March 9, 2010
Kulan Dhexmaray Safirrka Somaliland ee France Iyo Wasaaradda Arimaha Dibedda ee France
Paris - Maanta oo ay taarikhdu ahyd 09.03.2010 ayaa Safiirka somaliland ee dalka France Mr Cali Ismaaciill Xasan iyo wakiilku xigeenka Mr Maxamed Cabdi Aden waxa uu kulan ku dhexmarey wasaarada arimaha dibada masuuliyiin sar sare oo kamida The direction of Africa and Indian Ocean.
Waxeyna kawada hadleen xalaada geeska Africa iyo gaar ahaan Jamhuuriyda Somaliland iyo dabcan xidhiidhka ka dhaxeeya labada dal, waxa kaloo leys la soo hadal qaadey sidii ay uga qabsoomi laheyd doorasho xor oo xalaala , ugana dhacda si ay ku jirto nabad galyo buuxda.
Kulan kan maanta ka dhacey wasaarada arimaha dibada oo ah kii labaad ee ku dhex mara Xafiiska Somaliland iyo wasaarada tan iyo bilowgii sanadkan cusub ee 2010 ayaa wax uu hormood ka yahey xidhiidhka joogtada ah oo la isu gudbiyo kolba halka ay marayaan wada shaqeynta labada wadan.
Mr. Cali Ismaaciil Xasan
Safiirka Somaliland ee France

