March 9, 2010

Suldaanka guud ee Bahabar Celi Suldaan Muuse Cilmi Dugsiye oo Sheegay In Laga Been Abuurtay

suldanka-guud-ee-bahabarceli-small Boorama (Harowo) - Suldaanka Guud ee Beelaha Bahab-Celi Suldaan Muuse Cilmi Dugsiye oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Boorame ee xarunta Gobolka Awdal ayaa si weyn ugu gacan saydhay maqaal Dhawaan lagu sheegay inuu ku saxeexan yahay oo laga been abuuray, kaas oo lagu faafiyay qaar ka mid ah warbaahinta gaar ahaan kuwa online-ka ah. Suldaanku waxa uu saxaafada u sheegay in ragaas ka been abuurtey Suldaanku ay yihiin kuwo  jecel burburka Beesha  Babaharceli (Maxad-Case) iyo kala qaybinteeda.

Suldaanka ayaa Maqaalkaa uu sheegay in saxeexiisa iyo magaciisa lagaga been abuurtay sheegay in si badheedh ah loogu aflagaadeeyey laba  nin oo la kala yidhaahdo Maxamed Cumar Warsame iyo Ina Ciye dharaar oo ah waxgaradka beesha Bahabarceli waxa ay galabsadeen oo lagu caayanaayna aanay jirin, hasa yeeshee ay diideen inay taageeraan xisbiga Kulmiye.

Suldaanka oo Hadaba arimahaas ka hadlaya ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waan hayaa waraqdii beenta ahayd ee tageerayaasha xisbiga Kulmiye ay afka gacanta iska galiyeen isla markaana ay k usaxeexeen magacayga .. Waa Been abuur aan waxba ka jirin ..waana wax laga xishoodo in been cad oo aan geedna loogu gaban oo lagu saxeexay magacayga lagula kaco labadaa nin.”

Suldaanka oo ujeedada ka danbaysa been abuurada iyo danta laga lahaa maqaalkaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Ragaas waxan qorey  waa kuwo u badheedhay kala qaybinta beelaha Samaroon gaar ahaan Beesha Bahabar-Celi oo ay u haystaan Beel xero ugu oodan oo aan aayahooda ka tashan karin. Cidwabla oo ka rayi duwan ama aan xisbiga Kulmiye tageersanayn oo beesha ah waxay u sameeyaan ceebo aan sal iyo raadtoona lahayn maahana niman waxba ka xishooda ama xilkas ah. Waxay mar walba aflagaado iyo xagxagasho kula kacaan aqoonyahanka Beesha ee rayigooda Khaldan diidan waxayna isku dayaan inay waxgaradka Beesha  ceebo aan sal iyo raadtoona lahayn u alifaan.”

Suldaanka Guud ee Beesha Bahabar Celi oo wajigiisa xanaaq badani ka muuqday ayaa  saxaafada gobolka Awdal u sheegay in marka laga been abuurtey magaciisa si ragaas loo aflagaadeeyo uu safar  ugu maqnaa magaalada Saylac oo uu ka qaybgaleyey Caleemo Saarka Ugaaska Beesha Ciise isla markaana aanu wax shaqo ah ku lahayn waraaqda magaciisa lagu saxeexay ee tageerayaasha Cabdiraxman Saylici ay ku aflagaadayeen Mudane Maxamed Cumar Warsame iyo Ina Ciye Dharaar oo labuda ka mid waxgaradka beesha bahabarceli ee sida cad u qaadacay inay tageeraan Cabdiraxman Saylici.

Suldaanka Guud ee Beelaha Bahab-Celi Suldaan Muuse Cilmi Dugsiye

Suldaanka Guud ee Beelaha Bahab-Celi Suldaan Muuse Cilmi Dugsiye

Labadan Muwadin ayaa hada ka hor saxaafad gobolka Awdal waxay u sheegeen inay Beesha Bahabarceli ay shirweyn isugu timi magaalada Xariirad shirkaas oo si aan kala hadh lahayn beeshu ugu tageertey xisbiga talada Haya ee UDUB.

