March 7, 2010
Wasiirka Duulista Oo Madaarka Berbera Ku Sii Sagootiyay Wafdigii Shiinaha Ee Somaliland Boqashada Ku Yimi.
Berbera (Harowo) - Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawda Iyo gaadiidka Cirka Somaliland Md. Cali Maxamed (Waran-cadde) ayaa maanta garoonka diyaaraduhu ka hadaan ee magaalada Berbera ku sagootiyay Weftigii Balaadhnaa ee ka socday dalka Shiinaha oo mudo socdaal shaqo ku joogay Somaliland. Wasiirka Oo Markii Wafdiga uu Diyaarada Saaray ee dalka ay ka dhoofeen saxaafada Kula Hadlay Madaarka Magaalada Berbera ayaa ka waramay ujeedada wafdigaasi dalka u yimi, meelihii ay mareen, siday u arkeen xaalada guud ee dalka iyo natiijada uu ka filayo inay ka soo baxdo.
Waxaana isagoo arimahaa ka hadlaya uu yidhi Wasiirka Duulistu “Waxaan halkan ka dhofinay wefti baladhan oo Shiinaha ahaa oo ay imaanshihiisa ka danbaysay safaradii hore ee anu ku tagnay Shiinaha Aniga iyo Maayarka Hargeisa, waxananu filayna hadii Illahay yidhaahdo isu soo dhawaansho laba dal ah iyo wax wada qabsi balaadhan ayaanu ku heeshinay dalkana way wada mareen waxanay tijaabo ka qadayeen dhinaca badaha iyo macaamilkooda ama kalamuumaysiga iyo dekeda xaga baayac mushtariga macdanta dhamaanba inay nagala qayb qaatan ayaanay balan qaadeen.”
Wasiirku waxa uu ka waramay in Shiinuhu yahay xiligan dalka ugu horeeya ee Maalgashiga ku sameeya Africa, Somaliland ay aad u danaynayaan oo rajaynayaa inay noqoto albaabka Africa Shiinuhu ka soo galo “Run ahaanti Shiinuhu waxay ka mid tahay ama ay ugu horaysaa Wadamada iminka Afrika aad u jecel inay wax la qabsaadan , wadamo badan oo afrikaan ahina way la qabsadeen anaguna iminka ayaanu la qabsanaynaa oo aad ayay u danaynayaan in Somaliland noqoto waqtigan wadanka ugu horeya ee Afrikaan ah ee u qorshaysan aynu nahay taas oo ay u arkaan in ay Somaliland tahay Albaabkii ay ka geli lahaayeen geeska afrika.” Wasiirka Duulistu.
Wasiirka oo Su’aal laga waydiiyay, in Socdaalada iyo xidhiidh Somaliland la yeelato Shiinaha inay carqalad ku keeni karto Xidhiidhka Somaliland iyo wadamada Maraykanka iyo Ingiriiska oo ka soo hor jeeda xidhiidh Africa iyo Chine dhex maray? Ayaa kaga jawaabay.
“Horta inagu waxaynu nahay Wadan madax banan oo cida aynu wax la qabsanaynana xor baynu u nahay gaal iyo Islaamba cidii wax qabanaysa waynu soo dhaweynaynaa cid aynu ogolaansho uga qaadanaynaana majirto”.
Wasiirka oo la waydiiyay in wafdigani ka socdo dawlada Shiinaha oo uu Matalayay iyo Inuu yahay Mid dad caadiya oo Ganacsato iyo shirkado ka socda ayaa kaga jawaabay.
“Horta sida aynu ognahay China waa dal isku wada xidhan dad iyo dawlad ba waftigana waxa u aha mid dawlada China ka socday waxa uu u socdayna waa inaga kor ku soo xusnay markaa waa wafdi dawlada Shiinaha socdaalkooda ku Matalayay.” Ayuu yidhi Wasiirka Duulista Hawda iyo Gaadiidka Cirka ee Somaliland Md. Cali Maxamed (Waran-cadde) oo ka Jawaabayay Su’aal laga waydiiyay wafdi balaadhan oo ka socday dalka Shiinaha oo Somaliland Booqasho ku yimi mudo todobaad ahna ku sugnaa.

Harowo Desk, Hargeysa, Somaliland
