March 6, 2010

Raxan Wasiiro ah Oo Booqday, Khasaarihii Roobabka Ee Wajaale.

Wajaale, (Harowo)- Wasiirrada Arimaha Gudaha, Hawlaha Guud, Caafimaadka, Qorshaynta Qaranka, Warshadaha, Ganacsiga, Dib u dejinta, Wasiiru dawlaha arimaha gudaha, Agaasimayaasha wasaaraddaha dawlada qaarkood oo ay weheliyaan Maayero iyo Gudoomiyeyaal Gobol ayaa maanta kormeer ku soo gaala bixiyay degaano badan oo roobabkii waaweynaa ee maalmihii tagay khasaare u gaysteen.

Wafdiyadan oo dhinacyada Galbeedka iyo Bariga dalka u kala baxay ayaa Socdaalkoodan ku soo kormeeray, Gobolada Awdal, Gabilay, Saaxil iyo meelo kale, dhinaca Degmada Wajaale hadaynu ku horayno Raxan Wasiiro ah ayaa maanta gaadhay halkaas, wasiiradaas oo kala ahaa, arimaha gudaha Md. C/laahi Ismaaciil Cali (Ciro), caafimaadka Md. Cabdi Haybe Muxumed, qorshaynta qaranka Mudane Cali Maxamed Ibraahin (Sanyare), Ganacsiga Md. Abiib Xassan Filfil, Hawlaha Guud Md. Siciid Sulub, oo ay weheliyaan Agaasimaha guud ee wasaarada Caafimaadka, Gudoomiyah Gabilay iyo Maayerka Wajaale ayaa saaka soo kormeeray gabi ahaanba goobihii khasaaruhu ka soo gaadheen roobabka waxaanay xog waran ku saabsan baaxada khaasaraha ka dhegaysteen masuuliyiinta degaanadaas.

Markii ay soo dhamaysteen indha indhayntooda ayaa Wasiirada iyo Maamulka degaankaasi kulan ku yeesheen Hudheel ku yaala badhtamaha magaalada Wajaale, Wasiirka caafimaadka Md. Cabdi Haybe Muxumed oo isagu ugu horayn halkaa ka hadlay ayaa sheegay in wasaarad ahaan ay wajaale u sidan qadar dawo ah oo ay ugu tala galeen in lagula sii tacaalo wixii cuduro ah ee ka dhasha dhibaatada roobabku gaysteen.

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay wasiirka arimaha gudaha md. C/laahi Ismaaciil Cali Ciro waxaanu sheegay inuu Madaxweynaha uga sido dhanbaal tacsi ah, isla markaana uu shacbiga kala qayb qaadanayo murugada, waxa kale oo uu wasiirku sheegay in si deg deg ah looga hawl gali doono wax ka qabashada khasaaraha roobabku gaysteen, isagoo xusay in dhamaan hay’addaha dalka ku sugan amar lagu siin doono wax ka qabashada dhibaatadan.

Wasiirka wasaarada Ganacsiga Abiib Xasan Filfil ayaa isaguna ganacsatada ugu baaqay inay qayb ka gaystaan hawlaha gurmadka ee lagu caawinayo dadka ku wax yeeloobay roobabka waxaanu sheegay in hadii dawlad iyo shicib la iska kaashado si fudud wax looga qaban karo, mashaqadan.

Gudoomiyaha degmada Wajaale Qawrax Muuse iyo Gudoomiyaha Gobolka Gabilay Maxamed Aw Cabdi Xabeeb oo iyaguna halkaa ka hadlay ayaa faah faahin ka siiyay wafdiga wasiirada ah, baaxada dhibaata ka dhalatay roobabkani leedahay iyagoo goobtaa ka sheegay guud ahaan tirada khasaaruhu inta uu gaadhsiisan yahay dad iyo duunyaba. Masuuliyiintan ayaa ugu baaqay maamulka dawlada dhwxe inay ka hawl galaan sidii deg deg dhibaatan wax looga qaban lahaa, loona caawin lahaa dadka ku wax yeeloobay Roobabka.

Harowo Desk Hargeysa Somaliland.

Login