Shirkaa Beesha Bahabaceli isugu timi bishii labaad ee inaga tagtey ayaa waxa uu gogol xaadh u ahaa shirweyne balaadhan oo beeshu ku balansan tahay isla magaalaa Xariirad si ay  cod isku mida uga soo saarto mawqifkeeda ku wajahan tageerada xisbiga ay danta beeshu ku jirto .Suldaanka Guud ee Beesha BahabCeli Suldaan Muuse Cilmi Dugsiiye ayaa sidoo kale sheegay in shirweynaha beeshu u dhici doono dhawaan isla markaana qabanqaabada shirku uu si fiican u socdo.

Hadalkan uu saxaafada u jeediyey Suldaanka Guud ee Beesha Bahabarceli Suldaan Muuse Cilmi Dugsiye ayaa dhirbaaxo weyn ku noqon doona ragii suldaanka ka beer abuurtey magaciisa si ay dadyow kale ugu aflagaadeeyaan ama sharafta kaga xayuubiyaan.

Dadkan waxan qoraayi waa kuwo aan  marnaba ka xishoon been abuur iyo kala fogayn aan dhamaan tanina waxay maanta keentey in xataa Suldaankii dhanaa ee Beesha Bahabceli oo ah beesha uu kasoo jeedo Cabdiraxman Saylici ay la dulkoraan been abuur aflagaado aan geedna loogu soo gaban.

Suldaanka Guud ee Beesha Bahabarceli  Suldaan Muuse Cilmi Dugsiye ayaa ragan ku tilmaanay kuwo marin habowsan, aan xilkas ahayn isla markaana ka dhacsan anshaxa iyo dhaqanka soyaal ee Beelaha Samaroon gaar ahaan Beesha Bahabarceli oo uu sheegay Beel balaadhan oo inta tariikhda la ogyahay ka shaqayn jirtey midnimada iyo wadatashiga beelaha Walaalaha ah ee Samaroon. isagoo hadalaayana waxa uu yidhi” Waa inamo yaryar oo u baahan in tariikhda dib loo baro ma garanayaan waxa  barta internetka lagu faafiyo iyo waxa afka la iska yidhaa. Hadii ay laba nin ku kacsan yihiin waxay ahayd inay telefoon kula soo hadlaan waxay ka tabanayaana u sheegaan maahase inay barta internetka u adeegsadaan borobogaando sharafta lagaga xayuubinayo niman dhali kara isla markaana ugu toosan Adeer iyo Awoow. ”

Suldaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu ku yidhi” Marnaba ma dhici karto in raga nuucan ah laga joojiyo balada ay barteen ee internetka oo keentey jahawareer joogto ah inay ku ridaan waxgaradka Beesha Bahabarceli ee kala duwan- .. Marnaba arki maysid ragan iga been abuurtey oo hal mar oo kaliya ka hadlaya dhibaatooyinka abaaraha dadkoodii ku habsatey kaliya waxay adeer ku indho beleen siyaasad iyaga ka da weyn oo aanay fahansanayn. .. Ceebta ay labadan nin saareena maaha mid na qabata si wadajir ah ayaan uga hortagaynaa wixii dadka kala eryaya sida ragan oo kalena waa in dhinac kaliya loogaga soo wada jeestaa.

Ugu danbayntii Suldaanku waxa uu hambalyo diiran u direy Ugaaska Beelaha Samaroon Ugaas Cabdirashid Ugaas Rooble Ugaas Doodi “Aad ayaanu ugu faraxnay Ugaaska Beelaha Samaroon aadna waxaanu ugu soo dhaweynaynaa dhulkiisa hooyo inuu yimaado in mudo ahna waanu sugaynay ” Suldaanka ayaa waxa kale oo uu baaq weyn usoo jeediyey Hay’adaha samafalka iyo kuwa dawliga ahiba inay tageero degdega la gaadhaan dadyowga daadadku waxyeelada u geysteen ee degaanada Rugi iyo Baki.

Xigasho Wargeyska Maalmaha Oo Ka soo Baxa Magaalada Hargeysa Ee Xarunta Somaliland

Login