March 6, 2010

Degmada Magaalo-Cadd Ee Gobolka Awdal Oo Roobab Ka Da’ay Khasaare Naf Iyo Maalba Leh Ka Geysteen.

magaalocad-small Magaalo-cadd, (Harowo)- Wafdigii balaadhnaa ee Golaha Wasiirada ayaa maanta booqday magaalada Magaalo-cadd ee Gobolka Awdal oo iyadu ka mid ah goobaha khasaaraha ugu ba’ani ka soo gaadheen Roobabkii cuslaa ee maalmihii u danbeeyay ka da’ayay Somaliland. Gudoomiyaha Degmada Magaalo-cadd Ibraahin Aw Maxamuud Cilmi ayaa ugu horayn wafdiga uga waramay baaxada khasaaraha soo gaadhay magaalada, ee naf iyo maal inta uu gaadhsiisan yahay.

Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in roobab aad u cuslaa oo maalmihii u danbeeyay ka da’ayay degmadu gaysteen khasaare aad u badan oo dhinaca duunyada u badan, isagoo ka hadlaya tirada khasaaraha xoolaha nool ayuu sheegay in ilaa wali maamul degmo ahaan ay hayaan, 2-kun oo adhi ah oo dhintay, Lo’da oo sadex boqol ka badan, halka geeluna ka yahay 192-neef, Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in guud ahaan degaanada Degmada hoos yimaada aan wali la wada tira koobin, khasaaruhuna intaa ka badan karo, balse ay tani tahay uun tiro hor dhac ah.

Xubnaha wasiirada ah ee wafdigoodu qiimaynta iyo soo kormeerida khasaarihii ka dhashay roobabka ku tagay magaalada Magaalo-Cadd ayaa markii kormeerkoodu u dhamaaday waxay kulan la yeehseen duqayda iyo maamulka degmada, waxaanay u sheegeen inay indhahooda ku soo arkeen baaxada khasaaruhu inta ay leeg tahay, xog ogaalna u yihiin, kana hawl gali doonaan sidii gurmada iyo taakulayn looga gaysan lahaa.

Wasiirradu waxay maamulka iyo wax garadka Reer Magaalo-cadd u balan qaadeen in sida ugu dhakhsaha badan looga hawl gali doono wax ka qabashada khasaaraha iyo dhibaatada ka dhalatay roobabkii waaweynaa ee maalmihii tagay ka da’ayay degaano badan oo ka tirsan gobolka Awdal.

Degmada Magaalo-cadd ayaa iyadu aad ugu waxyeeloowday roobab culus oo maalmihii tagay ka da’ayay waxaana jabay ku dhawaad Sodon Balay, halka duunyo aad u tira badani kaga dhimatay dad badanina kaga guryo beeleen, waxa magaaladaas dumay 45% guryihii ku yaalay, oo ay ku jiraan xaruntii maamulka Degmada, saldhigii Booliska, kana mid yihiin goobo iskuulo ah.

Wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha Xisbiga UDUB ee Gobolka Awdal Md. Cabdi Casiis Xuseen Raage iyo ururo badan oo ka mid ah ururada bulshada ee Gobolka Awdal, Gudoomiyaha Xisbiga UDUB ee Gobolka Awdal C/casiis Xuseen Raage, oo halkaa ka hadlay ayaa ugu horayn dadka uga tacsiyadeeyay dhibaatada soo gaadhay, waxaanu baaq qaylo dhaan ah u diray xukuumada iyo hay’addaha gargaarka iyo ganacsatada iyo dadka qurbo jooga ah, oo uu ka codsaday inay deg deg ugu soo gurmadaan.

Gudoomiyaha maamulka Degmada Magaalo-cadd oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in dhibaatada roobabkaasi gaysteen ay aad u badan tahay meelaha ugu daran ee dhibaatadu soo gaadhayna ay xaruntii maamulku kow ka tahay, dhibaato badanina soo gaadhay shacbiga iyo wixii ay duunyo haysteen, Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in maamul ahaan wixii karaankood ah ay dadka u qabteen hasa yeeshee uu xukuumada, ganacsatada iyo cidii kale ee wax ka qaban kartaba uu ka codsanayo inay deg deg gurmada ula soo gaadhaan.

magaalo-cad

Harowo Desk, Hargeysa, Somaliland

Login