March 9, 2010

Taxanaha Taariikhda Ugaasyadii Beelaha Samaroon: Ugaas Cabdi Ugaas Cali Iyo Ugaas Xuseen Ugaas Cabdi

Waxaan halkan ku soo bandhigaynaa taxane taariikhiidii Ugaasyada Gadabuursiga, waxaan ka soo guurnay Buugii uu qoray Sheekh Cabdulraxmaan Sheekh Nuur Cabdullaahi. Waxaan maanta soo gubinaynaa taariikhdii Laba ugaas ee kal ah Ugaas Cabdi iyo Ugaas Xuseen

2-UGAAS CABDI: Markuu dhintay Ugaas Cali waxaa la boqray Ugaas Cabdi Ugaas Cali oo ahaa wiilkii uu ku curtay Ugaas Cali. Ugaas Cabdi waxa uu ku dhashay Qabri-Baxar (Dur-Dur Cad) sanadkii 1609 Miilaadiga. Hooyadiina waxa la odhan jirey Xabiiba Sheekh Suleebaan.

Ugaas Cabdi waxa lagu caleema saaray ceelkii BAGI, kolkuu sanadu ahayd 1639 miilaadiga. Ugaas Cabdi Ugaas Cali wuxuuna ahaa nin aad daacad u ah oo diinta Islaamka aad u jecel, goor walbana quraanka akhriya aad ayuuna u yaqaanay luqada Carabiga.wuxuuna ahaa nin leh qurux iyo haybad aad u fara badan. Taariikhda aad ka u kooban ee laga hayo Ugaas Cabdi waxaa ka mid ah in u ahaa nin aan sidaa u dheerayn oo ah meel dhexaad, wuxuuna lahaa gadh wayn.

Ugaas Cabdi intii uu noola wuxuu la kulmay dhib badan oo soo gaadhay Gadabuursiga, dhibaatooyinkaa waxaa ka mid ahaa in ay dhaceen mudadii uu hayay Ugaasnimada abaar si xun u naafeeyay guud ahaan Somalida inteeda badan, waxaana si gaar u naafeeyeen Gadabuursiga. Waxaa kale oo jirtay in muddadaa ay soo martay Gadabuursiga colaado is daba joog ah oo lagu soo qaadayay, colaadahaa oo kaga imanayay dhinaca Gaalaha (Oromada).

Ugaas cabdi taariikhdiisii wax sidaa u badan laga ma hayo. Waxaa uu Ugaas Cabdi dhintay sanadku markuu ahaa 1664 Miilaadiga waxana uu ku aasan yahay Arraabi (Dooxada Harawe).

3-   UGAAS XUSEEN :

Markuu geeriyooday Ugaas Cabdi Ugaas Cali  waxaa boqornimadii qaaday wiilkii uu dhalay Ugaas Cabdi, magaciisuna ahaa Ugaas Xuseen Ugaas Cabdi oo ku magac dheeraa Ugaas Ugaadh, waxa uu ku dhashay Ugaas Xuseen Gaarisa, hooyadiina waxa la odhan jiray Caasha Cali.

Siday taariikhdu sheegtay Ugaas Xuseen ma dhamaysan Ugaasnimada. Sobabta kaliftay in uu Ugaas Xuseen la kulmi waayay Ugaasnimadiisii waxaan ku sheegi doona maqaalkan.

Wuxuuna boqornida qaaday markuu sanadku ahaa 1664 Miilaadiga wuxuuna ahaa nin aad u dheer oo aad u xoog weyn. Waxaa kale oo la sheegay in uu ahaa nin aad u dabeecad adag oo aan lahayn wax naxiirs ah, xaga akhlaaqda iyo xaga dad la socodkaba aad uga aradan, wax uu ah nin kali socod ah. Ugaas Xuseen waxaa uu jeclaa fardo fuulka, waxaana la arki jiray malintii inteeda badan isga oo saaran gaar ahaan galabtii farskiisa. Waxaa kale uu Ugaas Xuseen ahaa nin aad u jecel cunfiga iyo dagaalka, waxaa kale oo la sheegay in uu ahaa nin aan haba yaraate aan jirin wax uu ka baqo. Taladiisuna waxay ahayd mid ah jar iska xoor. Sida la ogyahay waxay u bixiyeen Gadabuursigii naaneesta ah Ugaas Ugaadh.

Gaalaha (Oromada) oo sidaa hore u soo sheegnay dhib aad u badan soo gaadhsiiya Gadabuusiga cahdigii Ugaas Cabdi. Markuu caruurta uu ahaa Ugaas Xuseen wax uu ku ababbay dagaaladii lagu hayay Abihii Ugaas Cabdi, isaga oo tii xasuusan iyo dagaal jecel uu u dhashay waxaa uu go’aan ku gaadhay kaligii in uu soo aar gudo Abihii, si deg deg ahna uu weerar ugu qaado dagaankii uu xukumaayay boqorkii Gaalaha (Oramadu) ee ku magac dheera AALA-BOORE.

Waxa uu Ugaas Xuseen soo hor dhigay dagaalkii uu damacsanaa majliskii Gadabuursiga ee ka koobnaa boqolka Oday iyo Dhadhaaradii, isagoo ka codsaday in ay ciidan u diyaariyaan si deg deg ah. Markii la rog rogay arrinkii uu Ugaas Xuseen watay waxay go’aansadeen boqolka Oday iyo Dhadhaaradii in aan la qaadi karin wax dagaal ah wakhtigan la joogo. Waxayna u arkayeen dagaalkaas in uu yahay mid aan la awoodin. Waxana ku sobabeeyeen taladan ay gaadheen in aan la hayn waxa difaac ah iyo awood lagu galo weerar, waxana ku taliyeen in loo hub urursado intii muda ah dagaalkaa. Taas waxay ku abuurtay Ugaas Xuseen cadho aad u badan.

Ugaas Xuseen dabeecadiisii qalafsanayd daraadeed wuxuu go’aan ku gaadhay in uu iskaga tago Gadabuursiga dhamaantii oo uu is haleeyo. Waxaa caado u ahayd Ugaas Xuseen in uu faraskiisa Bulaale uu eryado galab oo dhan,  oo uu maalamaha qaarkood aad uga fogaan jiray beesha, waxaana uu soo noqon jiray marka habeen galo, mana jeclayn in ay ilaalo raacdo marka uu farsaka korsan yahay .

Galab gaaban ayuu siday caadada u ahayd inta uu fuulay faraskiisii Bulaale u baxay dhinacaa bari, galbtaa waxaa dhacady in aan dib loo arag Ugaas Xuseen meel uu jaan iyo cidhib dhigay.

Waxaase loo malaynayaa inuu u tagay Reer Abtigii oo ahaa Habar-Awal (Sacad-Muuse). Sanadkii 1665 ayaa ahaa markii la waayay Ugaas Xuseen.

Mahdi Qaadi  - Ohio, USA

Email: mahdiqadi@hotmail.com

Login