March 8, 2010

Waano Ku Socota Dhamaan Reer Awdal Meel Kasta oo ay Joogaanba

Maanta oo ay taariikhdu tahay May 09, 2010 maalin Salaaca ah waxan jeclahay inaan halkan u mariyo dhamaan beesha Samaroon ee degan Gobolada Awdal, Salal iyo Gebilay waano dhaxal gal ah oo aan is leehay maanta aad baa loogu baahan yahay, ka dib markaan baadhitaano fara badan ku sameeyey taariikhda iyo hab nololeedka beesha.

Markaynu runta isku sheegno waxan maraynaa marxalad markaad dhinac ka eegtana wanaagsan, markaad dhanka eegtana aad u hoosaysa, haddii aan soo qaato marxkada koowaad maanta waxaynu nahay sumcad ahaan iyo taariikh ahaanba meel wanaagsan oo run ahaantii taariikhdu dhigayso, laakiin markaad ka eegto dhinaca labaad oo ah horumarka iyo habdhaqanka beeshu ma fiicna waayo waxa inala daadagtay qabyaalad aan odhan karo waxay maraysaa meeshii ugu hoosaysay.

Run ahaantii qabyaaladdu waa wax Eebe (SW) qu’aankiisa ku sheegay macna ahaana haddii aan soo qaadano wuxu yidhi Eebe (SW)  “Waxan idinka bauuray lab iyo dhedig, waxanan idinka yeelnay shacbiyaal iyo qabiilooyin, si aad iskugu gartaan, kiina iigu karaamada badan iigu sharafta badan, agtayda laga jecel yahay waa kii ka baqe Alle awaamirtiisana fuliya”.

Gabayaagii caanka ahaa ee Suldaan Timacadena wuxuu yidhi “ Dugsi ma leh Qabyaaladi waxay dumiso mooyaane”. Walaalayaal haddii aan u daadego dulucda maqaalkaygan waanada ah qabyaaladdu waxay inla amaraysaa halkii ugu hoosayasay mr haddii aan leenahay haddii aan horumarkaasi reer hebel ka muuqan la samayn maayo.

Haddii aan tusaale soo qaato waxan arkay arrin la yaab leh waana wax jira gudaha iyo dibadaba masalan haddii ay kulmaan toban (10) inan oo Samaroon ah, kana sheekaysataan sideen horumar u samaynaa saddexda qolo een ka koobanahay haddii uu dhinac u bato tobankaasi labaddii kale ayaa diidaya waxayna odhanayaan arrinkani waxa wata reer hebel (Tusaale Mahadcase, Makaahiil iyo Habrcafaan) sidaasi ayaanu qorshihii ku burburayaa.

Sidaa darteed waxan soo jeedin lahaa inaan arrinkaasi ka waantowno oo aan u soo jeesano hourmarka iyo aaya ka tashiga beesha waxanan odhan lahaa aan siku nimaadno oo hogaan ina mideeya aaan samaysano, islamarkaana aan soo cehsano taariikhdii iyo milgihii uu lahaan jiray gobolka Awdal.

eng-qalib

Eng: Maxamed Sh Daahir Qaalib

Hargeysa Somaliland

Email: qaalib55@hotmail.com

Login