March 1, 2010

Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Si Diiran Saylac Ugu Soo Dhaweeyay Raysal Wasaaraha Djibouti Maanta.

udub-small Saylac (Harowo) - Raysal Wasaaraha Jamhuuriyada Jabuuti Md. Dilayta Maxamed Dilayta iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta socdaal gaaban ku yimi magaalada Saylac Ee Xarunta Gobolka Selel Somaliland, halkaas oo uu si diiran ugu qaabilay wasiirka arimaha gudaha Somaliland Md. C/laahi Ismaaciil Cali (Ciro). Socdaalka Raysal Wasaaraha Jabuuti oo ahaa mid la xidhiidhay caleemo saarka ugaaska 19aad ee Beesha Ciisaha, waxa uu magaalada Saylac ku yimi Raysal Wasaaraha iyo Wafdigiigu Diyaarad khaas ah oo kuwa qumaatiga u kaca ah, waxaana markii uu..

wasiirka arimaha guduhu qaabilay loo soo galbiyay madashii caleemo saarka Ugaaska Beesha Ciisaha, Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahin Ugaas Cismaan.

Raysal Wasaaraha Jamhuuriyada Jabuuti ka hor waxa iyaguna ku sugnaa magaalada Saylac ugu yaraan shan wasiir oo ka tirsan dawlada Jabuuti, masuuliyiin ka socda Maamulka Dalka ethiopia iyo is maamulka Somalida Ethiopia, madax dhaqameedyo tira badan iyo dadweyne aad u badan.

Dhamaan wufuuda Djibouti iyo Ethiopia ayaa maanta dib u laabtay ka dib markii caleemo saarku dhamaaday, raysal wasaare Dilayta Maxamed Dilayta ayaan isagu intii uu ku sugnaa Saylac aan wax kormeer iyo indho indhayn ah aan u yeelan magaalada Saylac, marka laga reebo qadar kooban oo ay masuuliyiinta dawlada wada hadal yeesheen, waxa uu socdaalkiisu ahaa mid ku eg uun ka qayb galka xaflada caleemo saarka Ugaaska Beesha Ciise.

Jamhuuriyada Somaliland iyo Djibouti ayaa xidhiidh wanaagsani ka dhexeeyaa, taas oo horseeday in rubuc ka mid ah golaha xukuumada jabuuti iyo Raysal wasaarahoodi socdaal saacado iyo maalmo intaba qaatay ay ku yimaadaan somaliland.

Raysal Wasaare Dilayta Maxamed Dilayta waxa uu noqonayaa masuulkii ugu sareeyay beesha caalamka ee Somaliland Socdaal ku yimaad tan iyo intii lagu dhawaaqay sanadkii 1991-kii shirkii ka dhacay magaalada Burco.

udub-1

udub-2

Harowo Desk Somaliland

Login