka haweenku ku leeyihiin horumarinta bulshada iyo guud ahaan mushtamaca, wasiirku waxay ka hadashay sida loogu baahan yahay in haweenka laga taageero sidii noloshooda kor loogu qaadi lahaa iyaguna ka tashadaan.
Wasiirka arimaha qoyska iyo horumarinta bulshada Somaliland Marwo Faadumo Suudi waxay guud ahaan haweenka Somaliland ku boorisay inay ku dedaalaan sidii ay aqoon u korodhsan lahaayeen si ay ula talaabsadaan ragga, waxaanay cadaysay in dib u dhaca iyo in haweenku door muuqda ay ku yeelan waayaan goobaha shaqada ay ugu wacan tahay aqoon la’aan, sababteeduna tahay mid dhinacyo badan kaga timid.

Wasiirka arimaha qoyska oo ka hadlaysay sida haween shaqada iyo mansabyada sare ugula tartami karaan ragga ayaa sheegtay inay tahay waxbarasho fiican oo ay helaan, “Waxa iska jirta in haweenku ku yar yihiin goobaha shaqada waxaana taa ugu wacan waxbarasho la’aantooda, oo ka dhalatay waalidka oo aan iskuulka gayn iyo arimo kale, waxaan kula talinayaa bulshada in hablaha wax la baro si ay noloshooda meel fiican u gaadhsiiyaan.” Sidaa waxa tidhi Wasiiradda arimaha qoyska iyo horumarinta bulshada Marwo Faadumo Suudi Xassan oo ka hadlaysay xafladii maalinta haweenka dunida ee maanta lagu qabtay magaalada Hargeysa.
Ugu danbayntii waxay wasiiraddu hambalyo u dirtay dhamaan haweenka Somaliland munaasibada maalinta haweenka dunida ee 8-Mars awgeed.
Wasiirka wasaarada Ciyaaraha iyo dhalinyarada Somaliland Md. Maxamuud Siciid Muxumed oo isna munaasibadaa ka hadlay ayaa ka waramay doorka haweenku ku leeyihiin bulshada iyo sida loogu baahan yahay in horumarkooda laga qayb qaato waxaanu munaasibada maalinta haweenka dhamaan u hambalyeeyay haweenka Somaliland meel kastoo ay joogaan.
Gudoomiyaha Hay’adda Xuquuqal insaanka qaranka Somaliland Md. Maxamed Yuusuf oo isna halkaa ka hadlay ayaa haweenka ugu hambalyeeyay Maalinta ciidooda ee 8-March, waxaanu gudoomiyuhu ka hadlay sida loogu baahan yahay in la dhawro xuquuqda haweenka, isagoo si wayn ugu dheeraaday xuquuqda balaadhan ee diinteena Islaamku siisay haweenka.
Xoghayaha guud ee Xisbiga UDUB Md. Jaamac Yaasiin oo isna munaasibadaa ka hadlay ayaa sheegay in qiimaha haweenku leeyihiin tahay wax aan cidina dafiri Karin, isagoo sheegay in Xisbi ahaan iyo xukuumad ahaanba ay siiyeen, ahmiyadooda sidaa daraadeedna ay ka mid yihiin xukumada iyo xisbigaba, doorashada dhawaan dalka ka dhici doontana ay ku rajo wayn yihiin inay door intaa ka badan siiyaan haweenka.
Guud ahaan xafladan lagu xusayay maalinta haweenka dunidda ee 8-Mar-10 ayaa ahayd mid u dhacday si aad u qurux badan kuna dhamaatay jawi dagan, waxaana dadka aad u soo jiitay ciyaaro dhaqameedyo aad u qurux badan oo haweenkii kala duwanaa ee xaflada ka soo qaby galay xaflada ku soo bandhigeen, kuwaas oo bilicda ugu ballaadhana ay u yeeshay dirayska quruxda badnaa ee ay ku labisnaayeen oo ahaa dharka hidaha iyo dhaqanka ee lagu yaqaano haweenka dalkeena.




Harowo Desk Hargeysa Somaliland

