March 4, 2010
Suldaan Cusub Oo Magaalada Burco Lagu Caleemo Saaray Maanta.
Burco (Harowo) - Magaalo Madaxda Gobolka Togdheer Ee Burco ayaa maanta lagu caleemo saaray Suldaan Cusub oo beel ka mid ah beelaha Gobolkaasi degaa dooratay, kaas oo lagu magacaabo Suldaan Sayid Aw-Jaamac Warsame. Xaflad aad u loo soo agaasimay oo Suldaanka Cusub lagu caleemo saarayay ayaa ka dhacday Hotel Cigaal waxaana ka soo qayb galay, masuuliyiinta gobolka, hogaamiye dhaqameedyo ka tirsan beelaha Somaliland iyo marti sharaf aad u tira badan.
Suldaan Cismaan Sheekh Ibraahin, oo ugu horayn madasha ka hadlay ayaa ka waramay aqoonta uu u leeyahay Suldaanka cusub isagoo sheegay inuu yahay nin wanaagsan, kuna dheeraaday waxyaabaha in Suldaan laga dhigo u horseeday, “Waxaynu maanta isugu nimid halkan caleemasaarka suldaan sida ay dadbadan u sheegeen inta aan ka aqaan waa suldaan ahludiin ah, aftahan ah waa suldaan ku filan howlaha loo igmaday.”
Suldaan Cismaan laftiisa oo ka mid ah salaadiinta dhawaan taajka Saldanada lagu boqray isagoo hadalkiisa sii wata lana hadlaya Suldaanka cusub waxa uu yidhi “Suldaanka Cusub waxaan leeyahay, cadaalada ogow, waxaad noqotaa kuwa maalinta ay caadifada iyo qabyaaladu ugu kulushahay dhexnimada ku jira ee aanay caadifadi qaadin waxaad noqotaa sida (ABuubakar) Illaahay ha ka raali noqdee, mid cadli, dulqaad iyo samir, dadka ku hogaamiya waxaanu kugu baryaynaa in Illaahay kugu garabgalo xilkaa aad qaaday.” Ayuu Suldaan Cismaan yidhi.
Maayar ku-xigeenka Degmadda Burco, Md. Axmed Cabdi Jaamac iyo Barasaabku xigeenka Gobolka Togdheer, Md. Guuleed Daahir Samatar oo iyaguna ka mid ahaa masuuliyiintii xaflada caleemo saarka Suldaanka Cusub ka qayb galay oo hadalo kooban madasha ka jeediyay ayaa ka waramay wada shaqaynta maamul ahaan iyo Salaadiinta ka dhaxaysa, gaar ahaan nabad galyada iyo daminta khilaafka beelaha, waxaanay Suldaanka cusub iyo guud ahaan salaadiinta kula dardaarmeen inay hawsha sugida amaanka kala shaqeeyaan, isla markaana ilaaliyaan karamada iyo sharafta saldanada.
Suldaanka Cusub Suldaan Sayid Aw-Jaamac Warsame, oo Gabagabadii Xafladda ka kacay ayaa Duco kooban iyo mahadnaq hadal u badan ka jeediyay, waxaanu dhamaan dadkii ka soo qayb galay xaflada kula dardaarmay inay ilaaliyaan wada jirka iyo nabad galyada.


Harowo Desk, Hargeysa, Somaliland

