March 6, 2010

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland oo Wefti Dawlada Culus Oo Maraykanka Ka Socda Kula Kulmay Ethiopia.

safir Addis Ababa (Harowo) - Wasiirka Wasaarada Arrimaha dibada Somaliland, Md. Cabdilaahi Maxamed Ducaale ayaa kula kulmay Magaalada madaxda dalka Itoobiya ee Addis Ababa 3/3/2010-ka Huteelka Shareton ee Addis Ababa Wefti ka socda dawlada Maraykanka oo uu Hoggaaminayo Mr. Karl E. Wycoff, oo ah Ku Xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha dibada ee dalka Maraykanka isla markaana qaabilsan Arrimaha Geeska Afrika iyo Badhtamaha Afrika.

Shirkaasi oo qaatay saacad iyo badh ujeedadiisa ugu weyni waxay ahayd u gogol xaadhka Wefti ka socda dawlada Somaliland oo dhawaan Booqasho rasmi ah u tagi doona wadanka Maraykanka iyaga oo marti qaad rasmi ah ka helay xukuumadda Maraykanka.

Wasiirku wuxuu warbixin dheer ka siiyay Weftiga Maraykanka xaalka guud ee dalka khaasatan dhinacyada nabadgelyada,horumarka, Geedi socodka dimuqraadiyada iyo taabo galka dawlad wanaaga.isagoo u caddeeyay Weftiga in xidhiidhka Somalilad iyo Maraykanku yahay  mid soo jireen ah oo soo taxnaa illaa 1991-kii intii ay Somaliland la soo noqotay madaxbanaanideeda waxa uu Wasiirku ku adkeeyay weftiga dawlada maraykanka in la gaadhay wakhtigii la sii adkayn lahaa xidhiidhka iyo iskaashiga labada dal, maraykankuna uu gacan mug leh uga geysan lahaa dhinacyada gaar ahaan: dublamaasiyadda,Horumarka iyo Geedi Socodka Dimuqraadiyada.

Waxa kale oo uu Wasiirku ku adkeeyay Weftiga  in kulamada dhawaan ka dhici doona dalka Maraykanka ee labada dhinac ay noqon doonaan kuwo dhala natiijo midho leh oo wax ku ool ah.

Waxa dhinaca Weftiga Maraykanka Mr. Mr. Karl E. Wycoff, uu u xaqiijiyay Wasiirka in Maraykanku aad ula dhacsan yahay Hoggaanka xukuumadeed ee Somaliland, shacbi  iyo  xukuumadba waxqabsigooda, isagoo caddeeyay in xidhiidhka labada dal yahay mid aad iyo aad isu soo tarayay muddo dheer, lana gaadhay wakhtigii xididada loo sii adkayn lahaa iskaashiga labada wadan  oo ku dhisan (Matual Interests).

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in Kulamada soo socdaa ay noqon doonaan kuwo midho dhal ah. Waxa kale oo  uu Mr. Mr. Karl E. Wycoff, sheegay in joogtaynta kulamada labada dal ay noqon doonaan kuwo sii socda.

Kulankaasi waxa Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland iyo Karl E. Wycoff ku weheliyay Safiir Ku Xigeenka Safaarada Somaliland ee Addis ababa Md. Ayaanle Salaad Diiriye, Ambassador  John Yates, Safiirka dalka Maraykanka u fadhiya Itoobiya iyo Mr. Kirk Mc Bride, oo safaarada Maraykanka u qaabilsan Arrimaha Siyaasada iyo dhaqaalaha. Wasiirku wuxuu soo gaadhay Itoobiya 2-dii bishan isagoo ka soo kicitimay Magaalo madaxda JSL ee Hargeysa, iyadoo aan hore loo iclaamin safarkiisa.”

Safiir Ku Xigeenka Safaarada Somaliland ee Addis ababa Md. Ayaanle Salaad Diiriye

Login