March 7, 2010

Waar Sida Bayacmushtarigayagu Aanu u Tartamayno ee Sharafta Leh, Qoladiinan Xisbiyaduna u Tartama, oo Cayda iyo Yooyotanka Iska Daaya. Gud. Shirkada Dahabshiil.

dahabshiil-small Hargeysa  (Harowo) - Gudoomiyaha Shirkada Xawaalada Dahabshiil Md. Maxamed Siciid Ducaale (Dahabshiil) oo maanta hadal kooban ka jeediyay xaflad aad u balaadhan oo xadhiga lagaga jarayay hawl galida iyo adeegyada casriga ah ee Shirkada Somtel ayaa Sheegay in Shirkada isgaadhsiinta ee Somtel, u hawl gali doonto horumarinta dalka iyo dadka, tixgalina siin doonaan shirkadaha dhigooda ah, oo ay si la mid ah sida ay macaash u doonayay ay ula jecel yihiin in iyaguna macashaan.

Gudoomiyaha oo si faahfaahsan uga hadlay dedaalka iyo horumarka Shirkada Dahabshiil ku talaabsatay iyo sida ay dunida uga soo mudhay, Gudoomiyaha Dahabshiil waxa uu Xisbiyada Qaranka Somaliland ugu baaqay inay tartankooda ka dhigaan, mid bilaa turxaan ah, oo ka madhan cay iyo yooyotan, isagoo tusaalana ugu soo qaatay in sida shirkadaha ganacsiga oo kale ay u tartamaan, waxaanu gudoomiyuhu sheegay in sadexda Xisbiba uu taageersan yahay, waxa dalku ku dhisan yahayna ay yihiin, hoos ka dhegayso hadalkii Maxamed Siciid Ducaale (Dahabshiil).

Get Flash to see this player.

Hoos ka Daawo Sawirada

Dahabshiil

Dahabshiil

Gugoomiyaha Shirkadda Dahabshiil

Gugoomiyaha Shirkadda Dahabshiil

Login