March 7, 2010
Isbadbedalka Siyaasadeed ee Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe
Laba sanadood wixii ka horeeyey dadbadani waxay tilmaami jireen in mustaqbalka xusbiga Ucid yahay mid soo ifaya. Siyaasada xusbigu waxay ahaan jirtay mid mar kasta u socota dhinaca ay hadba jirto maslaxada somaliland. Waxaa jirtay goobo badan oo haddii aan xusbiga Ucid siyasadiisa qaadan soomaliland ku dhici lahayd marxalad qalalaase iyo nabadgelyo darro, haseyeeshee lagu badbaaday talada iyo xigmada xusbiga. Waxa ka mid ahaa waqtiyadii doorashooyinka iyo waqtiyo kale oo badan oo xaraaradda siyaasaddu aad u kacsanayd.
Siyasada xusbigu waxay ku socotay khadka dhexe, waxayna ahayd mid ay isku hallayn karaan oo aanay shaki ka qabin dhamaan dadka reer somaliland. Inkastoo ay jirtay in mararka qaarkood gudoomiye Faysal keebku ka fakado, hadana khudbadaha iyo barmaajiyada gudoomiyuhu waxay ahaan jireen kuwo dadka soo jiita xataa dadka taageera xusbiyada kale.
Marar badan oo labada xusbi ee kale isqabteen oo arrintu ciraka isku shareertay, wuxuu guudoomiye Faysal noqday xaakimkii kala xukumayey labada xusbi. Marka khilaaf dhacona dadka reer samaliland waxay sugi jireen mowqifka xusbiga Ucid ka qaato khilaafkaas waayo waxaa looga bartay inuu had iyo jeer gudoomiyuhu raaco meesha danto ku jirto isagoo aan eegin dantiisa gaarka ah iyo tan xusbigiisa midna, taasoo kor u qaaday Sumcada iyo magaca gudoomiyaha iyo Xusbigaba.
Dadka qaar waxay odhan jireen Siyaasadaha iyo ajendayaasha labada Xusbi ee Udub iyo Ucid aad ayey isugu dhow yihiin oo lamaba kala saari karo. Xataa waxa ku adkaan jirtay taageerayaasha labada xusbi inay kala xushaan barnaamijyada iyo siayaasadaha labada xusbi, waayo labada xusbiba waxay ku socdeen siyaasadda loo yaqaan khadka dhexe “Centre parties”, labada xusbiba waxay aaminsanyiin siyaasada furfurnaanta iyo isdhexgalka. Waxay aaminsanyiin in beelaha iyo qabaailka reer somaliland u simanyiin xuquuda iyo sidoo kale waajibaadaka dalka min Laasqoray ilaa Zaylac.
Hadaba maxaa dhacay? Waxaa dhacay in gudoomiyihii Xusbiga Ucid mudane Faysal mar kaliya wareegay 360 digree. Gudoomuhu isagoo kaligiis ah oo aan wadan xubnihiisii xusbiga iyo taageerayaashiisii ayuu u dhaqaaqay dhinaca midigta, isagoo istaagay midigta fog ka sii fog.
Wuxuu bilaabay inuu ka goosto siyaasadii taageerayaashiisa iyo tii xusbigaba. Wuxuu la soo baxay siyaasado cusub oo aan hore loogu aqoon, hadalo isburinaya, aflagaado aan loo meel dayin, seef la boodnimo iyo siyaasado aan madax iyo minjo midna lahayn oo iska horimanaaya.
Illaa hadda waxa la isweydiinayaa waxa ku dhacay oo ilaa heerkaas badeley gudoomiye Faysal. Dadka qaar waxay leeyiin Faysal wuxuu jaahwareer “frustration” ka qaaday doorashooyinkii madaxtooyada ee dhowrka jeer dib u dhacay iyo siyaasadihii ay ku shaqeynayeen komissionkii doorashooyinka ee hore, kadibna uu arrimahaas uga faaiideystay gudoomiyaha Kulimye Axmed Siilaanyo si uu kaadhka uga gubo.
Dad badani waxay isweydiinayaan sida ay isku siyaasad iyo xulufo u noqon karaan gudoomiye Faysal oo ku tilmaanaan jiray siyaasi daacad ah, dhexdhexaad ah, ka shaqeeya nabada, laguna xusuusto qeybtii shariifka ahayd uu ka soo qaatay demintii dagaaladii sokeeye ee mar dalka soo maray, iyo xisbiga Kulmiye oo lagu yaqaano siyaasad seef la boodnimo, qabyaalad iyo kaalintii uu ku lahaa dagaaladii sokeeye.
Taageerayaashii xusbiga Ucid iyo siyaasiyiintii xusbiguba meeshii ayey taaganyiin, inkastoo ay jiraan siyaasiyiin badan oo iska casilay xusbiga, waxayna sugayaan inta gudoomiyahoodii ay jeclaayeen dib ugu soo noqonayo ama ay ka quusanayaan.
Hadaba, suáashu waxay tahay, maxaa la gudboon maanta gudoomiye Faysal Cali Waraabe?
Jawaabtu siday aniga ila tahay waa inuu laba kala doorto:
1- In uu qaado tallaabadii ay qaaday Margaret Thatcher Nov. 28 - 1990 waqtigeedii u dembeeyey raiisalwasaaranimada dalka Ingriiska kadib markii ay iska casishay xilkii raìsalwasaaranimada, kuna wareejisay Wasiirkeedii Maaliyada Mr John Major si uu xusbiga ugu hogaamiyo doorashadii ku soo socotay. Margaret Thatcher waxa lagula taliyey inay xusbiga badbaadiso oo meesha banayso si loo helo waji cusub oo xusbiga hogaamiya maadaama taageeradeedii shacabku hoos u dhacday.
Natiijadii ka dhalatay go,àankaas geesinimada leh ee Margaret Thatcher qaadatay waxay noqotay in John Major guul u soo hooyo xusbiga kuna guuleysto doorashadii. Sidaas darteedna, guddomiye Faysal waxa la gudboon oo looga fadhiyaa tallaabadaas mid la mid ah oo ah inuu is casilo isagoo u daneynaya xusbiga maadaama uu lumiyey taageeradii taageerayaashiisa.
2- Inuu madax banaanidii xusbiga dib u soo celiyo oo uu saxo wixii uu khalday iyo inuu qiro khaladka uu xusbiga ka galay ee ah inuu xusbigii Ucid ku biiriyey xusbiga Kulmiye.
Haddii gudoomiye Faysal ka baaqdo inuu qaado tallaabooyinkaas, ha ogaado inuu qaadi doono masuuliyadda guuldarro kasta oo xusbiga u soo hoyata.
Naaleeye Nuur
Email: Naaleeye111@hotmail.com
