March 4, 2010
Jawaab: Warsaxaafeedka Afhayeenka UCID, Mr. Codyare.
Tixraac warsaxaafadeedkii uu soo saaray Af-hayeenka Xisbiga UCID uu kaga jawaabay Bayaankii Qurbajooga Beelaha HY, gaar ahaan UAE. Aniga oo ah Af-hayeen Jama Yusuf, waxaan xasuusinayaa Mr. Codyare arrimaha soo socda:
1. Bayaanka qurbajooga H.Y wuxuu ku soo baxay dhamaan shebakadaha sharafta leh ee Somaliland, siiba Maroodijeex News, Ramasnews, Qarannews, Oodwaynenews, SomalilandNation News iyo qaar kaloo badan. Ma haboona inuu Mr. Codyare ku xoqdo ama xajeemeeyo Qarannews oo ka mid ah shebakadhaas sharafta mudan.
2. Waxa haboonayd inuu Gudoomiye Faisal ka noqdo aflagaadada, cudurdaarna ka bixiyo “Apology” ama uu ku adkaysto hadalkeesa..Warsaxafadeedka Mr.Codyare ma istaahilo warqada uu ku qoranyahay.
3. Mar kale waxaanu cadaynaynaa haddi aanu nahay Qurbajooga H.Y inaanu taageeradii dhaqaale iyo siyaasadeedba aanu kala noqonay Xisbiga UCID, intii horena aanu ku qornay Buuga khasaaraha “loss account”’
4. Salaadiinta waxa laga sugayaa inay eedaynta Gudoomiye Faisal iska baydhiyaan.Haddii ay ka aamusaan, dhawaaqa Faisal waa dhab, 10ka Suldaana waanu la xisaabtamaynaa. “Silence is consent “’
Wa bilaahi towfiiq.
Jamac Yusuf - Af Hayeenka Beelaha H.Y, UAE.
Email: Jamayusuf36@yahoo.com

