March 6, 2010
“Aniga ayaa Wasiirka Baadhi Kara, 27-ka Guddi Hoosaad ee Baarlamaanka Dalka Kenyana Aniga ayay I hoos yimaadaan” Md. Faarax Macalin.
Nairobi (Harowo) - Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Kenya Md. Faarax Macalin Axmed, ayaa ka hadlay qoraal uu Wasiirka Arrimaha dibada Kenya ku dalbaday in Guddi Hoosaadka difaaca iyo Arrimaha dibada ee Baarlamaanku Kenya baadhaan dhaqdhaqaaqyadii weftigii Md. Macalin Hogaaminayay dabayaaqadii sanadkii hore Somaliland ku yimaadeen. Guddoomiye Ku Xigeenka baarlamaanka Kenya oo waraysi siiyay Tv-ga ETN waxa uu ka waramay Socdaalkiisi Somaliland, Warbixin Barlamaanka ay hordhigeen oo socdaalkooda ku saabsan, sharci ahaan sida aanu wasiirku xaq ugu lahayn inuu yidhaahdo baadhitaan ayaan ku samaynayaa Faarax Macalin, horumarka uu Somaliland ku arkay Gaar ahaan magaaladda Boorame oo uu carabka ku dhejiyay, talooyin uu dadka reer Sool siiyay iyo arimo kale oo Somalida ku saabsan Hoos ka dhegayso waraysigaas oo dhamaystiran.
Get Flash to see this player.
